Sign in to follow this  
Dr_Osman

Al Shabab Key Man Afghani Dead

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dilka Afghani oo la shaaciyay

30 Jun 30, 2013 - 1:12:28 AM

 

Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u shaaciyay in la dilay Ibraahim X. Jaamac Miicaad [ibrahim Afghan] iyo C/xamiid Xaashi Colhaye [Macalin Burhaan] oo ka mid ahaa saraakiisha sarsar ee Ururka Al-shabaab.

 

Afhayeenka Milateriga ee Al-shabaab Sh. C/casiis Abu-Muscab ayaa hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay in labadan ruux ay diideen amar ay siiyeen ciidamo loo diray inay soo xiraan, ayna isku dayeen inay dagaalaamaan taasna ay keentay in la dilo.

 

“Qoysaskooda iyo Caruurtooda ayaan ku wargelinay dilkooda, inaga ayaana aasnay” ayuu yiri Abu-Muscab oo sheegay inay ka mid ahaayeen xubno isku dayay inay Al-shabaab kala furfuraan, kuwaasoo qaarkood ay baxsadeen.

 

Ibrahim Afghan ayaa wuxuu ka mid ahaa 7 xubnood oo saraakiisha Ururka Al-shabaab ka tirsanaa oo Mareykanka uu madaxooda saaray Malaayiin Dollar, waxaana uu noqonayaa kii ugu horeeyay saraakiishaas oo ku baxa gacanta Al-shabaab.

 

Dilka labadan ruux ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan iyadoo qaar ka mid ah wararkaas ay sheegayaan in la qabtay markii hore markaas kadibna la toogtay, inkastoo Al-shabaab ay arintaas beenisay.

 

“Labadan walaalaha ah waxaa la dilay iyagoo dagaalamaya, waan abeer wararka suuqa la dhexmarinayo ee ah in xabsi laga soo baxay dabadeedna la toogtay” ayuu yiri afhayeenka Milateriga Al-shabaab.

 

Sidoo kale Afhayeenka Al-shabaab u hadlay wuxuu sheegay in Howlgal kaas la mid ah oo la doonayay in lagu soo qabto Sh. Mukhtaar Roobow uu isna ka dhacay deegaanka Raamo-cadey ee Gobolka Bay, halkaasna lagu dilay mid ka mid ah xubnihii howlgalka loo diray.

 

“Howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Raamo-Cadey waxaa lagu dilay mid ka mid ah walaalihii loo diray inay howlgalka fuliyaan oo ay soo qabtaan rag ka mid ahaa kuwa doonayay inay Al-shabaab kala furfuraan” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Sh. Abu-Muscab.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in laba ruux iyo rag ay wataan ay ka baxsadeen Baraawe, kuwaasoo uusan magacaabin, balse waxaa la sheegayn inay kala yihiin Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Sh. Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansor] oo labadooda si dhuumaaleysi ah uga baxay degmadaas.

 

Arintan ayaa waxay muujinaysaa heerka uu gaaray khilaafka soo dhexgalay Ururka Al-shabaab iyadoo labada xubnood ee la dilay iyo labad baxsaday ay qorsheynayeen inay ku dhawaaqaan Urur kale oo kasoo horjeeda Al-shabaab.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalia: Al Shabaab admits killing its own senior officials

30 Jun 30, 2013 - 12:54:44 PM

 

MOGADISHU, Somalia June 30, 2013 (Garowe Online) - Al Shabaab militant group in Somalia has publicly admitted killing two senior officials, underscoring the growing violent dispute within the militant group, Garowe Online reports.

 

In an audio recording provided to Somali media, Abdiaziz Abu Musab, Al Shabaab’s military spokesman, said Al Shabaab group killed Ibrahim Haji Jama Micad (Ibrahim Afghani) and Abdihamid Hashi Olhaye (Moallim Burhan) in an operation to arrest them.

 

“We are informing their family members of the killing and we [Al Shabaab] buried them,” said Abu Musab.

 

He dismissed media reports that Ibrahim Afghani and Moallim Burhan were captured and executed by Al Shabaab militants. Instead, Abu Musab claimed that the two deceased Al Shabaab officials were killed in an operation to arrest them after they fought back.

 

Abu Musab said an Al Shabaab court had ordered their arrest and the two deceased officials fought against militants sent to arrest them in Barawe, a coastal town in Lower Shabelle region.

 

Similarly, Abu Musab said another operation in Ramo Adey village of Bay region to arrest a senior Al Shabaab member, Muktar Robow Abu Mansur, resulted in the killing of an Al Shabaab fighter sent to arrest Abu Mansur, who later escaped.

 

Abu Musab said unnamed persons “who were dividing Al Shabaab had escaped Barawe”, and some reports said Abu Musab was referring to Sheikh Hassan Dahir Aweys, who was detained in Galgadud region after escaping Barawe and is currently jailed by the Somali federal government in Mogadishu.

 

This development marks the growing violent dispute within Al Shabaab ranks, as Al Shabaab chief Ahmed Abdi Godane is fighting former comrades for domination of Al Shabaab group. Ibrahim Afghani was Godane’s deputy and was wanted by the U.S. government with a US$7million bounty.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this