Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breakingnews Renewed clashes in Kismayo between barre hiiraales Militia and Ahmed Madoobe's Militia

Recommended Posts

Dagaal u dhexeeya Xubno isku haysta Maamulka Jubbaland oo ka billowday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

 

Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammo kala taageersan, Col. Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baalleey oo isku dhinac ah iyo kuwa Sheekh Axmed Madoobe ayaa ka qarxay magaalada Kismaayo.

 

Dagaalkan oo ah mid xooggan ayaa la sheegay inuu ka socdo magaalada oo dhan, waxaana weerarka qaaday ciidamada taageersan Sheekh Axmed Madoobe oo dhawaan ay magaalada ku dagaalameen xoogag taabacsan Col. Barre Hiiraan.

 

“Magaalada waxaa ka qarxay dagaal culus oo daba socda dagaallo dhawaan ka dhacayay magaalada, wuxuuna u dhexeeyaa dhinacyada isku haya hoggaaminta maamulka Jubbaland,” ayuu HOL u sheegy goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo.

 

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahayd mid aad u kacsan, kaddib markii uu dagaal ka dhacay Arbacadii, iyadoo dadku ay ku sugan yihiin guryahooda magaalada oo dhanna ay xiran tahay.

 

Ma jiro mas’uul ka tirsan dhinacyada dagaalamaya oo ka hadlay dagaalkan cusub ee magaalada ka qrxay, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo xaafadaha magaaladaas oo dhan ka socda.

 

“Rasaastu meel walba ayay ka dhacaysaa, cid dibadda u bixi karta ma jirto, madaafiic ayaana xaafadaha qaarkood ku dhacaysa,” ayuu yiri goobjoogaha la hadlya HOL oo ku sugan magaalada Kismaayo, iyadoo xilligii aan xiriirka la sameynaynay taleefoonka laga maqlayay rasaasta dagaalka.

 

Dhinacyada dagaalamaya ayaa wuxuu mid walba horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaasoo ay dowladda Somalia ku sheegtay inuu yahay mid lagu dhisay si aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaalla.

 

Wixii warar ah ee dagaalkan kasoo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barre Hiiraale iyo Iftiin Baasto oo isku biirey

Barre-hiiraale-iyo-Iftiin-Baasto.jpg

Published: June 28, 2013

 

Kn: Sida ay soo sheegayaan wariyeyaasha KismaayoNews ee magaalada Kismaayo waxaa isku biirey Col. Barre Aadan Shire ( Hiiraale) iyo Iftiin Xassan Baasto oo labaduba horey ugu dhawaaqay in ay yihiin madaxweynaha Jubbaland.

 

Waxa ay labada nin sidoo kale isku biiriyeen ciidamadooda, waxayna wada dageen hal guri kaasi oo ku yaala masaajidka Xaaji Jaamac agtiisa.

 

Guriga ay wada dageen oo ah dhisme sedex dabaq ah oo uu dhistey nin WFP u shaqayn jirey oo lagu magacaabo Shimbir, kuna yaala halkii ay ku ooli jireen sanamyadda libaaxyadda ahaa ee ee xaafadda Guul Wade agteeda ahaa.

 

Meel aanan sidaasi oga fogeyn oo ah meesha ay wadada ku dhamaato ee dhanka Via Afmadow, oo lagu magacaabo isgoyska Geed Kaama Dambeeyo waxaa isna degen nin kale oo sheegtey madaxweynenimada Jubbaland oo lagu magacaabo Cabdi Baalay.

 

Lama garanayo isbahaysiga labada nin ay sameyteen iyo wax uu ka dhignaan doono xili ay wali taagantahay xiisad dagaal oo maalin kasta sii kordheysa.

 

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in ciidamadii warshadda ku jirey oo uu taliye ka ahaa Col. Cabbaas in ay iyana ay si toos ah ugu biireen ciidamadda Barre Hiiraale iyo Baasto, balse wali taasi si rasmi ah looma xaqiijin, waxaana noo suurogali weysey in aan warshadda galno si aan warka u xajiino, sababtoo ah waxaa meesha ka jirta cabsi dagaal.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka bilowday Kismaayo & Col.Cabaas oo diyaarad la saaray

 

Waxaa maanta markale dagaal uu ka bilowday magaalada Kismaayo, dagaalkan ayaa ah mid ka duwan iska horimaadyadii horey magaalada Kismaayo uga dhacay.

June 28, 2013

 

Kismaayo Bartamaheeda

Dagaalkan ayaa kusoo beegmay xili maamulka Jubaland uu sheegay inuu wax ka qabanayo maleeshiyo beeleedka magaalada ku sugan kuwaasi oo horey dagaalo ulla galay maamulka Jubaland ayaa isbaarooyin dhigay qeybo kamid ah magaalada Kismaayo.

 

Xaalada ayaa sii fool xumaatay kadib markii ciidamada AMISOM shalay ay miino dhulka ugu aaseen qaar kamid ah maleeshiyooyinka la sheegay inay taageeraan Col.Bare Hiiraale.

 

Waxaa maanta ka dhacay kulamo kala duwan magaalada Kismaayo, qeyb kamid ah hogaamiyaasha sheegtay Madaxweynayaasha oo uu hogaaminayo Col.Barre Hiiraale ayaa shir ay magaalada ku qabteen ku shaaciyey inay dagaal la galayaan maamulka Jubaland.

 

Dhinaca kale kulan dhexmaray Madaxda maamulka Jubaland iyo Col.Cabaas Cabdi Gurey oo isniintii lasoo dhaafay ka yimid magaalada Muqdisho, Sarkaalkaasi oo ay dowlada Federaalka usoo magacowday ciidamada federaalka ee ku sugan Kismaayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dhaq dhaqaaq.

 

Wararka kasoo baxaya Kismaayo ayaa sheegaya in kulankaasi dhexmaray maamulka Jubaland iyo Col.Cabaas ku sugnaayeen saraakiisha Amisom waxa laga wada hadlayna ay tahay sidii laga yeeli lahaa ciidamada Col.Cabaas uu hogaamiyo oo magaalada Kismaayo la keenay xiligii uu socday shirweynihii lagu dhisay Jubaland, ciidamadaasi oo kamid ahaa kuwa Federaalka ee fadhiyey gobalka Gedo.

 

Illo lagu kalsoon yahay oo Horseed Media u waramay ayaa sheegaya in Col.Cabaas laga codsaday inuu joojiyo abaabulka ciidamada ku sugan Kismaayo ee isaga ka amar qaata, isla markaana lala socodsiiyey hawlgalada amaanka lagu sugayo ee uu maamulka Jubaland sheegay inuu bilaabayo.

 

Kulankan ayaa lagu soo waramayaa in khilaaf uu ku dhamaaday isla markaana kadib markii Col.Cabaas uu ka horyimid qorshaha maamulka Jubaland sida ay sheegayaan xubno kamid ah saraakiisha kulankaasi ka qeyb galay. Doodii ka dhacday kulankaasi ka dhacay Airporka ayaa la sheegay inuu gaaray meel xasaasi ah.

 

Maamulka Jubaland ayaa ku eedeeyey in Col.Cabaas uu wado qorshe dagaal magaalada lagu gelinayo isla markaana uu heegan geliyey ciidamada Gedo ka yimid ee magaalada horey ugu sugnaa. Wararkan ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay Col.Cabaas saareen diyaarad u duushay magaalada Wajeer, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Maamulka Jubaland ayaa ku hanjabay inuu xiri doono Col.Cabaas haduu soo aado magaalada Kismaayo.

 

Wararka ayaa qaar sheegayaan in Ciidamada AMISOM xireen Korneylka, halka warar kale sheegayaan in naftiisa looga baqay ciidamada maamulka Jubaland oo ay ciidamada AMISOM diyaarad u saareen si loo badbaadiyo, balse ma jirto wax war ah oo rasmi ah oo arrintan kasoo baxay.

 

Dhinaca kale dagaalka ka socda magaalada ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Jubaland oo la dagaalamaya maleeshiyadii taageersanaa Col.Bare Hiiraale iyo Col.Baasto oo gacan ka helaya ciidamada dowlada Federaalka qaarkood.

 

Arrintan ayaa u muuqata mid marka magaalada gelisay xiisad iyo colaad, wixii war ah oo arrimahan kusoo kordha gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii maanta Kismaayo ka qarxay oo caawa fiidkii istaagay

 

Kismaayo(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa ku waramaya inuu Caaawa Fiidkii uu istaagay dagaalkii xooganaa ee maanta ka bilowday xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo,wararka aan ka heleyno Kismaayo ayaa tilmaamaya in dagaalkaasi uu dhaliyey khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada Maamulka Jubaland iyo ciidan daacad u ah Col. Barre Aadan Shir Hiiraale oo isne sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland,dagaalka oo bilowday 2dii duhurnimo ee maanta ayaa soo gaaray ilaa caawa Fiidkii,waxaana la tilmaamayaa inuu jiro khasaaro nafeed oo dagaalka ka dhashay balse ilaa hadda lama hayo tirada saxda ah ee dadka ku dhintay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmay.

 

ciidamadii dagaalamay ayaa caawa ku hoyanaya aagagii ay maanta ku dagaalameen,waxaana lasoo sheegayaa in Xabbadii ay istaagtay caawa 7dii Fiidnimo,wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaafiic ay isku adeegsadeen dhinacyada dagaalamay ay waxyeelaysay dad rayid ah.

 

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa cakiran,shacabka ku dhaqan magaalada ayaa bilaabay iney ka barakacaan xaafadaha ay dagaaladu ka socdaan si ay naftooda ula baxsadaan,dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyey ayaan ilaa hadda wax war ah warbaahinta siin oo ku aaddan dagaalada uu dhiigga badan ku daatay ee maanta ka qarxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalladii Magaalada Kismaayo oo sii Xoogeystay iyo khasaare fara badan oo kasoo gaaray dadka ku nool Magaaladaas

 

Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Dagaalkii magaalada Kismaayo ayaa si xowli ah uga socda xaafadaha magaaladaaas, iyadoo khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkaas ka badan yahay kii shalay dhacay, waxaana wararku ay sheegayaan in 18-qof ugu yaraan ay ku dhinteen.

 

Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada dad 50-qof ku dhow oo u badan shacab ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas dagaalka loo adeegsanayo, iyadoo dhinacyadu ay isku riix-riixayaan xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.

 

“Dagaalka wuu ka xooggan yahay kii shalay, si aad ah ayuuna u socdaan xaafad walba oo ka tirsan magaaladana xabbad ayaa ka dhacaysa, kooxuhu waxay is-riix-riixayaan gudaha magaalada, dadkuna waxay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda,” ayuu goobjooge ku sugan Kismaayo u sheegay saxaafadda.

 

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo oo isugu jira kuwa ka socda Sierra Leone iyo kuwa Kenya ayaa la sheegayaan inay dagaalka daawanayaan iyadoo isbitaalladooda la geynayo ciidamada Axmed Madoobe ee ku dhaawacmay dagaalka, halka kuwa kalena la geynayo goobo kale oo magaalada ka tirsan.

 

Ma jiraan wax dadaallo ah oo lagu joojiyo dagaalka oo ka socda magaalada Kismaayo, balse magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la sheegayaa inay dadaallo lagu doonayo in dagaalladan lagu qaboojiyo ay ka socdaan.

 

Shacab fara badan oo ka qaxaya magaalada ayaa lagu arkayaa qaybo ka tirsan magaalada iyadoo rasaastuna ay si aad ah u socoto, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu cuslaa ee dhinacyada isku haysta maamulka Kismaayo ku dhexmara degmadaas.

 

Dagaalkan oo aroornimadii hore ee saakay ka qarxay magaalada ayaa wuxuu daba socday dagaalkii shalay gellinkii dambe ka billowday halkaas, kaasoo u dhexeeyay taageerayaasha Col. Barre Hiiraan, Cabdi Balleey iyo Iftiin Xasan Baasto oo isku dhinac ah iyo taageerayaasha Axmed Madoobe oo dhammaantood isku haysta xilka madaxnimo ee maamulka Jubaland.

 

Xafiisyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Muqdisho iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, inkastoo aysan jirin wax taallo ah oo ay qaadeen si dagaalkan lagu joojiyo.

 

Afhayeenka maamulka Raaskambooni, C/naasir Seeraar oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta isagoo ku sugan Kismaayo ayaa wuxuu sheegay inay ku gudo jiraan howlgallo ay magaalada kaga sifeynayaan wuxuu ugu yeeray kooxo ay soo aabushay dowladda Soomaaliya oo qorsheynaya inay carqalad geliyaan maamulka Jubaland.

 

Dagaalka ayaa weli ka socda gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo dhinac walba uu sheegayo inuu gacanta ku hayo qaybo badan oo magaalada ka tirsan, inkastoo dhinacyadu ay tan iyo saakay is-riix-riixayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Maalintii Labaad Ka Socda Kismanyo, Qaramadda Midoobay Oo Dalbatay Xabad Joojin iyo Madaxweyne Xasan Oo Ka Hadlay

(Hadhwanaagnews) Saturday, June 29, 2013

Waxaan markale ku baaqayaa in si sharuud la?aan ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Kismaayo oo dhiig danbe oo Soomaaliyeed......Madaxweyne Xasan

 

Muqdisho (HWN) - Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalintii labaad ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyo kala taageersan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

 

Maleeshiyada Barre Hiiraale oo shalay la sheegay inay Fadhiisimo ka qabsadeen kuwa Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in

 

maanta dib looga soo saaray goobihii ay qabsadeen.

 

 

Khasaaraha dagaalka ayaan si dhab ah loo ogeyn, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in tiro ka badan 10 qof ay dhinteen, waxaana sidoo kale jira barakac balaaran oo ay dadka rayidka ahi uga qaxayaan magaalada.

 

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa ku baaqay in si dhakhso ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Kismaayo.

 

Sidoo kalena warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu markale ku baaqay si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Kismaayo.

 

"Waxaan markale ku baaqayaa in si sharuud la?aan ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Kismaayo oo dhiig danbe oo Soomaaliyeed aan la daadin. Soomaalida wey ka soo daaleen colaado iyo dagaallo, xalna uma noqon karaan xasilinta dalka, nabad-ku wada noolaanshaha iyo horumarinta dhaqanka iyo dhaqaalaha dalka" ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo inay dhexdhexaad ka noqdaan kooxaha dagaalamaya, isla-markaana ay kala dhexgalaan ciidamada si looga hortago inuu dagaalku sii faafo. Madaxdweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku dhaawacmay dagaalada maalintii labaad ka socda magaalada Kismaayo.

 

Hadhwanaagnews/Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this