Sign in to follow this  
Saalax

Agaasimaha Kalluumaysiga Sland Oo Dalka Tunisia Kaga Qayb-galay Shir Ku Saabsan Dhinaca Kalluumays

Recommended Posts

Saalax   

Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysiga Oo Dalka Tunisia Kaga Qayb-galay Shir Ku Saabsan Dhinaca Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Baddaha

 

Hargeysa(Ramaasnewws) June27, 2013 -Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka baddaha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case) ayaa dalka Tunisiya kaga qayb-galay Shir caalami ah oo lagaga hadlayo maal-gashiga Kalluumaysiga dalalka Carabta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Axmed Cilmi Aadan oo warbaahinta la soo xidhiidhay isaga oo ku sugan Magaaladda Hamamta ee Dalka Tunisiya ayaa waxa uu sheegay in Shirkaas ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiin ka tirsan Urur Goboleedka Infosamak ee Macluumaadka, Cilmi-baadhista iyo Suuq-geynta Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

 

Agasimaha guud isagoo arrimahaas faah faahinaya waxa uu yidhi“Wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga Dalka Yemen ayaa ka qayb-galayey, waxaana lagaga hadlayay Maal-gashiga Kaluumaysiga Dalalka Carabta, Waana shirkii noociisa ee ugu horeeyay ee masuulitiinta Wasaaradu Ka qayb-galaan intii Somaliland Jirtay, waxaana soo qaban qaabiyey Urur goboleedka INFOSAMAK ee macluumadka iyo Cilmi-baadhista, Suuq-geynta, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha oo ah urur ka shaqeeya dhinaca maalgashiga iyo kaganacsiga kalluunka”

Shirkan ayaa waxa uu hadii sida u haboon looga faa’iidaysto oo aanuu noqon uun mid inta ay Somaliland dhex fadhiisato hadana kala soo noqon waxa faa’iido ah balse shirkani waxa uu looga faa’iidayn karaa dhinaca kalluunka ceegaaga badaha Somaliland .

 

Ramaasnews

Hargeysa

http://ramaasnews.com/index.php/News/Agaasimaha-Guud-Ee-Kalluumaysiga-Oo-Dalka-Tunisia-Kaga-Qayb-galay-Shir-Ku-Saabsan-Dhinaca-Kalluumaysiga-Khayraadka-Badda.html#sthash.WqFVXHAo.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this