Sign in to follow this  
Dr_Osman

President Farole and Hassan Shaykh Mourns Legend King Kong Life. 33RD King Of Sahal.AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

hassan_shiikj-300x162.jpg

 

Madaxweyne Xasan: Boqor King-Kong nabadeyn baa lagu xasuusan doonaa

| on June 24, 2013

 

7 Comments

 

President of Somalia Hassan Sheik

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eheladii, Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Rabbi ha u naxaristee Marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo maanta ku geeriyoodey Dalka Filand.

 

 

Madaxweynahu Waxuu sheegay in Boqor Cabdullaahi uu ka geeriyoodey dhammaan umadda oomaaliyeed “Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun,Waxaan leenahay Allaah Samir ha inaga siiyo Boqorka dhammaanteen, waxa uu ka tegey dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaano dalka ahaana aqoonyahan Taqasus u leh sharciga, kana soo jeeda boqortooyo oo waqtigiisa ku bixiyey nabadeynta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu.

 

Sidoo kale Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Boqorka uu door muhiim ah ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ahaa ee ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya sidoo kalana la soo shaqeeyey dowladdihii dalka soo maray.

 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Marxuumku ka mid ahaa Odoyaashii iyo Siyaasiyiintii isku hawshay badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.

 

- DHAMAAD -

 

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Farole_1.jpg

 

Madaxweynaha Puntland oo tacsi u direy boqor C/lahi

24 Jun 24, 2013 - 12:21:19 PM

 

GAROWEONLINE

 

Madaxweeyanha Dowlada Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamad Maxamud ayaa tacsi u diray Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse oo ku geeryooday dalka dibadiisa gaar ahaa wadanka Finland

 

Madaxweeynaha Puntland oo ku sugan magaalada Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in uu ahaa Boqor Cabdulahi Alaha U Naxariistee nin wax badan Ummada Somaaliyeed u sooq abtay isla markaasna xasuus ku reebaysa dad badan waxqabadkiisa guud ahaan Somalia gaar ahaan Puntland.

 

Dhageyso tacsida Madaxweyne Farole u direy Boqor Cabdulahi

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_tacsi_u_direy_boqor_C_lahi.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalia: Clan king passes away

24 Jun 24, 2013 - 1:39:01 PM

 

GAROWE, Somalia Jun 24 2013 (Garowe Online) – Bogor Abdullahi Bogor Muse a clan king, passed away in Finland succumbing to his ailing health on Monday, Garowe Online reports.

 

The well-known Bogor Abdullahi suffered a stroke earlier this month and had been hospitalized in Finland. He passed away Monday afternoon after going into a coma.

 

Bogor Abdullahi who comes from a lineage of clan kings was crowned in 2008 in a publicized event attended by then the late Somali Interim President Abdullahi Yusuf and then Puntland President Mohamud Muse Hersi (Adde) and thousands of Somalis, some who came from the diaspora.

 

Puntland President Abdirahman Mohamed Farole – who currently is in the U.A.E – sent his condolences to the family, friends and Somalis who the clan king had passed away from.

 

“On behalf of the Puntland government I would like to send my deepest condolences. He [bogor Abdullahi] had done incredible work for the people and state of Puntland. He wasn’t just a clan leader he was an activist, lawyer and humanitarian and our prayers go out to his family and friends,” said President Farole who spoke to media over the phone.

 

According to local sources, Bogor Abdullahi’s body will be brought to Mogadishu where there will be a funeral ceremony held and then he will be buried in Bossaso.

 

Abdullahi Bogor Muse was the 33rd king of the ***** clan-family.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Isimmada iyo Dowlada Puntland oo tacsi ka diray geerida Boqor Cabdilaahi [Maqal]

 

Allaha u naxariistee waxaa dalka Finland maantay ku geeriyooday Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse,oo in muda ah sida la sheegay xanuun sanayay.

 

Boqorka geeriyooday allaha u naxariistee ayaa ka tagay taariikh bug wayn,waxayna dad badan oo yaqaanay ay tilmaameen inuu ahaa nin alle ku banaysan dabci wanaagsan iyo ka shaqaynta maslaxada umadda Somaaliyeed,xitaa dhowr jeer ayaa loo xiray boqor Cabdilaahi isagoo ku guda jira arimaha bulshada iyo dantooda.

 

Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo ku sugan magalada Kismayo xarunta Jubbaland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta ah ee boqor Cabdilaahi ku timi,wuxuna sheegay isagoo la hadlayay radiogarowe,inay ka naxeen geeridiisa isla markasna ay alle uga baryayaan inuu naxariistiisa Jano ka waraabiyo.

 

Sidoo kale ehelkii iyo qaraabadii iyo waliba umadii uu ka baxay boqorka waxaa tacsi u diray Islaan Ciise Islaam Maxamad Islaam Muuse,wuxuna sheegay geeradia Boqorka inay wada taabatay umadda Soomaaliyeed.

 

Garaad Maxamad Cilmi Shirwac oo ku sugan magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ayaa dhankisa sheegay allaha u naxariistee Boqor Cabdilaahi inay is yaqaaneen mudo ka badan afartan sano,wuxuna ku sifeeyay waxqabadkiisa mid aan dib loo qaban karin isla markasna mudan in mar kasta la xasusto.

 

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa ka mid ahaa Odayaashii sida wayn caawa uga hadlay geerida Boqor Cabdilaahi,wuxuna sheegay Boqorka inuu dhanka siyasada iyo dhanka dhaqankaba uu ku wanaagsanaa.

 

Puntland Puntland ee Soomaaliyeed ayaa tacsi u dirtay dhamaan dadkii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse oo ahaa boqorkii 33-aad ee beesha *******,waxana warbaahinta la hadlay Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

 

Allaha u naxariisto Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse oo maanta geeridiisa si wayn looga wada naxay,bahda Dunidaonline oo isku duuban,waxay tacsi taas la mid ah hawada u marinayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo dadkii uu ka geeriyooday Boqor Cabdilaahi.

 

Nagala soo xariir :-Dunidaonline22@gmail.com

 

Dunidaonline.com

Xafiiska Garowe

 

Listen to all the legend isims paying tribute to the 33rd king of beesha Sahal

http://dunidaonline.com/index.php?id=9865

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Raysalwasaare Saacid ayaa ka tacsiyadaynaya geeridii ku timid Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muuse

| on June 24, 2013

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh uga dirayaa qaraabadii, ehelkii iyo dhamaan Salaadiinta Soomaaliyeed isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse Boqor Yuusuf oo galabta ku geeriyoday dalka Finland.

 

“geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhamaaday, waxaana aad noo taabatay geerida naxdinta leh ee ku timid Boqor Cabdulahi Boqor Muuse, oo runtii ahaa nin magac weyn ku leh gayigga Soomaaliya, hadii ay ahaan lahayd mid dhaqan iyo mid siyaasadeed intaba, Boqorku waxaa uu qayb weyn ka soo qaatay sidii dadka Soomaaliyeed u heshiin lahaayeen mudadii lagu jiray bur-burka, wuxuuna xilal muhiim ah ka soo qabtay dowladihii rayidka ahaa iyo kuwii ka danbeeyey intba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ilaahay uga baryey marxuumka inuu janatul fardowsa ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay.

 

Amiin! Amiin! Amiin!

 

Xafiiska Raysalwasaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Jawaari oo ka tacsiyeeyey Geeridii Boqor C/laahi Boqor Muuse (Warsaxaafadeed)

June 25, 2013 8:01 am GMT - Written by PP - Edited by PP

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Boqor C/laahi Boqor Muuse (King Kong) oo ku geeriyooday dalka Finland.

 

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN waxaan ugu horeyn doonayaa inaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyo geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen Boqol C/laahi Boqor Muuse oo ay geeridiisa nasoo gaartay, runtii waa geeri naxdin leh waxaanna Alle uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa jano, umadda Soomaaliyeed guud ahaanna uu Samir iyo iimaan ka siiyo”

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ runtii Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse waa shaqsi caan ku ahaa raadinta nabadda iyo xalka shacbiga Soomaaliyeed, si gaar ah waxaan ugu xasuustaa doorkii wanaagsanaa ee muuqday ee uu Boqor C/laahi Boqor Muuse Allaha u naxariistee ku lahaa geedi socodkii dalka looga soo saaray KMGka waxaa xaqiiqo ah in Soomaalida guud ahaanba ay wanaagiisa xasuusan doonaan,umadduna way tabi doontaa”

 

“ugu dambeyntii anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Golaha Shacbiga waxaan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed u dirayaa tacsi tiiraanyo leh, si gaar ahna waxaan ugu tacsiyadeeynayaa ehelada iyo qaraabada Marxuumka oo aan leeyahay Samir iyo iimaan dhammaanteenba Alle hanaga wada siiyo” ayuu tacsidiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 

—DHAMAAD—

 

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this