Sign in to follow this  
malistar2012

Saraakiisha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo eedeeyn usoo jeediyay ciidamada Kenya ee Kismaayo ku

Recommended Posts

Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa eedeen usoo jeediyay ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugan.

Korneel Maxamed Axmed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee halkaasi jooga ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay si gaar ah ula safan yihiin kuwa Raaskambooni.

Waxa uu sheegay sidoo kale in ciidamada Kenya ay ka eecdeen hanaankii AMISOM loogui tala galay, islamarkaana ay ismoodeen in raaskambooni ay dalka maamusho waa sida ay hadalka u dhigeene.

Ciidamada Kenya ayaa lagu xantaa inay saaxiib gaar ah la yihiin ciidamada Raaskamooni ee hadda gacanta ku haaya magaalada Kismaayo.

Share this post

Link to post
Share on other sites

DHAGEYSO:-Wararkii Ugu Dambeeyay Xalaada Kismaayo oo Dagaalo ka Dhaceen

Wararka Saaka Ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in xaalada Magaaladaasi ay tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo halkaa ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa ururka Raaskaanbooni.

Magaalada Kismaayo ayaa sakaa waxaa dib u soo noqday adeegyadiii muhiimka ahaa ee uu sameeynta ku yeeshay dagaaladii halkaa ka dhacay, waxaana dib saaka u furan goobihii ganacsi iyo waxbarashada, caafimaadka.

Magaalada Kismaayo ayaa waayihii ugu dambeeysay waxaa ka dhacayey dagaalo siyaasadeeysan oo u dhaxeeya ciidamada Raaskaanbooni iyo dhinacyo dhowr ah oo aragti ahaan Kismaayo xukunkeeda kuka aaraa duwan.

Gabaldhicii shalay ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Kismaayo dagaal geeystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Manajirto wax wada hadal ah oo la kala dhexdhigay ciidamadii shalay ku dagaalamay Kismaayo marka laga reebo si iskood ah oo ay u joojiyeen risaastii ay is weeydaarsanayeen.

Labada dhinac ee kismaayo ku dagaalamay ayaa midba dhanka kale waxaa uu dusha kaga tuuraya masuuliyada dagaalada Kismaayo oo ah kuwa soo noqnoqda.

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this