Saalax Posted June 20, 2013 Thursday, June 20th, 2013 at 03:03 pm Bannaanbax lagu taageereyey R/wasaaraha dalka Turkiga oo Muqdisho ka dhacay Muqdisho(RBC Radio) Bannaanbax ballaaran oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir kaasoo lagu taageerayey R/wasaarahada dalka Turkiga Rajab Dayyid Ordagan ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha Daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,bannaanabaxa ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal ruux oo gacmaha ku sitay calamada dalalka Soomaaliya iyo turkiga. Dibadbaxayaasha ayaa gacmaha ku watay Sawirka R/wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayid Ordogan,waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayeen in Ordogan uu yahay Nin abaal weyn u galay dalka Soomaaliya,waxayna sheegeen iney ka xun yihiin Dibadbaxyada ka dhanka ah ee ka socda dalkaas.Maama Abisho oo ka mid ah bulshada Rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho oo dibad baxa hadal ka jeedisay ayaa sheegatay in R/wasaare Ordogan uu yahay qofkii indha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya xili la hilmaamay dalka Soomaaliya,waxayna intaa ku dartay in Rajab Dayyid Ordogaan uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee si dhab ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed markii ay ku dhufatay abaarta ba’ani sanadkii 2011ka.Bannaanbaxayaasha ayaa ugu baaqay shacabka dalka Turkiga ee dhigaya mudaharaadyada ay kaga soo horjeedaan xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Dayyid iney joojiyaan isla markaane aysan dhibaato u horseedin dalkooda,waxayna *****lka ka qaadeen in mudaharaadyada iyo iska hor imaadyada ka socda dalkaa ay keeni karaan dhibaato ku dhacda dalkaa,Dibadbaxayaasha ayaa dhanka kale R/wasaaraha dalka Turkiga ugu baaqay inuu wada hadal ku dhammeeyo wxiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaas. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho http://www.raxanreeb.com/2013/06/bannaanbax-lagu-taageereyey-rwasaaraha-dalka-turkiga-oo-muqdisho-ka-dhacay/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 20, 2013 Well he constructed more schools hospitals roads than the government so he can be considered a leader of Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Homunculus Posted June 20, 2013 Salax, did the evil Khatumites turn you against Mogadishu? What's the reason for the sudden change?! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 20, 2013 ^^The alliance was too weak to begin with. Separatist thought Hassan Sheekh will give them recognition , Hassan thought Hargeysa will surrender easily Quote Share this post Link to post Share on other sites