wyre Posted June 19, 2013 Soomaaliya mas’uul badanaa Magac dowlo badanaa Maamul goboleed badanaa Madaxweynayaal badanaa Macno xumo badanaa Muwaafaqo darro badanaa! Xaajo murugsan badanaa Qabiil muransan badanaa Musuqmaasuq badanaa Maal xaaraana badanaa Dad is maagay badanaa Miciin darro badanaa! moryaan qaawan badanaa Ruux maldahan badanaa Maan doorsan badanaa Madiidin gaalo badanaa Mus la galo badanaa Qof masaar liqay badanaa! Wadaad mufsida badanaa Diin maroorin badanaa Marin habaabin badanaa Mujaahid beena badanaa Anaa mudiira badanaa Alla mushkilo badanaa! Muqdisho macnayaal badanaa Mowjad kacsan badanaa Miino qaraxda badanaa Maanyo moorto badanaa Marin gooyo badanaa Meeshu qaylo badanaa! Madaxweynuhu dhoof badanaa Waa lay macsuumay badanaa Meelo aad aad badanaa Marti qaad shisheeye badanaa Ninku Maqnaansho badanaa Meelo sare waab badanaa! Hargeysa muusannow badanaa Midnimo diid badanaa Waa nala maagay badanaa Miig baa na laayay badanaa Astaan mariida badanaa Maajaan xorownay badanaa! Garoowe masayr badanaa Madaxdeedu cuqdad badanaa Muddac iyo qaylo badanaa Annagaa mudnayn badanaa Waa nala garab maray badanaa Marmarsiiyo baas badanaa! Reer Mudug xasarad badanaa Magaalo qaybsan badanaa Gaalkacyo Maayar badanaa Nin is magacaabay badanaa Mid kaloo ku haysta badanaa Alla dadku maag badanaa! Kismaayo muran badanaa Anaa marooqsaday badanaa Waan maali jiray badanaa Madaxweynayaal badanaa Magli xanaf leh badanaa Gaal maqiiqan badanaa Amxaar muraadle badanaa Kiinyaati muun ah badanaa Musefeeni baahan badanaa Soomaali meyd ah badanaa Magaalo dunsan badanaa! Soomaaliya maal badanaa Xoolo miyi badanaa Geel mawjada badanaa Lo’ la maalo badanaa Mooro ari ah badanaa Haddana macaluul badanaa! Maanyo buuxda badanaa Webi ma’wi ah badanaa Mallay bilaasha badanaa Ceel macaan badanaa Dhasheeg meersan badanaa Mar kalana oon badanaa! Baardheere masaggo badanaa Afgooye muus badanaa Babaay miiran badanaa Bariiska Mugaambo badanaa Mareerrey sonkor badanaa Dalkuna macaluul badanaa! Maanyadeennu dherer badanaa Maraakiib shisheeye badana Tuug mulfinaaya badanaa Milatari qalaad badanaa Moryaan badeed badanaa Halaq mareen badanaa! Alla meeshu muran badanaa! Muran Badanaa Quote Share this post Link to post Share on other sites