Sign in to follow this  
malistar2012

Kulan Wadatashi ah ah oo Looga Hadlayo Nabadda Gobollada Dhexe ee Dalka oo Maanta Muqdisho ka Furmay

Recommended Posts

Kulankan wadatashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Arrimaha Gudaha iy Amniga Qaranka Soomaaliya, waxaa sidoo kale martigaliyey hay’adaha CRD, FCI, iyadoo ay madasha kulanka ka soo qeyb galeen wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Mahdi Maxamuud Cali, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/Shakuur Cali Mire, madax ka kala socotay maamullada ka jira gobollada dhexe ee dalka iyo mas’uuliyiinta hay’adaha kulanta fududeyay.

 

Madaxdii iyo wakiillada kala matalaysay gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayaa kulanka ka jeediyey in muhiimad weyn ay u leedahay arrintani Isfahan iyo wadashaqeyn dhex marta qeybahaasi.

 

Jabriil Ibaraahim Cabdulle oo hay’dda uu madaxda ka yahay ee CRD ay fududeysay qabsoomidda kulanka ayaa sheegay in waxa laga tashanayo ay yihiin nabaddeynta gobollada dhexe iyo isdhex galka Bulshada halkaasi ku nool, isagoo intaa raaciyey in wasaaradda Arrimaha Gudaha ay kala shaqeynayaan hirgalinta howshani.

 

Wasiir ku xiggeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/Shakuur Cali Mire ayaa tilmaamay in muhiimad weyn la siiyo arrintan, si looga gudbo kala qeyb sanaanta Bulshada.

 

Ugu dambeyntii wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Cali ayaa carabka ku dhuftay in kulankan wadatashiga ah uu yahay kii ugu horeeyey ee wasaaraddu qabato, si loo helo, wadashaqeyn, nabadgalyo iyo isku furnaan dadweynaha iyo mas’uuliyinta maamullada gobollada dhexe ee waddanka.

 

Kulanka ayaa soconaya muddo saddex maalmood, iyadoo inta uu socdana lagu falanqeyn doono, sidii loo heli lahaa go’aan ay ku heshiiyaan madaxda maamullada gobollada dhexe ee dalka ka jira kana wada shaqeyaan sidii loo horumarin lahaa amniga iyo adeegyada guud ee Bulshada Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

SFG stabilization plan will move Forward congrats to the FG ....................Borders will be secure less dependency on Ethiopian Soldiers , Security will be the main focus well done ....SFG is slowly bringing back one single Authority in South Somalia .....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this