Sign in to follow this  
malistar2012

Guddoomiye ku xigeenkii maamulkii KMG-ka ahaa ee magaalada Kismaayo oo la dhaawacay iyo xiisad ka ta

Recommended Posts

alaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenkii maamulkii KMG ahaa ee magaalada Kismaayo, Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar) ayaa goor-dhow lagu dhaawacay gudaha magaalada Kismaayo, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaadiid uu watay.

 

Yaasiin_Raadeer_1.jpg

 

 

 

 

 

Lama oga xaaladda dhaawaca Yaasiin Raadaar, iyadoo weerarka lagu dhaawacay uu ka dhacay waddada aadda dekedda magaalada Kismaayo, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyo sababta ka dambeysay in la dhaawaco.

 

Mas’uulka la dhaawacay ayaa ka mid ah xubnaha sida dhow ula shaqeeya Sheekh Axmed Madoobe oo bishii hore loo doortay madaxweynaha maamul loogu magac-daray Jubbaland oo uu muran ka taagan yahay jiritaankiisa.

 

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay inay xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha magaaladaas, taasoo salka ku haysa weerarka loo geystay Yaasiin Gaas.

 

“Boqolaal ciidammo ah ayaa magaalada soo buuxiyay, qaybo magaalada ka mid ah magaalada waxaa ka dhacaysa rasaas xooggan, ganacsigana waa xirnay, cid walbana waxay ku sugan tahay gurigeeda” ayuu yri goobooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay HOL.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horraantii bishan ka dhacay dagaallo aad u xooggan oo u dhexeeyay ciidamada Raaskambooni oo uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidammo taageersan Iftiin Xasan Baasto oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha xaaladda Kismaayo iyo dhaawaca Yaasiin Raadaar waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle idmo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why is it every time Sh Modaba goes on trip there is always fighting in Kismayo ?

 

Why are the KDF watching the security situation getting worse in kismayo what is their mandate ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo Dad siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada iyo xaalada oo kacsan

June 18, 2013 // admin1 // News

Xaalada guud ee magaalada KISMAAYO ayaa ah maanta mid kacsan iyadoo dilal kala duwan ay maanta ka dhaceen magaalada.Maleeshiyaad beeleed ayaa saaka dhaawacay Col.Yaasiin Raadeer iyo Cabdullaahi ******* iyadoo lagu soo waramayo in dhaawaca Yaasiin Raadaar wali lagula tacaalayo xarun caafimaad oo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha garoonka Kismaayo.

 

Dhaawicii Yaasiin Raadaar kadib waxay magaalada gashay jawi colaadeed waxaana dhacday in maleeshiyaadku isku aruursadaan qeybo kamida magaalada dhowr jeerna ay magaalada xabado ka dhaceen.

 

Xaafada via Afmadow waxaa qarax loogu gaystay ciidamo AMISOM oo halkaa marayay inkastoo la sheegay in qaraxaas uusan wax weyn gaysanin.

 

Nin rayid ah oo marayay afaafka isbitaalka guud eeKismaayo ayay kooxo dablay ah ku toogteen iyadoo uu halkaa ku nafwaayay.

 

Waxaa isla maanta magaalada lagu dilay 3 kamid ah maleeshiyaadka amni darada kawada magaalada.

 

War hada nasoo gaadhay wuxuu sheegayaa in maleeshiyaadku ay garash kala baxeen baabuur nooca raaxada ah oo uu lahaa mid kamida masuuliyiinta maamulka Jubbaland.

 

Wariyaha warsidaha Dhanaan.com ayaa kusoo waramaya in maleeshiyaadkan ay doonayaan in magaalada ay dagaal karidaan maamulkana uu arintaas ka caga jiidayo.

 

Ciidamada AMISOM ee kusugan Kismaayo ayaa iyagu dusha ka daawanaya xaalada amaan ee magaalada kismaayo oo aad moodo in maanta khalkhal kujiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this