Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government takes a neutral stance on the Egyptian Ethiopian Nile Conflict

Recommended Posts

Xukuumadda S/Land Oo Ka HadashayMawqifkeeda Dhaamka Ethiopia Ka Dhisanayso Blue Nile-Ka Oo Xiisad Ka Dhex Abuuray Qahira Iyo Adis-Ababa

 

Hargeysa, June 17, 2013 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay Mawqifkeeda Muranka ka taagan dhaamka Ethiopia ka dhisayso Blue Nile-ka, taas oo xiisad ka dhex abuurtey dawladda Masar iyo Ethiopia oo khilaafkoodu todobaadadii ugu danbeeyey uu cirka isku sii shareeray ka dib markii ay labadda dhinac hadalo hanjabaado iyo digniino xambaarsan hawada isku mariyeen. Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa isagu mar uu shalay hortagay Golaha Wakiilada ka hadlay mawqifka xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka taagan tahay khilaafka xoogan ee dhashay biyaha Webiga Niil-ka ee u dhaxeeya Masar iyo Ethiopia, kaas oo dunida iyo dalalka mandaqada ugu baaqay inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo lagu xalinayo xiisadaas, isla markaana xusay inay taageerayaan in qaab wada-hadal lagu soo afjaro qadiyadaas. Dr Maxamed C/laahi waxa uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan dhaqdhaqaaqyada lagu soo afjarayo khilaafka u dhaxeeya dalwadaha Ethiopia iyo Masar, tibaaxayna inay Somaliland iyo dalalka geeskaba ay khatar ku tahay hadii dagaal ka dhexqarxo xukuumadaha Qahira iyo Adis-Ababa.

 

Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa ka mid ahaa hadalkiisii “Arintan biyaha Webiga Niilka ee hadal haynteedu baryahanba taagnayd waa khilaaf u dhaxeeyey dalal badan oo ku yaala gobolkan, markaa horta taas aynu ogaano inaanay arintaasi ahayn mid ku kooban Masar iyo Ethiopia oo kaliya. Xukuumad ahaan arintaasi anagu waxaanu u aragnaa arin khal-khal galinkarta nabadgalyada gobolka Geeska Afrika ee aynu ka midka nahay, waxaanay sida aanu sheegay noogu muuqataa arin wayn oo mudo hadalkeedu taagnaa, isla markaana aanu Caalamku marnaba si wanaagsan u darsin oo aanu u eegin oo heshiisyadii hore u jiray mooyaane aan arintaas markale dib loogu noqonin, waana arin la filankaro inay Mushkilad wayn keento Mustaqbalka”.

 

Dr Maxamed C/laahi Cumar Wasiirka Khaarajiga Somaliland isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Waxaanu xalka arintaas u aragnaa inay dalalka Mandaqada iyo kuwa Caalamkuba u gurmadaan oo ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo Diblomaasiyadeed oo arintaasi wax lagaga qabanayo, xukuumad ahaan marnaba uma aragna xalku inoo yahay in la isku dilo oo dagaal ka dhexqarxo dawladda Masar iyo Ethiopia oo dabcan hadii ay dhacdo saamayn wayn ku yeelankara Somaliland. Markaa Mawqifka Somaliland ee qadiyadaasi waxa uu noqonayaa in si nabadgalyo ah ay dunida iyo dalalka ay khusaysaaba ay arintaas ka odayeeyaan, Somaliland-na dal ahaan waxay diyaar u tahay inay dhaqdhaqaaqyada diblomasiyadeed ee lagu dajinayo arintaas ay ka qaybqaadato”.Wasiirka mar wax laga waydiiyey sida ay xukuumad ahaan u arkaan taageeradii dawladda Ethiopia dhawaan u muujisay Somaliland, waxaanu si kooban u yidhi “Arinta kale ee ku saabsan taageeradda ay Ethiopia u muujisay Somaliland oo run ahaantii aanu ka mahad celinayno, isla markaana inaanu arimaha noocaas ah meel uga soo wada jeedsano way naga go’an tahay oo waanu soo dhawaynaynaa”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland calling for diplomacy between the 2 countries to sort out their problems in a diplomatic way, its willing even to mediate if needed. I think this is an excellent step by Somaliland to remain very neutral between the 2 the Nile waters are not one that concern Somaliland. These rivers do not go through Somaliland. But the peace in the region is necessary.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Willing to mediate" looool - saxib nobody but Landers take Somaliland serious. That's like worse than saying Djibouti will mediate. For a country to host peace talks they need to have some kind of political or economical power.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The bottom line for SL it doesn't matter the Nile doesn't go threw SL and the Nile conflict is not a problem for SL only if there is war between Ethiopia and Egypt. It wants a peaceful solution for the region and that is something good. Most countries have taken sides Uganda Kenya south Sudan are all on the side of Ethiopia. Sudan stance is similar like that of SL its a bit neutral. Eritrea hasn't made a comment about this so far and Djibouti also no comment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SL should consider pitching the idea of hosting an Egyptian military command centre (similar to africom) to invade the axmaar state via the Berbera corridor. this wouldn't be a bad idea, you know. in exchange......Egypt recognises SL and signs at least 15 trade deals and security cooperation deals. can we really rely on the fake rhetoric of Desalegn? it was just yesterday in 1988 that the axmaar signed a treaty with Barre....... to stop any irrendenist claim to galbeedka........ and in exchange Mengistu would give the SNM up and other liberation forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

The Arabs are equally two faced Alpha Blondy. A lot of them are anti Somaliland for their own interests like the Nile

issue, hoping they can use a united Somalia as a bargaining chip, it is good Somaliland remains neutral on this issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this