Saalax Posted June 16, 2013 War deg deg ah: Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo diiday inuu ka qaybgalo shirka G8. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud CUlusow ayaa loo diiday inuu ka qaybgalo shirka dalalka warshadaha ku horumay ee G8 ee ka dhici lahaa dalka Britain, Xasan sheekh ayaa loo sheegay in aan haatan lagu casuumi karin shirka G8 maadama ay jirto dhibaatooyin laga tirsanayo oo uusan wada matalin dalka Soomaalia.Diblumaasiyiin ku sugan London oo Horufadhi.com la hadlay ayaa xaqiijiyey in Xasan Shaikh asagoo cadhaysan ka soo duulay Garoonka Halthrow ee magaalada London, wuxuuna ku soo aadan yahay magaalada Nairobi saacadaha soo socda.Dawladda Britain iyo ra’iisal wasaareheeda Davide Cameron ayaa isku dayey inay shirka geeyaan, balse waxaa diiday dalal kale oo u sheegay Britain ay sii hurin karto xaalada Soomaaliya, hadii heerkaas la gaadhsiiyo mudan Culusow oo noqday madaxweynihii ugu mucaaradada badnaa ee Soomaaliyeed.Warar horudhac ah oo shabakada Horufadhi helayso ayaa durbaba tibaaxaya in beesha calaamak ay dib uga gurnayso la shaqyanta dawladda Mudane Culusow, ayagoo u arka nin ku fashilmaya dalka Soomaalia. wararkan oo faah faahsan kala soco horufadhi.com Short URL: http://horufadhi.com/?p=34956 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 16, 2013 The khatumites beryahana Hassan culusow way ku kacsanyihin:D Quote Share this post Link to post Share on other sites