Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Parliament Opens The 30th Seating Session With Some Hot Agendas. PICS + AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Garowe: Furitaanka kalfadhiga 30-aad ee Barlamanka PL

 

15 Jun 15, 2013 - 2:05:23 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxtinimada Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta 15 June ,2013 si rasmi ah u furey kalfadhiga 30-aad ee golaha wakiilada Puntland.

 

Hoolka Barlamanka ee magaalada Garowe ayaa waxa fadhiyey 48 mudane oo ka tirsan aqalka wakiilada Puntland ,wasiiro xukuumada ka socdey ,sarakiisha kala duwan ee ciidamada iyo marti sharaf lagu casumey fadhiga Barlamanka.

 

Ajandayaasha horyaala barlamanka ayaa waxa ka mida Maxkamada dastuuriga ,xisaab celinta miisaaniyada ,ansixinta gobolka Guardafu ,degmooyinka cusub iyo wixii xeerar ah oo xukuumadda u soo gudbiso golaha inta fadhigoodu socdo.

 

Gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirisi ayaa hadal kooban soo jeediyay oo uu kaga hadlay golaha waxyaabihii ay meel-mariyeen kalfadhigii 29-aad.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa khudbad dheer soo jeediyay uu uga hadlay amaanka ,nidaamka asxaabta badan iyo arrimaha Federaalka Somalia.

 

Nabadgelyada.

 

Puntland mid nabdoon ayuu ku tilmaamay Gen.Cabdisamad ,inkastoo ay jiraan dhacdooyin uu sheegay inay kala mid yihiin qaybaha kale ee dalka kuna eedeeyay inay ka danbeeyaan kooxo argagixiso ah.

 

Ciidamada amaanka Puntland iyo sirdoonkeeda ayuu ku sifeeyay kuwo ka hortagay oo fashiliyay qorshayaal lagu doonayay in shacabka Puntland lagu waxyeeleeyo.

 

''Aad ayaan ugu bogaadinayaa ciidamada kala duwan ee Puntland iyo shacabkeeda oo runtii fahmay cadawgeeni in aanu cidna dhaafayn dowlada ,culimo ,waxgarad iyo shacaba'' ayuu yiri.

 

Arimaha Dimoqraadiyada Puntland.

 

Doorashooyin xor ah inay ka dhacaan Puntland 15 July,2013 ayuu rajo wanaagsan ka muujiyay ,waxana uu raaciyay in meel fiican hawshu marayso.

 

''Waxaan ku kalsoonahay in doorashooyinkaasi si nabad ah u dhici doonaan ,anagoo diyaar u ah balanna qaadayna in hadi nalaga guulaysto aanu ku wareejino talada dalka xisbigii ku guulaysta'' ayuu yiri Gen.Shire.

 

Siyaasada iyo Federaalka Somalia

Puntland iyo kaaliinteedi dalka KMG-nimada looga saarayay iyo samayn dastuurka ayuu ka soo sheekeeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland.

 

Wax laga xumaado ayuu ku tilmaamay Gen.Shire in DF oo sanad ka yar jirta durba laga tirsado khaladaad waawayn oo hadii lala hadlona aan garawshiiyo laga helin.

 

''Dastuurkii dalka ee lagu heshiiyay ayaa meesha laga saaray ,oo lagu badalay mid la soo qoray ,waxa uu farayaa dastuurku in dadku samaysan karaan maamul u gaar ah laba gobol iyo wixii ka badan ,waxa nasiib daro ah in DF dagaal kala hortagto Jubaland iyo shacabkeeda'' ayuu yiri.

 

Ciidamada DF iyo kuwa Al-shabab ayuu sheegay inay iska kaashadeen burburinta Jubaland ,waxana uu raaciyay inay Puntland marar badan isku dayday inay dhexdhexaadiso madaxda DF iyo Jubaland.

 

Talo soo jeedin

 

1- Reer Puntlad ayuu u soo jeediyay inay dhowraan kana shaqeeyaan nabadgelyada oo aanu qof dan lihi dhibaato ka dhex abuurin.

 

2-Maamulka Jubaland iyo shacabkeeda ayuu soo jeediyay isku xirnaansho iyo midnimo isagoona raaciyay in cadawgii dhulkooda ka xoreeyeen weli duljoogo kuna haminayo inay dib u qabsadaan.

 

3-Madaxda DF ayuu u soo jeediyay inay ku laabdaan dhaqanka dastuurkii asalka ahaa ee Somalia ''Dalka waxa lagu hogaamin karaa midnimo ,cadaalad ,dhexdhexaadnimo iyo wixii ay ku heshiiyeen oo la ilaaliyo'' ayuu ku soo xiray hadalkiisa.

 

Dhanka kale waxa goobta lagu dhaariyay xildhibaan Farax Caydiid Casowe ayaa lagu dhaariyay oo golaha ku soo biirtay iyadoo uu gudoomiyuhu sheegay in beesheedu soo gudbisay ka dib markii bishii aynu soo dhaafnay aabaheed maagalada Laascaanood ku geeriyooday.

 

I have a bit of hope they're going to put a nice garden here. I see some work happening

IMG_0964.JPG

 

Thank God looks like on the right hand corner they're laying carpet and modernizing the in the inside in preparation for multi party politics. Lets just hope they update the seating while they're at it.

IMG_0975.JPG

IMG_0979.JPG

IMG_0987_1.JPG

IMG_0991.JPG

IMG_0997.JPG

IMG_1007.JPG

IMG_1012.JPG

IMG_1018.JPG

IMG_1032.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Kalfadhigii 30-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmay [Maqal+Sawiro]

 

Waxaa maanta hoolka shirarka aqalka gollaha wakiilada Puntland ka furmay kalfadhigii 30-aad ee ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka,waxana furitaanka shirkaasi kasoo qayb galay gollayaasha, xukumada,garsoonka iyo masuuliyiinta ugu saraysa ciidanka difaaca Puntland.

 

Bilowgkii kalfadhiga waxaa ka hadlay afhayeenka gollaha wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamad Xirsi,wuxuna sheegay arimaha ugu muhiimsan ee fadhigaan looga hadlayo in ay ka mid yihiin magacaabista Gobal iyo degmooyin cusub oo ay horay usoo ansixiyeen gollaha xukumada iyo ajandayaal kale.

 

Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray in ka badan 40-mudane,iyadoona dhanka kale isla maanta la dhaariyay Farax Caydiid Cosoble oo uu dhalay allaha u naxariistee Xildhibaan Caydiid Cosoble oo geeriyooday.

 

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo fadhiga baarlamaanka ku dhawaaqay inuu furan yahay ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan Puntland ,sida nabadgalyada,nidaamka dimoqraadiyada iyo doorashooyinka gollayaasha deegaanada oo dhici doono bisha danbe bartamaheeda.

 

''Mudaneyaal xaalada guud ee nabadgelyada Puntland waa fiican tahay marka laga reebo dhacdooyin mar-marka qaarkood dhaca oo aynu la qabno adduunka iyo somaliya inteeda kale kuwaasoo intooda badan ay ka danbeeyaan kooxaha argagaxisada ah oo markasta ku mashquulsan dhibaataynta iyo waxyeelada dadka iyo dalka Somaliya''.Cabdisamad Cali Shire.

 

Sidoo kale ku simaha madaxwaynaha Puntland ayaa barlamaanka uga war bixiyay halka ay marayso nidaamka axsaabta siyaasada iyo doorashooyinka,wuxuna sheegay bisha danbe 15-keeda sida uu qorshaha yahay in la qaban doono doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland,taasoo ku tilmaamay inay qayb ka tahay dowlada hada jirta balanqaadkii ay samaysay xiligii ay talada Puntland la wareegaysay.

 

Sida uu sheegay Gudoomiyaha baarlamanka maalinka barito ah ayaa lagu wadaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland inay ka hadlaan dhowr ajande oo baarlamaanka la horkeeya,iyadoona arinta ugu wayni ay tahay ka doodista gobal cusub uu dhowaan magacaabay madaxwayne Faroole iyo dhowr degmo.

 

Nagala soo xariir :- Dunidaonline22@gmail.com

 

Dunidaonline.com

Xafiiska Garoowe

 

IMG_0958.JPG

IMG_0961.JPG

IMG_0983.JPG

IMG_1016-.JPG

Cabdirashiid.JPG

IMG_1057-.JPG

IMG_1036.JPG

IMG_1079.JPG

IMG_1121.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this