Daqane Posted June 15, 2013 Kullan ballaaran oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay soo qaban qaabiyeen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu taageerayay shirka ka furmaya Muqdisho ee loo lagaga tashanayo aayaha arrimaha Jubooyinka, laguna soo bandhigayay xaaladaha dhabta ah ee ka jira gobollada Jubooyinka. Waxaa kasoo qeybgalay in ka badan15 safaaradood iyo ururo caalami ah oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida, kuwaas oo si weyn u taageeray dadaalka xildhibaanada ee ku aadan taageerada shirka arrimaha Jubooyinka ee Muqdisho ka furmi doona iyo hergelinta dastuurka dalka u degsan. Mudanayaasha kulankan soo abaabulay ayaa waxay ka mid ah Maxamuud Guure, C/raxmaan Xoosh Jibriil, C/laahi Goodax Barre ,C/laahi Jaamac iyo gudoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Xuseen Carab Ciise. C/raxaan Xoosh oo ka mid ahaa xildhibaanadii dowlada ay u dirtay Kismaayo si xal looga gaaro muranka ka jira Jubbooyinka, ayaa sheegay in nidaamkii loo maray dhisida maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe uusan ahayn mid sharci ah maadama aysan ku lug lahayn dowlada dhexe, waxaa uu taa badalkeeda qeexay in wadani Soomaaliyeed uu yahay Axmed Madoobe. Wasiirkii hore ee gaashaandhiga ahna gudoomiyaha Guddiga difaaca Baralamaanka Xuseen Carab Ciise oo ka jawaabayay su'aalo ay weydiiyeen qaar ka mid diplpmaasiyiintii kasoo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in dowlada aysan marnaba caqabad ku ahayn hormarka dadka deegaanka, balse la doonayo in qaab waafaqsan sharciga loo maro dhisida mamulada,si khilaaf iyo dagaal qabiileed looga fogaado. Mudanayaasha shirkan soo abaabulay ayaa waxay ka mid ahaayeen Xildhibaano Dowladda u dirtay Kismaayo si xal looga gaaro arrimaha muranka badan dhaliyay ee u dhaxeeya Dowladda iyo Maamulka Axmad Madoobe. Quote Share this post Link to post Share on other sites