Dabrow Posted June 14, 2013 His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon today welcomed the UN Security Council’s commitment to the government-led peace and reconciliation process in Somalia. Following a briefing to the Security Council from the Assistant Secretary-General Tayé-Brooke Zerihoun on the situation in the Juba regions, the UN issued a statement expressing concern at the security situation in the Juba regions; underlining support for the federal state-building process being conducted according to the constitution; backing the government’s reconciliation drive in the Juba regions in tandem with the new UNSOM mission and IGAD; reiterating its willingness “to take action against those who undermine the peace and reconciliation process in Somalia”. “I welcome the UN’s statement, which demonstrates strong support for the reconciliation process which the government is championing,” the Prime Minister said. “In particular, I would like to thank the UN for making clear its position against those undermining the peace and reconciliation efforts. Our position is equally clear. The future of the Juba regions, together with any other regions, must be settled in peaceful talks, not with guns.” http://www.raxanreeb.com/2013/06/somalia-prime-minister-welcomes-un-support-for-government-efforts-to-stabilise-juba-regions/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted June 15, 2013 Haada joog dabrow waaxa lagu odhan waxaani waa face saving oo keliya loool. Ra`iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku taageereen doorka dawladda ee ku aadan xasilinta dalka. Warbixintan ayaa Golaha Amaanku ka soo saareen xaalada Jubboyinka iyo xasilinta dalka guud ahaan, kadib markii uu golaha u warbixiyay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM mudane Taye-Brooke Zerihoun. Waxayna golaha qoraalkan ku cadeeyay sida ay uga walaacsan yihiin xaalada amniga ee Jubbooyinka. Ayagoo dhanka kalena goluhu muujiyeen inay taageerayaan dadaalka dawladda Soomaaliyeed ay ku doonayso inay gobolada Jubooyinka ku xasiliso ayadoo ka duulaysa go’aamadii IGAD isla markaana kaashanaysa xafiiska UNSOM. Golaha Amaanka ayaa warbixintan ku sheegay sida ay bulshada caalamka uga go’an tahay inay tilaabo ka qaadaan cid kasta oo hor-istaagta ama caqabad ku noqota xasilinta iyo dib-u heshiisiinta Soomaaliya. “Waxaan si weyn u soo dhaweynaynaa warka ka soo baxay QM ee ay ku muujiyeen taageeradooda iyo sida ay u garab-taagan yihiin hawsha dib-u heshiisiinta iyo federaalaynta ee ay dawladdu hormuudka ka tahay,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu. Ra’iisal Wasaaraha ayaa Golaha Amaanka ee QM uga mahad-celiyay doorkooda suuban ee ay ku taageerayaan nabadaynta dalka iyo sida ay go’aanka cad uga qaateen cid kasta oo caqabad ku ah xasilinta dalka. “Waxaan Golaha Amaanka uga mahad naqayaa mawqifka cad ee ay nagala qaateen kuwa caqabada ku ah dib-u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka, gaar ahaan masiirka gobolada Jubbooyinka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray in xalka Jubooyinka iyo dalka intiisa kalaba uusan ku jirin qori caaradiis ee xalku ku jiro wada xaajood iyo in la helo isku tanaasul bulshada dhexdeedaa. DHAMAAD Quote Share this post Link to post Share on other sites