Sign in to follow this  
Carafaat

Dowladda Puntland oo dagaalkii Kismayo ku eedaysay in Dowladda Federaalka ka danbeysey

Recommended Posts

Carafaat   

http://puntlandi.com/dowladda-puntland-oo-dagaalkii-kismayo-ku-eedaysay-in-dowladda-federaalka-ka-danbeysey/

 

Dowladda Puntland ayaa dagaalka Kismayo ka dhacay ku eedaysay DF Somalia inay lahayd qorshaha lagu soo abaabulay.

Ka dib markii uu maanta 09 June,2013 Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire dib ugu soo laabtay magaalada Garowe isagoo ka soo kicitimay Qardho ayuu saxaafada kula hadlay madaxtoyada kagana warbixiyay safarkiisi Bossaso, Qardho iyo xaaalada Kismayo.

 

“Dagaalka Kismayo ka dhacay mid iska dhacay maaheen, waxaan aaminsanahay inuu ku yimid abaabul iyo qorshe ay ka danbaysay Dowladda Dhexe ee Federaalka Somalia” ayuu yiri Gen. Shire. Wuxuu kaloo raaciyayey ku simaha madaxweynaha Puntland “DF hadii ay sidaa ku sii socoto oo la baalmaro dastuurka Soomaaliyeed wixii lagu heshiiyay Puntland waxay ka fiirsan doontaa wada shaqaynta ay la leedahay DF”.

 

Wasiiro, Xildhibaano, taliyaal iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda ayaa banaanka hore ee magaalada Garowe ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka oo uu wehelinayay taliyaha ciidamada difaaca Puntland Sareeye Gaas Siciid Maxamed Xirsi.

Safarkiisi gobolka Bari ayuu ku tilmaamay Gen. Shire mid guul ku soo dhamaaday ka dib muddo bil ah oo uu kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bari.

 

Dadweynaha Puntland ayuu ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda isagoona xusay inay jiraan dadaalo badan oo la isku dayayo in la wiiqo Puntland oo bilo ka dib 15 sanno jirsanaysa.

 

Magaalada Qardho ayuu ka hadlay oo kulamo dhankooda la yeeshay Gen. Cadde, odayaasha dhaqanka ee gobolka Karkaar iyo xubanah ururka Horseed oo gudoomiye ku xigeen uu ka yahay.

 

Dagaalka Kismayo ka dhacay ayaa shalay Cabdinaasir Seeraar ku sheegay Shirqool laga soo abaabulay Muqdisho oo ay ciidanka Jubaland fashiliyeen. waxana maanta degan xaalada magaalada ka dib maleeshiyaadkii markii banaanka looga saaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this