Sign in to follow this  
Saalax

Fighting in Garbahaarey,Gedo between Al shabab and Somalia Federal army

Recommended Posts

Saalax   

Monday, June 10th, 2013 at 08:06 am

Dagaal ciidanka dowladda iyo alshabaab ku dhexmaray degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo

 

Garbahaarey(RBC Radio) Xoogaga alshabaab ayaa xalay weerar kusoo qaaday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo,alshabaab ayaa la tilmaamayaa iney dhowr jiho kasoo weerareen magaalada,dagaalka ayaa ka dhacay duleedka iyo qeybo kamid ah xaafadaha ku yaalla hareeraha magaalada.si cad looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada Garbahaarey,waxaana la tilmaamayaa in dagaalka ay barbar socdeen madaafiic ay xoogaga alshabaab ay ku garaaceen xaafadaha magaalada,taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ee gobolka Gedo Cali Aadan Mire ayaa warbaahinta uga waramay dagaalka ka dhacay degmada Garbahaarey.Cali Aadan ayaa sheegay iney magaalada weerar qorsheysan kusoo qaadeen dagaalamayaasha alshabaab,wuxuuna tilmaamay iney ka war heleen dagaalka alshabaab ee magaalada kusoo wajahan,taliyaha ayaa sheegay iney diyaariyeen ciidan ka hortaga weerarkaas.Wuxuuna tilmaamay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay alshabaab usii galeen meel duleedka ka ah magaalada halkaas oo ay si kadis ay rasaas u huwiyeen ciidankii alshabaab ee weerarka ahaa,wuxuuna xusay iney alshabaab dagaalka ku gaarsiiyeen khasaaro fara badan balse dhankooda uusan jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaartay dagaalkaas.Taliyaha booliska gobolka Gedo ayaa intaa ku daray iney alshabaab dagaalka kaga qabsadeen hub ay lahaayeen,wuxuuna tibaaxay iney ku celiyeen halkii ay kasoo duullaan tageen,wuxuuna sheegay iney fashiliyeen isku dagaygaas ay alshabaab ku doonayeen iney gudaha ugu soo galaan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

http://www.raxanreeb.com/2013/06/dagaal-ciidanka-dowladda-iyo-alshabaab-ku-dhexmaray-degmada-garbahaarey-ee-gobolka-gedo/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this