Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sahal organization condemns Fiqi defense Minister of Somalia.

Recommended Posts

Ururka Sahal oo bayaan adag kasoo saaray dagaal oogeyaal Cabdixakim Fiqi iyo Xasan Culusoow.

 

Ururka Sahal waxuu halkaan kusoo gudbinayaa cambaareyn iyo digniin loo diraayo Xasan Shiikh iyo xulufadiisa. Marar badan ayaa ururka Sahal soo bandhigay cadeyn muujinaysa in xulufada Xasan ay rabaan inay adeegsadaan dariiq kasta oo dagaal sokeeye looga huriyo gobolada Jubbaland isla markaasna wax kasta lagu bixiyo inaan habayaraatee nabad iyo kala danbayn ka hirgelin goboladaas. Sidaasi darteed, ka dib markuu qiimayn ku sameeyey xaaladihii shalay iyo doraad ka dhacay magaalada Kismaayo, ururka Sahal waxuu soo saaray qodobada hoos ku qoran:-

 

 

1. Ururka Sahal waxuu si adag u cambaareynayaa fidnada uu Xasan Shiikh uu markasta la dul-taagan yahay dadka kasoo jeeda gobolada Jubbaland. Waxaa la hayaa cadeyn buuxda oo muujinaysa in Xasan Shiikh iyo xulufadiisu ay si toos u soo abaabuleen rabshadahii dhowaan ka dhacay magaalda Kismaayo taasoo ujeedadu ahayd in xulufada Xasan Shiik ay beesha caalamka uga dhaadhiciyaan in beelo isku hayaan Kismaayo iyo maamulka gobolada Jubbaland;

 

 

2. Waxaan si adag u cambaaraynaa fidnadii uu magaalada dagaalka uga riday dagaal ooge Cabdixakim Xaaji Fiqi oo lagu sheegay inuu yahay Wasiirka Gaashaandhigga ee xulufada Xasan Shiikh. Sidoo kale ummadda Soomaaliyeed ee wanaaga jecel waxaan la socodsiinaynaa in xubnaha ururka Sahal ee ku nool wadanka USA gaar ahaan gobolka Virginia inay dhowaan furi doonaan kiis dacwada dagaal oogonimo loogu oogi doono dhiig yacab Cabdikarim Xaaji Fiqi oo asagoo dhalasho Maraykan ah haysta u bareeray inuu colaad ka huriyo magaalada Kismaayo. Waxaan dagaal oogahan ugu bishaaraynaa in kiiskiisa maxakamadi dhagaysan doonto dhowaan;

 

4. Ururka Sahal waxuu si adag u cambaareynayaa qaswadayaasha iyo kuwa isir nacaybku ku fogaada gaar ahaan, dagaal ooge Cabdikarim Xuseen Guuleed, dhiigyacab Indhoqarsho, Khaainul wadan Faarax Cabdulkaadir (Faarax Topaz) iyo dhammaan kuwa xaaraanta magaalada Muqdisho uga haysta hantidii ummadda Soomaaliyeed.

 

5. Ururka waxuu markale ummadda Soomaaliyeed usoo bandhigayaa in idaacadii VAO Somali ay isu badashay idaacad beeleed u adeegta kooxda Xasan Shiikh, waxaan dhowaan soo bandhigi doonaa cadeyn muujinaysaa qaabkii uu dagaal saxaadeedka ugu galay afka ku dhiigle Yabarow.

 

6. Ugu danbayntii ururka Sahal waxuu ugu baaqayaa dhammaan beelaha dega gobolada Jubbooyinka inay gacmaha is-qabsadaan isla markaasna ay si wadajir ah uga hortagaan hagardaamada iyo khiyaanada laga soo falkinaayo magaalada musiibadu ku haysatay ee Muqdisho taasoo ka hor 1991 ahaan jirtay caasimad Soomaaliyeed laakiin isu badashay xarunta fidinta fidnada iyo isir nacaybka loo qabo dadka kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Puntland.

 

Bayaankan waxaa soo saaray ururka Sahal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this