Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

UNSOM chief Nickolas Kay we will cooperate with Somaliland

Recommended Posts

Somaliland.Org

 

 

UNSOM oo Shaaca ka Qaaday in ay si Diiran ula Shaqeyneyso Jamhuuriyadda Somaliland

 

June 10th, 2013

 

Hargeysa (Somaliland.Org) Xafiiska cusub ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay si diiran oo dhaw ula shaqeyn doonaan dawladda Somaliland.

 

Ergada Qaramada Midoobay kaalmada u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland UNSOM ee uu hoggaamiyo Brit Nicholas Kay waxa ay ballanqaadeen in ay si dhaw ula shaqeynayaan dawladda Somaliland oo la mid ah sidii ay ula shaqeyn jireen ergadii ka horreysay ee xafiiskii siyaasadeed ee QM ee uu madaxda ka ahaa Ambassador Augustine Mahiga.

 

Arrintan waxa caddeeyay afhayeenka UNSOM, Mr Aleem Sidique mar uu wareysi siiyay suxufiga Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Somalilandsun, waxa kale oo uu wareysigan ku sheegay inay ergada QM ay ula shaqeyn doonaan si daacad ah oo u dhexdhexaad ah masuuliyiinta Hargeysa iyo Muqdisho, gaar ahaan marka ay tahay gacan siinta masuuliyiinta oo ay xafiisyadeedu ku taageerayaan wada hadallada Soomaali ka Soomaalida.

 

Mr Sidigue, waxa kale oo uu diirka ka qaaday in ergayga cusub ee Nicholas Kay oo u dhashay Ingiriiska, kaasi oo uu xoghayaha guud Ban Ki Moon u soo magacaabey dhawaan madaxa UNSOM inuu wada tashi la leeyahay masuuliyiinta Somaliland, isla markaana uu booqasho ugu iman doono Hargeysa sida ugu dhaqsaha badan ee UNSOM u howlgasho.

 

Afhayeenka oo la weydiiyay sida uu xafiiskoodu ula shaqeynayo Somaliland iyo dalabkeeda, waxa uu sheegay inay UNSOM tahay ergay cusub oo ka socota QM oo la shaqaynaysa Soomaalida oo dhan meel kasta oo ay joogaan, ayna UNSOM dawladda Somaliland ula shaqeyn doontaa si aad u dhaw iyada oo ka taageeraysa dhismaha nabadda, degganaanshaha iyo barwaaqeynta.

 

Waxa uu sheegay UNSOM, in ay go’an tahay in ay gacan u fidineyso haddii laga codsado oo ay dhexdhexaadiye daacad ah u noqoneyso masuuliyiinta soomaalida.

 

Isaga oo ka jawaabaya inay khubarada la keenayo Somaliland ay awood u yeelanayaan wax ka qabashada heerka horumarka Somaliland u gaarka ah maadaama uu xoghayaha guud uu hore uga hadlay in tixgelinteeda la siinayo xaaladaha u goonida ah, waxa uu yidhi “Haa. UNSOM ergaygii QM ee Amb Mahiga xafiiskiisii Somaliland waxa ka shaqaaleysnaa xubno takhasusaad u leh iyo khubaro si gaar ah looga baahnaa Somaliland, kuwaasi oo ay ku jireen khabiiro dhexdhexaadinta ah, dhismaha hay’adaha sharciga ah, qorshaha booliiska iyo isu duwidda kaalmada caalamiga ah ee Somaliland.”

 

Su’aal kale oo ahayd doorka UNSOM ee wada hadallada mustaqbalka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho, waxa uu ku jawaabay; “UNSOM waxa ka go’an inay gacan ka geysato haddii laga codsado iyada oo dhexdhexaadiye daacad ah oo u dhexeeya masuuliyiinta Hargeysa iyo Muqdisho.

 

UNSOM, waxa ay diyaar u tahay inay ka caawiyaan masuuliyiinta oo ay taageeraan xafiisyadeedu wada hadallada Soomaalida si ay wax ugala qabtaan loolanada la xidhiidha samaynta maamullada gobolleed.”

 

Afhayeenka oo ka jawaabaya in ay madaxa UNSOM u qorshaysan tahay inuu booqdo Somaliland, waxa uu yidhi “Haa, sida ugu dhaqso badan ayuu Mr Kay u booqan doonaa Somaliland. Waxaanan ka wada hadleynaa dawladda Somaliland taariikhda ugu habboon.”

 

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this