Saalax Posted June 9, 2013 Boqortooyada Sucuudiga oo Dowladda Soomaaliya ugu deeqday 72 milyan oo Dollarka Maraykanka ah | ON JUNE 9, 2013 2 Comments Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daah furayey mashaariic ay dowladda Sucuudigu ugu deeqday Soomaaliya oo uu hirgalinayo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Mashaariicdaan ayaa waxaa ku baxaya sida la sheegay lacag gaaraysa 72 milyan oo doolar waxaana wajigiisa koowaad oo maanta bilowday ku baxay 24 milyan oo doolar, iyadoo wax looga qabanaya lacagtaas arrimaha Caafimaadka, Waxbrashada, Biyaha, Beeraha iyo Arrimaha Bulshada. Wakiilka Ururka Islaamka u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Maxmed Aadan ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga maal galinayso mashruucaan oo noqon doona sadex waji, iyadoo laga hirgalinayo dhamaan goboladda Dalka. “Ururka Iskaashiga Islaamku wuxuu diyaar u yahay inay kaalin mug leh ka qaadataan dib-u-dhiska Soomaaliya, mashruucaana waxaa wajigiisa kowaad laga hirgalinayaa gobolada dalka, waxaana horay Ururka Iskaashiga Islaamku 11 gobol oo dalka ah ka qoday 50 ceel” ayuu yiri wakiilka OIC oo dhanka kale sheegay in looga baahan yahay dowladaha ku jira Ururka inay qaataan kaalin la mid ah tan uu qaatay Sucuudigu si looga qayb qaato dib-u-dhiska Soomaaliya”. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullahi Cilmooge Xirsi oo wasaaradiisu marti galisay kulanka ayaa sheegay in Ururuka Iskaashiga Islaamku uu yahay kan labaad ee ugu weyn caalamka, waxaana xubno ka ah 57 dowladood, waana Urur u taagan u gar-gaarida Muslimiinta, mashrucaan aadka u balaaran oo ay ka fulinayaana Soomaaliyana uu qayb weyn ka qaadan doono xasilinta dalka. Raysalwasaaraha ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Ururka Iskaashiga Islaamka kaalinta uu ka qaadanayo fududaynta iyo isku dubaridka mashaariicda bani’aadanimo iyo hormarineed ee laga fulinayo Soomaaliya “Deeq bixiyayaasha wadamada aan saaxiibka nahay iyo walaalheena wadamada Islaamka, waxaan ku bogaadinaynaa kaalinkii ay ka qaateen gurmadkii xiliyadii abaaraha culus ay ka jireen dalka Soomaaliya, Waxay geysteen gurmad deg-deg ah oo badbaadiyey malaayiin Soomaali ah, Abaalkaas waa mid aan la ilaawi doonin, Soomaaliya maanta waxay gashay marxalad cusub oo ay dib ugu soo ceshatay dowladnimadeedii, waxaana looga fadhiyaa wadamada Islaamka inay qayb ka qaataan dib-u-dhiska dalka si ay Soomaalya cagaheeda isugu taagto. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid oo dhanka kalana hambalyo iyo bogaadin u diray dowladaha ka qayb qaadanaya dib-u-dhiska Soomaaliya oo ay kamid tahay Boqortooyada Sucuudiga oo uu hor kacayo Boqor Cabdalla bin Cabudlcaziz Aala-Sacuud. Sidoo kale raysalwasaaraha ayaa ka dhawaajiyey in dib-u-dhiska dalku uu ka culus yahay kana gunweyn yahay gurmadka abaaraha, hadii aan dunida oo dhan u istaagina ay suurta gal ahayn in Soomaaliya ay kaligeed wajahdo. “Qorsha Dowladaydu ilaa iyo markii golaha Barlamaanka ansixiyey waxay ku hawalneyd dejinta qorshe lagu dhisayo hanaanka dowladnimo laguna dardar-gelinayo dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaan diyaarinay qorshe ka kooban dib-u-dhiska hanaanka waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta Adeegyadda Bulshada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha oo aan rajaynayno in Barlamaanku ansixiyo si loo hirgaliyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa codsi u diray dhamaan deeq bixiyayaasha caalamka in qorshaha dowladda dajisay ku kaalmeeyaan sidii loo meel marin lahaa, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey Ra’iisul wasaaruhu dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay kaalin buuxda ka qaadan doonaan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya. Horseed media 2013 http://horseedmedia.net/2013/06/09/xukuumadda-federaalka-ah-oo-soo-dhaweeysey-deeqda-ururka-islaamka/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted June 9, 2013 72 million from such a rich organisation? These Ayrabs are being scrooges. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 9, 2013 At least Arabs are giving something to Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mad_Mullah Posted June 10, 2013 They don't owe us anything, we should leave this beggar mentality behind, like the world owes us something. Over 20 years people have been donating money and nothing has come of it. It's a miracle they're still donating. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 10, 2013 ^^ The money goes in the pockets of the Politicians the Saudi give direct aid to the government of Somalia no one sees a penny the money goes right in the bank accounts of the close associates of the government. Yes its sad Somalis live on aid but there is nothing else Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted June 10, 2013 All we ask these fat bellied Saudis is to stop forceful deportation of Somali refugees. If they can do that, that is most appreciated. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mad_Mullah Posted June 10, 2013 Suldaanka;960549 wrote: All we ask these fat bellied Saudis is to stop forceful deportation of Somali refugees. If they can do that, that is most appreciated. First we should ask skinny Faraxs to stop KILLING SOMALIS. That's what causing this problem, not a country deporting refugees. Quote Share this post Link to post Share on other sites
metta Posted June 10, 2013 Wow. The people of HAG thank you for your donation Saudi Arabia. Words can't express how grateful we are. The people of Muqdisho are forever thankful. House of HAG and House of Saud brotherhood. Quote Share this post Link to post Share on other sites