MoonLight1 Posted June 6, 2013 Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo weli booqasho ku jooga Dalka Kenya ayaa caawa 5 juun, wuxuu ka qayb galay Casho sharaf ay soo qaban qaabiyeen Xildhibaano ka tirsan Mudanayaasha Kenya. Xildhibanadaan ayaa kasoo galey Barlamanka Kenya gobolada Woqooyiga ee dadka Soomaalidu degaan. Mudanayaashaan oo tiradoodu aheyd 13 mudane kuwaasoo isugu jirey aqalka sare iyo kan hoose ayaa muujiyey tageerada ay u hayaan Madaxweynaha Puntland iyo doorkiisa hogaamineed ee arrimaha Somalia gaar ahaan Jubbaland. Casho sharaftaan ayaa waxaa dhinaca kale ku sugnaa ganacsatada Somalida Kenya kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi. Kulankaan ayaa waxaa hadal ka jeediyey mudanayaal uu ka mid ahaa Hon. Adan Barre Duale ( Majority House leader) isaga oo sheegey in wadanka Kenya ku soo dhoweynayaan Madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Maxamud ayaa kulankaan hadal kooban ka jediyey isaga oo u mahad celiyey xildhibaanada Somalida Kenya iyo dowlada sida diiran ee loogu soo dhoweeyey Nairobi. Mudane Farole ayaa sidoo kale ka warbixiyey xaalada guud ee Somalia iyo Puntland isaga oo xusey baahida loo qabo in lagu dhaqmo Dastuurka Somalia. Mudanayaasha kasoo qayb galey casho sharaftaan ayaa ka koobnaa: 1- Hon. ( Dr) Maxamad Daahiye Ducaale 2- Hon. Ilyaas Barre Shiile ( Chairman) 3- Hon. Maxamad Mukhtar Sheediye 4- Hon. Shukran Xuseen Gune 5- Hon. Ahmad Ibrahim Cabas 6- Hon. Mohamad Cabdulahi Diriye 7- Hon. Adan Barre Ducaale 8- Hon. Abdirahman Ali Hasan 9- Hon. Abdinur Maxamad Cali 10 Hon. Yusuf Xaaji 11- Hon- Bakar Ogle 12- Hon. Cabdulqaadir Adan 13- Hon. Yusuf Xasan Madaxweyne Farole, Xildhibaan Adan Barre Ducaale Majority house leader”& Ilkajir Shukria Xasan Guure Barlamanka Kenya ” Gaarisa” Yusuf Xasan ” Nairobi Xafada Islii” Madaxweyne Farole, Yusuf Xasan iyo Xildhibaano kale. Xildhibaan Colow aqalka sare ee Kenya Xildhibaan Shadiye Barlamanka Kenya Madaxweyne Farole & Xildhiban Ilyaas Shiil Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Kenya & Ganacsato Quote Share this post Link to post Share on other sites