Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President of Jubbaland Barre hiiraale sends a strong message to Faroole

Recommended Posts

DAAWO: Bare Hiiraale Oo Digniin Udiray Faroole Kana Hadlay Arimo Xasasiya

 

Jun 5, 2013 - jawaab

 

Coll Barre Hiiraale oo kamid ah Madaxwaynayaasha Jubbaland ee Kismaayo ku sugan oo la hadlay ayaa ka hadlay arimo badan oo Xasaasi ah isla markaana ku saabsan Jubbooyinka, eedayna u jeediyay Madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

Madaxwayne Bare Ayaa Ugu Horayn Wuxuu Shaaca ka Qaaday In Cabdiraxmaan Faroole uu Faragelin Qaawan ku Hayo Gobolada Jubooyinka, Isagoona loo Aqoonsan yahay madaxwaynaha Puntland, Wuxuuna Sheegay inaan loo Dulqaadan Doonin.

 

Sidoo kale Wuxuu Shaaca Ka Qaaday Waxyaabaha Uu Sida wayn Ugu Dhaliilayo Madaxwayne Faroole Kuwaas oo Uu Saxaafada La Hortaagan yahay.

 

Dhinaca kale Wuxuu Hoosta ka Xariiqay In Maamulka Jubaland ee Rasmiga ah uu Yahay Kan uu Hogaamiyo, Xidhiidh Dhowna ay la Leeyihiin Dawlada Dhexe ee Soomaaliya, Sidoo kalan wuxuu Xusay Inay Xidhiidh lasoo Sameeyeen Xubno katirsan maamulka Axmed Madoobe.

 

Sidoo kale Barre Hiiraale ayaa ka hadlay Warbixin shalay kaso baxday Hay’adda Cilmi baarista ee The Hiritage taasoo ka hadlaysay arimaha Jubbooyinka.

 

Coll Barre Aadan Shir (Hiiraale) ayaa sidoo kale ka hadlay Warmurtiyeedkii dhawaan kasoo baxay shirkii IGAD ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa, kaasoo qayb kamid ah ay uga hadleen in shir looga hadlayo aayaha Jubbooyinka lagu qabto Magaalada

 

Muqdisho.

 

 

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=el-IeVy1TXg" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this