Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Egyptian generals arrive in Mogadishu, to train Somali defense forces

Recommended Posts

Wafidigii Ka Socday Dowlada Masar Oo Maanta Kulan La Qaatay Ma’uuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya.“Sawirro”

Published on June 5, 2013 by Cilmi Waare · No Comments · 638 views

 

Kulankan maanta ay yeesheen mas’uuliyiinta wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo wafdiga ka socday Dowladda Masar oo uu hogaaminyayay safiirka Dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray xirriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in wafdiga ka socda dowlada Masar ay kala hadleen arrimo badan oo la xiriira cilaaqaadka ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya,iyo wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyo badan.

 

Sidoo kale safiirka Dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya Ayman Magdi oo isna saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay kala hadleen Mas’uuliyiiinta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.isagoo sheegay in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo oo saraakiil ciida ay Soomaaliya u yimaaden dib xeryaha ciidamada Soomaaliya,iyo dib u dhiska xaruumaha wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

 

Magdi ayaa sheegay in xiriirka u dhaxeeya soomaaliya iyo Masar uu ahaa mid soo jireen ah waligiina uu jir doono.

 

Si kastaba aha haatee wafdigan ka socda dalka Masar oo shalay soo gaaray Magaaladda Muqdisho ayaa waxyaabaha ay usoo gaareen dalka waxaa ka mid ah indha indhayn ay ku sameynayaan xaalada guud ee dalka iyagoo maalinta beri ah la filayo in ay dib ugu laabtaan Dalkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this