Abtigiis Posted June 3, 2013 Gabaydan silsiladda ah waxaa bilaabay gabaygi 1aad ee uu tiriyey Darwiishiiskii Ismaaciil Mire oo abaanduule ka ahaa dagaalkii Koofil lagu diley. Gabaygan oo ka mid ah kuwa taariikhi ah waa kan siduu u dhigey Darwiish Ismaaciil Mire: TALEEX • Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay, • Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka, • Sayidkeennu tii uu na yiri Torog ku heensaynnay, • Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine, • Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay, • Misna tawlka qaalmaha niniyo tulud u soo saarray, • Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka, • Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani, • Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay, • Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay, • Habeenkii fardaha waw turnaye taag ku sii mirannay, • Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay, • Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay, • Tixda gabay kolkii aan akhriyey toosi niman jiifay, • Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi, • Salaaddii markii loo tukaday yaari kaga taagnay, • Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryaynnay, • Intay Timacad noo soo arkeen marada noo taage, • Sengeyaal tabaadihiyo gool weerarka u tooxnay, • Sidii Teyse rooboo onkoday tiririgtii yeedhay, • Teeriyo Berbera qayladii tahan la waydaaray, • Tiiraanyo ololkii dhulkii taani naga qaaday, • Tafwareemanmaynine intaan tubay ku aanshaaday, • Taambuuglayaaliyo kuway tebaysey soo gaare, • Annaguna dagaal kama tagnee tiimbad ugu rooray, • Tala xumada awrtuu xiray baqi tarraarsiinnay, • Girligaanku meeshu turqaday lagu tu'sii geela, • Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore, • Turjubaannadii daba socdiyo Koofi lagu toogay, • Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay, • Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba, • Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay, • Galabtaa carraabada ku timid Turugga Buuhoodle, • Gebagebo u tooxnoo Kufriga Maarre kaga teednay, • Habeenkaa ninkii tabar badnaa tarantarree gaarka, • Habeen kalena Taxaasheey Nugaal Godan u tuuryaynnay, • Habeen kalena Tuuraha Cadduur toolin kaga maallay, • Habeen kalena tagaabeeye iyo tu'innay Hayllaawe, • Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay, • Toban gool tabaadiga noqdiyo toban unuun-gooyo, • Iyo toban tiftii hore rimayoo taawi lagu qooqshey, • Iyo toban abeer tawl ahoo tikhilka qaalmooda, • Iyo Toban irmaanoo aniga la igu taageeray, • Iyo taan eryoon jirey kolkay toban tahaan joogto, • Tookh laguma faaniyo afaan taabbud noqonayne, • Intaa Xarunta soo tubay xaqaa lagu tanaadaaye, • Warka Tuurre waa laga hayaa taniyo Iimeeye, • Waa Xamar tarraaroo haddana taab ku sii daraye, • Taltallaabsigiisiyo kadlaha tabo kalaw dheere, • Kolay toban riyaad tahay adduun waydin tirayaaye, • Tunkaana waan ka soo xirahayaa Timirki dheeraaye, • Ma baddaa tuldaha loola kici Tuurre naaxsadaye? • Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tix geliyaaye, • Suuldaan Ruunna loo tebi inaan tuuladii gubaye, • Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye, • Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye, • Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted June 3, 2013 Gabaygi 2aad: Cabdisalaam Xaji Aden, ayaa gabaygi halganka ahaa u rogey gabay qaad iyo geerashayn, isagoo ka bilaabay: TUMASHO Duhurkii Togaa Herer hadaad qado ka soo tuurto Hurdo laguma taamo e naftaa lala tacaalaaye Aniga iyo todoba aan ku jiray tumasho soo qaadnay Rag tabaabulshuu leeyahay ee wax is tusaalaynay Sahan kama tagana meel mirqaan loo tawaawacay e Laba tubaha noo sii cayma hore u tuurayay nay Tog Wajaale qaadkii ka yimid tacab ku soo miidhnay Markay laba tobnaad noo xidheen toobiyaha qaadnay Taksi lagama maarmee nin waday suuqa nagu tooci Tilmaan quruxsan goobtay fadhidee agabtu noo taalay tusmadii hablaa lagu yiqiin saani ugu toosnay Rag kaleeto goobtuu turqaday maare kaga teednay Tubtii horeba boqol jaa'ifa ah taybalka u saaray Nin waliba tankiisii haraaq tiilay ugu laabnay Isaga oo falaas lagu tamilay laysu tebi shaaha Tirsan mayno naag laga tegay iyo tu aan la doonayne Laba aad Tukriga moodo oo tikhilka naagood ah Iyo laba tafiirtii Janada lagu tilmaamaayo Iyo laba wax layskuma tirshee sida tiriigaas ah Iyo taan lahaan jiray markaan tumasho soo qaadno Intaas oo xarago tiicaysa oo timeshla luudaysa Intay toobab noo soo xihdeen tel iyo xiisaan leh Anaguna gabdhaa kama tagnee geerash lagu teedi Kaman talalax leeyiyo durbaan tiririgtood yeedhay Tiiraanya qayshaha rabaab gacanta taabsiiye Ilaahay ha tabantaabiyo e noogu tacab sowdka Anaguna tastuurtay lahayd sacabka tiitaynay Markii ay cabaar naga tumeen tegis u qoondayste Tafwareenka sheekada rag weys tira tireeyaaye Kaftan aan turxaan lagu ogayn la isku taataabay Gabdhahay sheekadu noo taxnayd toganay haasaawe Sidii tayse roob nagu onkoday taaha ku caweynay Warmihii tumaatida cadaa tiirka qabadsiinay Rag takooran baa nagu jirayee tabaha qaar diidnay Inkasta ay taftuba noo dhaweyd teedka sharaf eegnay Habeenkaa ninkii tamar badnaa taxay mirqaan kiisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted June 3, 2013 Gabayga 3aad: Tixraac, waxaa lagu tiriyey Addis Ababa abbaaraha 1999-2000, laakiin ninkii tiriyey lama hayo magaciisa, wuxuuna nagu soo gaadhey isagoon wadan magaca, laakiin waa la malayn karaa reer ahaan cidduu yahay, waayo waxaa ka muuqata sida uu saluuggey gabayga Cabdisalam. TIXRAAC • Abdisalaan tixdii maansadiyo, qaadki tamashleynti • Sheekadii halkuu ooga tagay, taam ka dhigideeda • Tixraaciisa gabay dheeli tira, erayaduu tookhey • Tuducyadii Ismaacill Mirees, toogtay sharaftooda • Tiiraanyadeediyo anoo, taas ka daba jooga • Aan u tiriyo taarkiyo warside, hayga tabiyeene • Gabdhihii tariigga u ekaa, tooshka siduu sheegay • Geerashkii ha lagu teediyee, taa wax daba yaalley • Ma tibaaxin gabaygii runtii, taalley gogoshiiye • Taataabashiyo baashadiyo, tororog mooyeene • I.i..d.oo.r* tumaatada warmaha,tahan ma geeyaane • Tooratoorihii jilicsanaa, taagi hidin waa dheh • Iyagoo waxay tabanayeen, loo tigitigi waayey • Baahida tabaadiga laftiyo, tiirka ku abaadey • Siday tacadigaa uga baxaan, ciil ku tabaraystey • Inay heeran taladoodu tahay, taa u wada u guuxa • Dhulkuna kala tilmaamane haddii, talo la baadhbaadhey • In Galbeed tigaad ugu dhaw dahay, la isku taataabay • Tubta lama huraankiyo durba, toobiyaha raace • Addis oo tabtii lagu yiqiin, cadarku tiixaayo • Mandigii Turkigu shiilayiyo, turuqya iidaaman • Duhurkii taxaashaha intaan qado, ka soo tuurrey • Hurdo talada nooguma jirtee, qaad u tubta u qaadnay • Hereriga Toghdeer lagu gadaa, ma laha tiigaale • Awaadey mid laga soo tidcay, oon milicdu soo taaban • Xidhmo Adarigii noo taxiyo, toban marduuf qaadney • Gurigaan ku sii talagallee, gogoshu noo tiilley • Nin waluba qoomaalkuu turqaday, aayar ugu tiirsay • Gabdhahoo tilmaantii hayoon, taar u sii diraynay • Iyagoo tafaha jiidayoo, qurux la tiicaaye • Mid waluba tusmadi ay jecleyd, tiigashada gaadhey • Barkimaha tamuushkiyo bustaha, suxulka loo teedi • Salaan turxaan lagu ogeyn, la isku tuurtuur dheh • Si ay ula tisqaadaan fadhiga, taxanihii maadda • Inta ay marqaankooda togan, time ku filan siinney • Fagaaraha wax kuma taabaniyo, tooshka oo shidane • Annagoo amuurtaa tixgelin tabaha, qaar siicney • Qolalkii markay lays la tagay, loo shin tirinaayey • Tartiibteeda aayara intay, toobka meel sudhatay • Barfuun badanka lagu tiixiyo, timaha cuuddeysey • Timir lagu masaalyey intay, duc isku sii tuurtey • Anaguna jacayl kama tagnee, tucubta sii laacney • Kuma tacabno taataabashiyo, baasha tabar moode • Tib wax lagu masaaliyo dubbaha, toobin madaxiis leh • Ma tiinbaday tubtii oonku diley, gaanidii tabisey • Ma tarrariyey tarahaan wax badan, meel fog laga taaban • Tiigsashada rakaada leh markii, toobta lagu reemay • Gumucii taraaraxa markuu, baal walbaba taabtay • Sidi riyo tigaad cunay gabdhihi, taaha ku caweeye • Tufta dumarka xaydh lagu tuhmaa, taws ka bixintooda • Tif ku siinnta tiixii ku da’ay, talalii daaye • Durba xabadka taataabasho, xiiso kale tiigte • Xaraadadi markii laga tiritirey, tiifta iyo oonki • Intay faraxa laamaha tageen, noo tolnimo sheegte • Tag inaan u nahay oo cid kale, ayn dibba u tooyan • Tallaahida intay noo mareen, sayn u tagi doonin • Ilaahay ha tabantaabiyee, ducada noo tuunshe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted June 3, 2013 Nin la baxay Geedi Guray ayaa isna version kan raaciyey mar skin heads arin kala kula tahay uu ka waramayey... TAB RAGEED Taagnida shisheeyaha dhulkii teysi waw gayane anagoo tacliin raacanoo tuulo wada naala niman ay tikhaha layskuduro tiimbar ugutaalo oo madaxu wada taafanyahay tuuga nagulaaye Anana tii rageed iyo jihaad taladi sooqaadnay ayagoo todobo aan dhameyn tay isugu baaqe tafaraaruq nimanbaa ku go'a oon istaabicine anana tawlka xaajada nin iyo toogadi indhaynay ray'igeenu tii uu nayiri torog ku heensaynay tashigii halkuu noogu dhacay toos isuguraacnay Toorey afkii loobaxshiyo toosan ula qaybshey tubtii aanu qaadniyo wadada yaararka utooxnay tog mareere laba nooga timid horay utuuryeynay intey tuurdhan noosoo arkeen marada nootaage anaguna sidii taran darwiish tiimbad ugu rooray Wareegada ragbaa waxay tawalin yaan wax kaatagine taan horey uqaatiyo balbala tahar kunaafeeyey dhaaxaa nimaan taxadareyn tuugo loo dilaye dhiigii tafaha loogushubay toorahaw gudubyey Ayagoo turaabkaa kabadan baqa taraarsiinay tartan niman yaqaan baan nehee tu'in kusoo gaarey afar tumanku waaweynyihiin taabnay ooqabanay tala xumada wiilkay turqeen yiri turxaan geyso taf wareemanmeynine intuu tumay ku eynshaadyey tartaradiyo feeraha sidii tulud uhaydaari tacabaa asaga laga dhacee tooja ka eryooney Tolaala'ayda beeshaa khaldani taar kuwada yeedhay taambuuglayaashii sharcigu tabayey soogaare iyagoo direys taagan qaba nalaku soo tuumi teesare waxaan haysaniyo tigidh naweydaarshe tiigaan hujuunliyo ragii feer kutabantaabe tukayaal madow iyo nadhehe tolalka daanyeerka anaguna xarago kamatagnee tuduc kulaaqyeynay Takhantakho wareerkii dhulkii tininigtii yeedhay horay noo taxaaboo xabsiga nalaku sii tooci toban iyo sideed saacadood gaaja nala taagyey toyleedka ruuxii ukaca tacadi loogeysey Talaaduhu markii aydheceen toosyey inan jiifey ayadoo si aynooga taal telelyey oo reenyey taahiisu meeshuu kabaxay rag isku teelteelyey heesihii tubeec ee qalbigu taamijirey qaadyey aniguna tixaha kamagudbee hadal kutaataabtey Kuwii teydka nagu meersanaa tahajun soogiirte ninba meel markii lala tagoo tuujis lagu boobay qormo nalaku tawsayn lahaa tayda dhaha diidney waaniman talaahida gafoon tooba oraneyne ayadoon maxkamad layslatagin toogashow siganay Iyadooy tawaan iyo xujaba tahan la gawriirto taliyaha midkii looga dhigay tab ula haasaaway toban lacag tayada doolaroon taana lagu doorsan iyo taban tafaha loo baxshoo tiris an loo fiirin iyo toban taswiiroon inaba lagu tigaadaynin iyo toban tulaaluush ahoon tiir ka dhiganeyney iyo taan xirfaynjirey markay tala halkaa joogto been laguma tookhiyo afaan taabud noqoneyne intaa xeesha waw taray xaq waa lagutiraabaaye. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 4, 2013 • Kuma tacabno taataabashiyo, baasha tabar moode • Tib wax lagu masaaliyo dubbaha, toobin madaxiis leh • Ma tiinbaday tubtii oonku diley, gaanidii tabisey • Ma tarrariyey tarahaan wax badan, meel fog laga taaban • Tiigsashada rakaada leh markii, toobta lagu reemay • Gumucii taraaraxa markuu, baal walbaba taabtay • Sidi riyo tigaad cunay gabdhihi, taaha ku caweeye • Tufta dumarka xaydh lagu tuhmaa, taws ka bixintooda • Tif ku siinnta tiixii ku da’ay, talalii daaye • Durba xabadka taataabasho, xiiso kale tiigte • Xaraadadi markii laga tiritirey, tiifta iyo oonki • Intay faraxa laamaha tageen, noo tolnimo sheegte • Tag inaan u nahay oo cid kale, ayn dibba u tooyan • Tallaahida intay noo mareen, sayn u tagi doonin • Ilaahay ha tabantaabiyee, ducada noo tuunshe :D @ the description of sexual orgy Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted June 4, 2013 X-rated stuff Xiin do you have the famous poem recited by poet who returned home after long trip to his first wife. Knowing he will be off tomorrow for another journey, she tried to get him do what's neceassary and satisfy all of her hunger. With the stress of losing his herd in an ill-advised transaction, the poet could not even get it up let alone do all-nighter He composed a poem for his arsenal which let him down... Hadaan lagu ruxaan ruxin, walaa leyna rudsiineyne, .. .. Waxba ha is ridaan ridine, innaga soo rar reerka Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 4, 2013 ^^Ritti qooqan kama liidatid ee inaka soor reerka Haddii kale aan kala raaridne aniga hayraacin Intaasaan ka xasuustaa , belaayaa ilaahay ku jarribay odoga, habartu arrigeeda inay u qasho waa diiday hadduusan alyacni reerka oday u noqon Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted June 4, 2013 Odayguna gar leh, Islaantuna gar leh - Waa iska xaal adduun. Quote Share this post Link to post Share on other sites