Sign in to follow this  
Saalax

Proffesor Samatar:Somaliland is my country, I will visit from Zeylac district to Ceerigaabo district

Recommended Posts

Saalax   

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu soo dhaweeyey Somaliland, si qaddiyadaysanna Ciidda u dhunkaday (Sawirro)

 

 

Hargeysa(RBC):- Prof Axmed Ismaaciil Samater, ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, ka dib markii uu muddo 22 sano ah Somaliland ka maqnaa, isla markaana uu si weyn ugu ololayn jiray qaddiyadda midnimada Soomaali-weyn, kana soo horjeeday gooni-isu-taagga Somaliland.Axmed Ismaaciil Samatar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ee Somaliland, ayaa 22-kii sano ee u dambeeyey si weyn u taageeri jiray qaddiyadda midnimada Soomaaliweyn, balse dhawaan iska casilay xubinnimada Baarlamaanka Soomaaliya ee sannadkii hore la doortay, ayaa galabta soo gaadhay magaalada Hargeysa, isaga oo markii uu diyaraad ka soo qaadday Berbera ka ga soo degay garoonka Cigaal ee Hargeysa dhulka dhunkaday.

 

 

 

Prof Axmed Ismaaciil Samater, oo bishii sagaalaad ee sannadkii 2012-ka u tartamay jagada Madaxwaynenimo ee dalka Soomaaliya, balse ku hongoobay, ayaa bil ka hor iska casilay xubinnimada Xildhibaannimada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Baarlamaankii la soo doortay 2012-kii ayaa waxa madaarka ku sugayey boqollaal qof oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Madax-dhaqameedka kala duwan ee reer Somaliland, kuwaasi oo qaarkood ka yimaadeen Magaalada Borama.Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya Ujeedada Socdaalkiisa Xilligan ee Somaliland waxa uu Sheegay inuu salka ku hayo sidii uu u ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee ay dadkiisu ku sugan yihiin isagoo intaas ku daray in isaga iyo Koox la socotaaba ay Socdaal ku tagi doonaan Degmada Saylac ila Degmada Ceerigaabo si uu Xog ogaal ugu noqdo Nolosha dhabta ah ee Somaliland isla markaana uu u helo Xog uu adduunka u bandhigi karo.

 

 

 

Axmed Ismaaciil Samater oo markaa ka dib saxaafada hadal kooban ku siiyay qolka Nasashada Ee Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa hooyo ku soo nabad noqdo, waxaanu yiri; “Somaliland waa dalkaygii, waana dhiigaygii, wax badan ayay qabsadeen lamana dafiri karo, cid walbana inay u soo istaagto ayay ku khasban tahay.”“Saylac ilaa Ceerigaabo ayaan marayaa, dadkaan wareysanayan, aniguna war badan baan sidaa. Markaan xogta dadka ka urursado ee aan xukuumadda, odayaasha, dhalinyarada iyo bulshada Somaliland la kulmo ayaan si rasmi ah u hadlayaa.” Sidaa ayuu yiri Prof: Axmed Ismaaciil Samatar.

 

 

Wasiirka Wasaaraedda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire), oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Soodhawaynta Axmed Ismaaciil Samatar Xukuumadda Siilaanyo u magacawday, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin inay dadkiisa iyo dhulkiisa Somaliland ku soo dhaweeyaan Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo uu xusay inuu Somaliland muddo dheer ka maqnaa.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

 

http://www.raxanreeb.com/2013/06/prof-ismaaciil-samatar-oo-lagu-soo-dhaweeyey-somaliland-si-qaddiyadaysanna-ciidda-u-dhunkaday/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this