Dr_Osman Posted June 2, 2013 Xarun ay wax ku baranayaan dadka curyaamiinta ah oo Bosaso laga furay | on June 2, 2013 Waxaaa magaalada Bosaso laga hergaliyey xarun loogu magacdaray Gurey Education Center oo ah xarun ay wax ku baran doonaan dadka naafadaha ah. In ka badan 400 qof oo isugu jirta dadka waaweyn iyo dhalinyarada ayaa loogu talagalay in ay wax ku bartaan xaruntaani,waxaana magalaada ka dhistay hay’adda samafalka ee Nedsom oo fadhigoodu yahay dalka Holland. Isdiiwangalinta ardayda ayaa si toos ah maanta ugu bilaamatey xarunta, Ardeyda ayaa ku dhigan doona si lacag la’aan, haddii ay ayaan lahayd isdiiwaangalinta iyo wax ka barashada xarunta. Xirfado kale duwan ayaa laga baranaayaa xarunta,sida waxbarashada aasaasiga ah (Basic Education Department) waxana ka mid ah: Barashada qorida iyo akhrinta Soomaaliga Barashada xisaabaadka kala gadisan Baarashada luqadda Ingiriiska oo leh bilow,dhexdhexaad iyo dhammeystir Barashada Diinta Islaamka Barashada hababka la talinta iyo talabixinta guud Barashada Sayniska Farasamada gacanta ayaa laga baran doonaa xarunta sidoo kale,waxaana ka mid ah: Barashada Computer-ka 8-Barashada habka cilaan saarka iyo qurxinta gabdhaha Barashada Harqaanka ama tolida dharka Barashada dhar karinta, ee midabada loo yeelo Barasahada iyo dayactirka raadiyaasha, DHalada Telefishanka iyo mobilda kale gedisan Barashada korontada,gaar ahaan gelinteed iyo celad bixinteeda Barashada Farsamada sameynta sariiraha, miisaska, armaajooyinka I.W.M. Barashada biyo galinta, cilad bixinta iyo dayactirka tuubooyinka biyaha Barashada karinta cuntada noocyadeeda kale duwan Barashada aaladaha wax qaboojiya iyo cilad bixintooda, Sida Talaajadaha iyo Mukeyfyada Barashada habka loo sameeyo jeesooyinka loo isticmaalo sabuuradaha Barashada xirfadaha lagu maamulo ganacsiga yar-yar(Small Businees Skills Training) Gudoomiyaha xauntan Jaamac Ciise Hurun oo wareysi gaar ah siiyey Horseed Media ayaa sheegy in ay ka hawlgli doonan xarunta macalimiin isugu jra rag iyo dumar ka hawlgala jaamcadaha ku yaala magaalada Bosaso. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan macallmiin ajanabi ah oo ka soo jeeda dalka Kenya oo ka mid ah macalliminnt xarunta, Waa xaruntii ugu horeysay oo loogu talagaly in wax lagu baro dadka naafada ah ee laga furo deegaanada Puntland, waxaana ka furi doonaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland,waxaa jira gawaari loogu talagalay ardayda naafadaha ah oo ka soo qaadaya guryahooda, islamarkaana keenaya xarunta, kadib dib ugu celinaya guryahooda ,madaada ay yihiin dad naafo ah ayuu hadalkiisa raaciyey gudoomiye Jaamac Ciise Hurun. Ugu dambeen gudoomiyaha ayaa sheegay in macalimiinta ay ku shaqeyn doonaan si taburucaad ah, si ay ugu faa’ideeyaan walaahooda dhibaateysan. Si kastaba ha ahaatee xaruntan ayaa ah tii ugu horeysay ee laga furo magaalada Bosaso, waxana a aaminsan yahay in ay wax badan u tari doonta dadka curyaamiinta ah ee la ilaaway. Dhegayso Maamulaha Gurey Education http://horseedmedia.net/2013/06/02/xarun-loogu-talagalay-in-ay-wax-u-bartaan-dadka-curyaamiinta-ah-disable-people-oo-maanta-laga-furay-magaalada-bosaso/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted June 3, 2013 Another nice little development in Bossaso. A new islamic school Quote Share this post Link to post Share on other sites