Xaaji Xunjuf Posted June 2, 2013 Kooxda Damu Jadiid Oo La Wareegtay Awooda Dowladda Somaliya somaliya2Warbixin Mareegta Shabeelle ka diyaarisay Wasiirada Madaxtooyadda iyo Arrimaha Gudaha Ilo Lagu Kalsoonyahay iyo Xubno ka tirsan Ururka Dam Jadiid oo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ay ka tirsanyihiin ayaa Shabelle u Xaqiijiyay in Xubnaha Dam Jadiid ee Ku jira dowladda ay la soo ifbaxeen awood ka dheeri ah Mida dowladda Federaalka Soomaaliya. Faarax Cabdi qaadir oo ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada kana Tirsan Dam Jadiid ayaa la tilmaamay inuu yahay ninka awoodda dalka gacanta ku haya. Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariin Xuseen Guuleed oo isna ka tirsan Kooxda Dam Jadiid ayaa awood dheeri ah ku dhex leh dowladda Federaalka. Ilaha Lagu kalsoonyahay oo Shabelle u Xaqiijiyay Awooda dheeriga ah ee Dam Jadiid ayaa sheegay in Wasiirada ka tirsan Dam Jadiid ee ku jira dowladda ay ka ciidan Badan yihiin Wasiirada kale ee dowladda kana Gaadiid wanaagsanyihiin. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada oo ah Xubnaha ugu Cad cad Ururka Dam Jadiid ee ku Jira dowladda ayaa waxa ay degenyihiin Guryo Ammaankooda si weyn Loo ilaaliyo laguna xiray Kaamirooyinka wax duuba lagana daawado gudaha iyadoo Guryaha ay degenyihiin lagu wareejiyay silik koronteysan hareerahana laga dhigay dhagxaan adag iyo Jawaanno Caro ay ka buuxdo oo ay kaga gaashamanayaan Weeraro Ismiidaamin oo lala Bartilmaamsado halka Wasiirada kale ee Xukuumadda aysan awoodin in ay helaan Labo Ama Seddex Askari oo Ilaalisa ,Gaari ay ku socdaan iyo Hooy Ammaankiisa la ilaaliyo oo ay degaan iskaba daa in ay helaan Kaamiro iyo Qalab Casri ah oo Xaqiijiya Ammaanka Guryaha ay degenyihiin waxaana Wasiirada qaarkood ay iskula degenyihiin Labo labo iyo Seddex. Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo aan ka tirsaneyn Ururka Dam Jadiid ,waxaa ka hoos shaqeeya Wasiir dowle Ama Wasiirk Ku xigeen ka tirsan Kooxda Dam Jadiid kaa oo l asocda dhaqdhaqaaqa wasiirka,islamarkaana kala dhantaala Howsha Fulineed oo Wasiirku sharciga u leeyahay. Xubno ka tirsan Ururka Dam Jadiid ayaa waxa ay Shabelle u Xaqiijiyeen in haatan uu socdo qorshe Wasiirada Dam Jadiid dalalka Khaliijka ay ugu Magacaabayaan Safiirro iyo qunsullo ka tirsan Dam Jadiid. Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Max’ed Nuur Gacal kana tirsan Dam Jadiid ayaa dhawaan Magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee da lka Sacuudi Arabia oo xubnaha Dam Jadiid ay sheegeen in aanu ka warqabin Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya isagoona haatan ku sugan dalka Cumaan si uu u Magacaabo Safiirro iyo qunsullo ka tirsan Dam Jadiid socdaalna uu ku mari doono wadamo kale o khaliijka k atirsan si uu u magcaabo safiiro iyo Qunsulo ka tirsan kooxda Dam Jadiid Inta Badan Wasiirada Dam Jadiid ayaa aada Wadamada Khaliijka iyadoo aanu ka warqabin Ra’isal Wasaarah waxaana si rasmi ah aan Loo ogeyn halka ay ku bixiyaan dhaqaalaha ay ka helaan Wadamada Khaliijka. Ilaha Lagu kalsoonyahay iyo Xubnaha Dam Jadiid waxa ay Shabelle u sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka hoos dhisantahay dowlad kale oo ah Dam Jadiid. Quote Share this post Link to post Share on other sites