Sign in to follow this  
Saalax

Former failed TNG Warlord Abdiqasim Salad boy calls for people to support Somalia government

Recommended Posts

Saalax   

Friday, May 31st, 2013 at 08:49 am

C/qaasim Salaad Xasan oo shacabka ku booriyey iney dowladda taageeraan si dhibka looga boxo,kana hadlay arimaha jubooyinka

 

vgsbwzN.jpg

 

Qaahira(RBC Radio) Madaxweynihii hore ee dowladii kumeelgaarka ahayd ee Carta Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya ay xalin karaan dadka Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in dalku uu xiligan ku tallaabsanayo horumar iyo ifafaalo nabadeed.

C/qaasima Salaad Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan dowladooda,wuxuuna ammaanay tallaabooyinka ay qaaday dowladdu qaaday oo uu ku tilmaamay iney yihiin bilow wanaagsan oo mudan iney halkaa kasii wadaan masuuliyiinta dowladda hogaaminaya shacabkune ay ku gacan siiyaan dadaalkooda si ay u rumowdo in Soomaaliya laga saaro dhibaatada ay ku raagtay.

Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ayaa tilmaamay in sida kaliya ee ay dadka Soomaaliyeed mar labaad ku walaaloobi karaan ay tahay in la isku keeno waxgaradka Soomaaliyeed si ay uga xaajoodaan waxyaabihii ummadda kala gaaray 22-kii sano ee ugu danbeeyey iyo ka hor burburkii dowladdii Jaalle Maxamed Siyaas Barre.

“waxaa loo baahan yahay in la iskugu yeero cuqaasha iyo waxgadarka ummadda Soomaaliyeed si ay uga wada xaajoodaan dhibaatooyinkii kala gaaray dadka Soomaaliyeed,si ay ummadda heshiis dhab ah u dhex-dhigaan,waana in laga xisaabtamaa wixii la isgaarsiiyey shacabkane loo kala celiyaa hantida ma guurtada ah,isla markaane laga heshiiyaa dhibaatooyinkii la isgaarsiiyey,la iskane cafiyaa wixii dhibaato ah ee la isku geystay,si loosoo celiyo qaranimadii Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

 

Jubooyinka

Madaxweyne C/qaasim Salaad oo ka hadlayey arimaha Jubooyinka ayaa sheegay in goboladaasi ay yihiin gobolo Soomaaliyeed isla markaane ay wada leeyihiin Soomaalidu balse wuxuu si gaara u xusay in codka iyo go’aanka aayo katalinta goboladaas ay xaq u leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee deegaanka u dhashay.

Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Jubooyinka ay yeeshaan maamul ay ku mideysan yihiin dhammaan bulshada goboladaas isla markaane ay ay raali ka wada yihiin oo ay iyagu doorteen ,kuna yimi rabitaankooda.

Wuxuuna dhanka kale tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in dowladda Soomaaliya ay ku lahaato shirkaas doorkeeda dowladnimo,maadaama ay iyadu dalka dowlad u tahay,wuxuuna sheegay iney habboon tahay in dowladda ay wax ka ogtahay dhisida maamulkaas si ay u siiso taageerada uu u baahan yahay oo dhaqaaluhu uu kow ka yahay.

Madaxweynihii hore ee dowladii kumeelgaarka ahayd ee Carta Dr C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu danbeyntii alshabaab ugu baaqay iney xabbada joojiyaan isla markaane ay yimaadaan miiska wada hadalka ayna ka waantoobaan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay faragalinta ay dalka ku hayaan dowladaha dariska,wuxuuna alshabaab ugu yeeray iney dagaalka Joojiyaan si aysan dalalka derisku u helin marmarsiiyo ay kusii joogaan dalka isla markaane ay kusii wadaan faragalinta qaawan ee ay dalka ka wadaan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

http://www.raxanreeb.com/2013/05/cqaasim-salaad-xasan-oo-shacabka-ku-booriyey-iney-dowladda-taageeraan-si-dhibka-looga-boxokana-hadlay-arimaha-jubooyinka/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Why do you care about Abdiqasim, let him live.. Cajiib 3.0 edition!! Secessionist mindset is mind BUGGING, it reeks of hatred for their brothers, the Konfurians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this