Sign in to follow this  
Saalax

Dawlada Ingiriiska Oo Ka Noqotay Digniintii Ay Uga Digeen Muwaadiniintoodu In Ay U Safraan Somalilan

Recommended Posts

Saalax   

Dawlada Ingiriiska Oo Ka Noqotay Digniintii Ay Uga Digeen Muwaadiniintoodu In Ay U Safraan Somaliland.

 

Adisababa(Ramaasnews) May 31,2013-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa, heshiis ka kooban laba qodob,kaas oo wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland.

 

Waxaana heshiiskaas goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro yar) oo maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa dalkaasi itoobiya.

 

waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur Shaaciyey inay wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada Ingiriisku hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo Somaliland, balse imika ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta Ingiriisku ku imanayaan Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo sharaxaad ka bixinaya labada heshiis ee ay kala saxeexdeen Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan waxay yihiin waxa uu yidhi “Waxaanu maanta kala saxeexanay laba heshiis oo kala ah, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo iyo qalabeyntooda, iyadoo dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah, iyada oo loogu deeqay qalab iyo Gadiid dhan lix Baabuur,

 

shaqaalahana la tababari doono, una sameyn doona qalab (Database) isku xidha xarumaha dalka laga soo galo oo dhan iyo dhismayaal cusub.

 

Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU (Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Biritan-ka farta iyo waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho”

 

Wasiir Duur waxa kale oo sheegay in xarunta cusub ee loo dhisi doono ciidanka baadhaya danbiyada culculus, ciidan gaarana loo tababari doono, “Xarunta cusub ee SPU-da waxa loo tababari doona ciidan cusub oodhan lixdan qof oo si gaara loo tababari doono, waxaana ciidanka SPU-da loo keenay oo la siin doonaa lix Baabuur”. Ayuu yidhi.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska Safiir kuxigeenka waxa qado-sharaf maamuus sare ah u sameeyey Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Greg Dorey.

 

Mar la weydiiyey Wasiir Duur waxay ku soo kordhinayso heshiisyadani ciidamadda laanta Socdaalka Somaliland Iyo Ciidanka CID-da, waxa uu ku jawaabay, “Waxay ka bedeli karaan wax-weyn oo aqoontooda kor ayaa loo qaadayaa oo qalab ayaa la siinayaa, waxaanay labada heshiisba wax weyn katarayaan nabadgelyada qaranka Somaliland, waana laba heshiis oo qaranka qiimo-weyn u leh”.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu qirey inay wax ka bedeleen dhawaaqi Ingiriiska ee Somaliland, waxa uu yidhi“Waxay Safaaradu qirtey in wax ka bedel lagu sameeyey dhawaaqi ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo socdaalo Somaliland, oo dib loo eegayey inay Somaliland nabadgelyo tahay, waxaana imika bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland”

 

Heshiiskan uu soo saxeexay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa waxa uu Somaliland ugu fadhiya qiimo weyn.

 

 

 

 

 

Ramaasnews

 

Hargeysa Desk

 

 

http://www.ramaasnews.com/index.php/News/Dawlada-Ingiriiska-Oo-Ka-Noqotay-Digniintii-Ay-Uga-Digeen-Muwaadiniintoodu-In-Ay-U-Safraan-Somaliland.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Intaas oo juhdiya iyo database waxaa laysugu xiray sidii ingiriis uga noqan lahaa go'aankiisa,meesha hadaan ingiriis kasoo degin si aqoonsi loogu raadiyaa way adagtahay well done mahamed cambaro yar iyo duur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Duur just signed away every Somalilander's private data base to Britain's MI6 and MI5 with no benefits in return.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Xaaji Xunjuf;957665 wrote:
^^ Do you have something to hide?

No I don't but it is obvious the Brits are not only after Somaliland's current interior ministry database but want to create an even bigger one for the country and get the details of anyone who crosses Somaliland's borders.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Tallaabo;957630 wrote:
Duur just signed away every Somalilander's private data base to Britain's MI6 and MI5 with no benefits in return.

Somaliland conducted (two times) voter registration collecting a lot of personal data, even parents names, digital picture, fingerprints. Are you telling me this is all handed over to the Brits?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Carafaat;958292 wrote:
Somaliland conducted (two times) voter registration collecting a lot of personal data, even parents names, digital picture, fingerprints. Are you telling me this is all handed over to the Brits?

Yes probably that voter registration database and much more too. You should know by now that our politicians truly do not understand the value of personal information of public database. They will easily hand it over to the highest bidder.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this