Xaaji Xunjuf Posted May 30, 2013 Wasiirro ka socday Dawladda Somaliland Oo Jabuuti Kulamo Kula yeeshay Dhigooda Dalkaasi May 30th, 2013 Comments Off Jabuuti (Somaliland.Org)-Wasiirrada wasaaradaha Diinta aw qaafta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa Maanta la Kulmay dhigooda dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo ay Socdaal Shaqo ku Joogaan. Wasiiradan waxay Kulan la Yeesheen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Aadan Xasan Aadan iyo Wasiirka Shaqada iyo dib u habaynta Shaqaalaha ee Jamhuuriyada Jabuuti Mudan Cabdi Xuseen Axmed ,Waxaa kale oo Kulankaas Goob joog ka ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya Jamhuuriyada Jabuuti. Wasiirka Wasaarada Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa markii uu Kulamadani dhamaadeen waxa uu faah faahinay waxyaabaha ay ka wada hadleen Wasiirrada dhigooda ah ee Jamhuuriyada Jabuuti isagoo tilmaamay inay iska Xog waraysteen qaabka ay u shaqeeyaan isla markaana ay isu soo bandhigeen wixii waayo aragnimo ah ee labada dhinac Somaliland iyo Jabuuti ay Mudan tahay inay kala kasbadaan. Wasiirku waxa uu Sheegay in Kulanka ay la qaateen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ay ka wada hadleen qaabka ay u shaqeeyaan iyo Xeerarka uga yaal dhinaca dhawrista haweenka,Sakada,iyo Wanaag farista iyo Xumaan reebista,Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay filayaan Kulamo danbe oo arrimahan ay kaga sii wada Xaajoonayaan ay isugu iman doonaan. Sh.Khaliil C.laahi waxa uu u mahadceliyay Safiirkas Somaliland u fadhiya Jamhuuriyada Jabuuti iyo Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan. Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Somaliland Md Maxamud Axmed Bare Garaad ayaa dhiniciisa Tilmaamay inuu Shacabka dalka Jamhuuriyada Jabuuti uga Mahadcelinayo sida ay Wadankooda u dhisteen ugana shaqeeyeen Horumarkiisa. Wasiirku waxa uu Xusay inay isla soo qaadeen dhigiisa Shaqada iyo Shaqaalaha ee Jamhuuriyada Jabuuti siyaabaha ay u abuuraan hawlaha Shaqo abuurista iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen arrimaha tahriibta,waxaanu sheegay inay labadooda dhinac isu soo bandhigeen waxyaabaha ay rabaan inay iska kaashadaan. Mudane Garaad waxaa kale oo uu tilmaamay in labada Wasiir ee ay la kulmeen ay ahaayeen kuwo dhalinyaro ah oo uu dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele u magacaabay Xilalkaas Wasiirnimo isla markaana ay ka Muuqato ayay Sida uu yidhi inay ka dhabeeyaan Himilada Waxqabad ee Wadankooda. Geesta kale Wasiirada Diinta iyo Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Somaliland waxaa qado sharaf u sameeyay Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan Wadanka Jabuuti. Quote Share this post Link to post Share on other sites