Xaaji Xunjuf Posted May 30, 2013 Wasiirka Caafimaadka oo dalka ku soo laabtay isagoo wada dhakhaatiir Kenyan ah May 30th, 2013 Berbera (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) oo ay Weheliyaan Dhakhaatiir ka tirsan Wadanka Kenya ayaa maanta dalka yimid kana soo degay Gegida diyaaradaha ee Madaarka Magaalada Berbera isagoo wada koox dhakhaatiir ah oo qaliino lacag la’aan ah ka fulin doona cisbitaalka guud ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer. Wasiirka Waxaa Madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Gobolka Saaxil iyo kuwa Degmada Berbera iyo Weliba Maamulka Caafimaadka ee Gobolka Saaxil. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Xoog oo Warbaahinta Xog waran ka siinayay Qaliinada ay dhakhaatiirtani mudada ay dalka joogaan fulin doonaan,Wasiirku Waxa uu Xusay in Dhakhaatiirtani ay Mudo Toban Cisho ah Wadanka ku sugnaan doonaan isla markaana ay hawl galo qaliino isugu Jira dadka Gubtay iyo kuwa dibnaha ka faruuran ay ka fulin doonaan Xarunta Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco. “Dhakhaatiirtan oo ka socda Ururka Health Face Tomorrow waxay hore hawlgal caafimaad uga Fuliyeen Magaalada Hargaysa iminkana waxay mar labaad Qaliino kala duwan ka soo fulinayaan Mudo Toban Cisho ah Magaalada Burco,” ayuu yidhi Wasiirka oo hadalkiisa sii Wata ayaa yidhi “Dhamaan Qaliinadaas oo ay la socoto daawayn ayaa ah kuwo Bilaash ah oo bilaa lacag ah waxaa taas barbar soconaysa Qalliinada Guud ee Kaadi Mareenka,Cunaha,Sanka iyo Dhegaha.” Wasiirka Wasaarada Caafimaadku Wuxuu ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Magaalada Burco inay si haboon uga faa’iidaystaan Fursadan,Waxaanu intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay si weyn u soo dhawaynayaan Hawl wadeenadan oo hawl gal caafimaad oo Bulshadu baahi weyn u qabtay wadanka ka fulin doona. Sarkaal u hadlayay Kooxdan dhakhaatiirta ah ee Ka socota Wadanka Kenya ayaa dhiniciisa ka sheegay in Qaliinadan kala duwan ee ay samaynayaan ay ugu adeegayaan dadka danyarta ah ee Jilicsan. Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Saaxil ayaa isaguna erayo soo dhawayn ah halkaasi ka soo jeediyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites