Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe clan enclave accuses former Leader Tuute Muuse of destabilizing the region

Recommended Posts

Xukuumadda Puntland oo Gen,Cade ku eedeysay khalkhalgelinta amaanka

29. maj 2013

 

APL

 

Xukuumadda Puntland ayaa ku eeedaysey madaxweynihii hore Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi (Cade)inuu ka wado deegaanada Puntland qalaalaase siyasadeed iyo nabadgelyo darro.

 

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta Saxaafadda kula halday Garowe ayaa sheegay in Gen.Cade Puntland ka wado xasarad iyo xaalad iyo amaan darro uu ku doonayo inuu khalkhalgeliyo nabadda Puntland.

 

''Cade Muuse wuxuu masuul ka yahay gadood ciidan iyo jidgooyo dhowaan ka dhacay meelo ka mida ah gobolada Bari iyo Karkaar,isagoona haatandoonaya inuu abaabulo kuwo kale'' Ayuu yiri wasiirku.

 

 

Dirir ayaa intaas ku daray in xilligan uu ku hawlanyahay Cade Muuse majaxaabinta hanaanka xisbiyada badan ee waqtigan ka socda Puntland.

 

Wasiirka ayaa gabagabadii sheegay in ololaha Cade Muuse ku khalkhla gelinayo amaanka uu masuuliyadeeda iyo cawaaqib xumada ka dhalata qaadanayo Cadde Muuse.

 

eedaymahan ay xukuumada Puntland u jeedisay Cadde Muuse weli kamuusan jawaabin,balse Cadde ayaa dhawaan xukuumada talada Puntland haysa ku eedeyey inay qaab khaldan ay u wado hanaanka Axsaabta badan wuxuuna soo jeediyey in Baarlamaanka ay soo xulaan odayaasha si ay Janayo 2014 ay doortaan Madaxweyne iyo ku xgeenkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this