Sign in to follow this  
malistar2012

SFG stepping up security Gangsters who wore Military dressings arrested in a security operation

Recommended Posts

Howl gallo Lagu soo qabtay Kooxo labisan dareeska Ciidanka dowladda oo laga sameeyay Wadada isku Xirta Muqdisho iyo Beydhabo

 

 

Buurhakaba-(Sh.M.Network)-Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howl gal burcad lagu soo qabtay waxa ay ka sameeyeen wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Beydhabo.

 

Howl galkaan ayaa ilo wareedyo ay Shabelle ka heleyso deegaanada laga sameeyay waxa ay u xaqiijiyeen in lagu soo qabtay Kooxo burcad ah oo ka qooleysanayay wadadaasi.o

 

Dad deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamada Howl galkaan ka sameeyay halkaasi ay wateen Gaadiid iyo hub fara badan waxaana ay Carabka ku dhufteen in Kooxaha Howl galladaasi lagu soo qabtay ay wateen dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Sikastaba AMISOM ayaa horay wacad ugu martay in ay isu fureyso wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Beydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo digniin U Jeedisay Kooxaha xiran dareeska Dowladda ee shacabka dhibaateeya

 

 

Muqdisho-(Sh.M.Network)Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida dowladda Soomaaliya ayaa digniino kulul waxa ay u jeedisay Ragga Xiran dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhibaatada kula dhaqaaqa dad Shacabka ah.

 

Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Korneel Cabdullaah Max’ed Muuse Keyse ayaa digniin Culus U Jeediyay Kooxaha ku labisan dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasi oo dhibaateeya dadka Shacabka ah.

 

Afhayeenka ayaa ka Codsaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ciidamada Qalabka sida in ay wax ka qabtaan dadkaasi ku labisan dareeska Ciidamada dowladda Soomaalida ee had iyo Goor dhibaateeya Shacabka.

 

Hadalka Korneel Cabdullaahi Max’ed Muuse Keyse Afhayeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay soo kordhayaan Ragga Xiran dareeska Ciidanka dowladda ee dhibaateeya Shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howl gallo dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Xaafadaha Muqdisho

 

 

 

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Howl Galladaan Maanta Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen Xaafadda Nasteexa degmada Wada jir ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay dadweyne aad u fara badan oo Ciidamada dowladda ay ka soo qab qabteen Xaafaddaasi.

 

Dadka la soo qabtay oo u badnaa dhalin yaro ayaa waxa Ciidamadu ay u soo gudbiyeen Xarunta dambi baarista dowladda ee C.I.D.

 

Marka laga soo tago howl galladaasi ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa afaafka hore ee Xarunta dambi barista dowladda buux dhaafiyay Waalidiin Caruurtooda ay ka mid yihiin dadka la soo xiray.

 

Qaar ka mid ah Waalidiintaas oo Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho kula hadlay afaafka hore ee Xarunta C.I.D ayaa waxa ay Madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in loo kala fududeeyo qaabka dadkaasi kiisaskooda loo baarayo iyagoo dhinaca kale xusay in dhalinyaro laga soo qabtay 7aad ka hor weli iyagoo aan wax cadaalad ah la marin ay ku xiranyihiin Xarunta dambi barista ee CI.D.

 

Dhinaca kale Ciidamada dowladda ayaa waxa ay Howl gallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose iyadoona Ciidamadu ay ku soo qabteen dhalinyaro aad u fara badan oo ay ku eedeeyeen In ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

 

Howl galladaan ayaa qeyb ka ah Howl gallo Maalmihii dambe ka soconayay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this