Sign in to follow this  
MoonLight1

Iftin Bank opens new building in Bosaso.

Recommended Posts

Waxaa maanta xariga laga jaray dhismaha casriga ah ee bankiga dhexe ee iftin group, oo muddo labo sano uu ka socday dhismahiisa magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

 

sawir-114.jpg

 

sawir-44.jpg

 

sawir-54.jpg

 

sawir-79.jpg

 

j.jpg

 

Dhismahan oo noqonaya xarunta dhexe ee Bankiga iyo xawaaladda Iftin, ayaa waxaa xaflad xariga looga jarayey ayaa maanta (Talaada) ah dhacday, waxaana kasoo qayb galay maamulka sare ee Shirkadda Iftin iyo madax ka socotey dowladda Puntland.

 

Mas’uuliyiintii xafladdaas kasoo qayb galayna waxaa kamid ahaa: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Wasiirka amniga, Wasiirka maaliyadda, Wasiirka ganacsiga, Wasiirka dekedaha, Guddoomiyaha gobolka Bari iyo maamulka rugta ganacsiga iyo warshedaha Puntland.

 

Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa in badan oo kamid ah issimada iyo madax-dhaqameedka deegaanada Puntland, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha guud ee shirkadda Iftin Group Aadan Cabdilaahi Ilka-case, wuxuuna si kooban uga warbixiyey sababta ku kaliftay in dhisme noocan oo kale ah ay dalka ka dhistaan iyo weliba ujeedada ugu weyn ee ay arintaas ka leeyihiin.

 

Mudane Aadan Ayaa sheegay in ujeedada koowaad ee ay shirkaddu dhismahan ka lahaydi ay tahay, sidii uu dhiiri gelin ugu noqon lahaa ganacsatada kale, islamarkaana uu saldhig dhexe ugu noqon lahaa shirkadda Iftin oo horay xarunteeda u weyni ay ahayd dalka Imaaraadka.

 

Inj. Cabdirisaaq oo ka socdey shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha gurigan ee Mubaarak, ayaa isna dhankiisa sharraxaad kooban ka bixiyey waxa uu kaga duwan yahay dhismayaasha noocan ah ee sanadihii u danbeeyey dalka laga hirgeliyey.

 

Injineerka ayaa xusay in dhismahani uu yahay kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka oo dhan laga taago, islamarkaana uu ku qalabeysan yahay tiknoolojiyaddii ugu danbeysey dhinaca dhismaha. Waxyaabaha uu sida gaarka ah farta ugu fiiqay waxaa kamid ahaa: qalabka dab-demiska, kaamirooyinka ilaalada, korontada iyo qaboojinta.

 

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo isna ku hadlayey magaca issimmada ayaa arintan ku tilmaamay tallaabo soo dhoweyn mudan, isagoo sheegay in shakhsiyan uu isagu si aad ah ugu farxay ayna sharaf u tahay in uu kasoo qayb galo xaflad lagu daah furayo dhisme noocan oo kale ah.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamed Cali Shire oo isagu dhismahan si rasmi ah xarigga uga jaray, ayaa ku booriyey ganacsatada – gaar ahaan kuwa gobolka Bari- in ay maalgashtaan mashaariicda noocan oo kale maadaama ay iyaguna faa’iido ka helayaan dalkana ay horumar u tahay.

 

Dhismahan oo ka kooban saddex dabaq ayaa ah mid aad u bilicsan, waxaana iska leh shirkadda Iftin Group oo isugu jirta dhowr qaybood oo kala ah: xawaalad, Bangi iyo qaybta maalgashiga dhismaha.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this