Sign in to follow this  
malistar2012

Shirweynaha dib u dhiska iyo maalgashiga Soomaaliya oo maantay si rasmi ah uga furmay magaalada Nair

Recommended Posts

Ambassador Maxamed Cabdi affey oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka Kenya oo isagu hogaaminayay qaybtii koowaad ee shirka ayaa ku tilmaamay Soomaaliya inay tahay waddan istiraatiji u ah ganacsiga iyo maalgashiga gobolka.

 

"Soomaaliya maantay waxay gashay marxalad cusub, waxayna diyaar u tahay inay u fududeeyaan cidwalba oo doonaysa inay halkaa ka samaysato maalgashi, waxaanan ku boorrinayaa dadka Keenyaanka ah inaan fursadaas looga hormarin" ayuu yiri Affey.

 

Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in bogga cusub ee Soomaaliya ay bilowday inuu yahay mid rajo wanaagsan u xambaarsan gobolka iyo wadamada caalamka.

 

"Soomaaliya waa waddan xudun u ah ganacsiga gobolka iyo caalamkaba, waxayna maalgashiga dalkeenu noqonaysaa mid ay ka faa'iidaan dhammaan shirkadaha caalamku" ayuu yiri wasiirku.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliland Maxamed C/laahi Cumar oo khudbad ka jeediyay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira Soomaaliland.

 

"Somaliland labaatan iyo labo sano ayay ku jirtay xasillooni buuxda, waxayna soo dhawaynaysaa cidii doonaysa inay maalgashadaan dalkeena" ayuu yiri Maxamed C/laahi.

 

Safiirka dawlada ingiriiska u jooga dalka Soomaaliya Ambassador Matt Baugh oo shirkaasi ka hadlay ayaa isna ku tilmaamay dawlada ingiriisku inay tahay saaxiib ay Soomaaliya leedahay, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii London ee dhawaantan dhacay iyo furitaanka safaarada Britain ee magaalada Muqdisho oo ahaa tallaabooyin lagu taageerayay shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed.

 

Xassan Nuur oo ah madaxa hay'adda Hanvard qaybteeda Afrika oo hay'adoodu ay shirkan qabanqaabisay ayaa sheegay in kasoo qaybgalka ballaaran ee shirka ay muujinayso in lagu guulaystay ujeedkii shirka oo ahaa in la isu keeno dhammaan dadka uu khuseeyo maalgashiga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

 

"Dhammaantiin waad ku mahadsantihiin imaanshihiina, shirkaani wuxuu tusaale u yahay horumarka dhaqaale ee aynu doonayno inaanu dalkeena gaarsiino, waana guul" ayuu yiri Xassan.

 

Shirkan oo socon doona ilaa iyo maalinta barri ah ayaa lagu soo bandhigay shirkado kala duwan oo doonaya inay dhawaan ka hawlgalaan Soomaaliya, kuwaasoo soo bandhigay qaar kamid ah adeegyadooda iyo badeecadaha ay iib geeyaan.

 

 

 

M1410030.jpg

 

 

M1410066.jpg

 

 

 

M1410016.jpg

 

 

 

 

 

M1410054.jpg

 

 

M1410112.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Axmed C/samad, Hiiraan Online

asamad@hiiraan.com

Nairobi , Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this