Daqane Posted May 27, 2013 Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan magaaladaasi xalay isku soo dhiibay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ay wateen, kuwaasoo ka soo goostay sida ay sheegeen maamulka Khaatuma State. Taliyaha ciidanka militeriga maamulka Somaliland gaar ahaan qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in abaara 8:00-fiidnimo ay isku soo dhiibeen ciidamadooda fariisinka ku leh gobolka Sool ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Khaatuma iyo gaadiid dagaal oo ay wateen. Sidoo kale taliye Axmed Hurre Haariye waxa uu sheegay inay ciidamadan isku soo dhiibay ee ka tirsan Khaatuma State ay wateen sida uu hadalka u dhigay baabuur nooca dagaalka ah oo uu ku raKibnaa qoryaha sida darandooriga u dhaca amaba lidka diyaaradaha, wuxuuna intaasi ku daray inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen ciidamadaasi, ayna kala wareegeen hubkii iyo gaarigii dagaal ee ay la soo baxsadeen, isagoo sheegay inay u lacageyn doonaan hubkooda. “Ciidamada isku kaaya soo dhiibay si fiican ayaan u soo dhaweynay, waxaana ka iibinay hubkii iyo gaarigii ay wateen, waxaan u balanqaadnay inaysan wax dhib ah la kulmi doodnin oo qofkii rabaa uu ciidanka ka mid noqon karo, kii rabaana uu dadkiisa dhinac ka raaci-karo, waxaana ugu baaqeynaa ciidamada kale ee weli la safan maamulka nabad diidka ah ee Khaatuma inay ka soo tagaan oo ay ciidanka Somaliland ee walaalahooda ah ku soo biiraan” ayuu yiri taliyaha ciidanka Somaliland Mr. Hurre Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Khaatuma State oo beeninaya amaba rumeynaya warka ka soo yeeray maamulka Somaliland, sidoo kalena ma aha markii ugu horeysay oo ay ciidan ka tirsan maamulka Khaatuma State isku dhiibaan kuwa maamulka Somaliland, waxaana maamulayaasha Somaliland. Xafiiska Warqabadka Dayniile.com Webmaster@dayniile.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com Deyniilecom@hotmail.com Webmaster@dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 27, 2013 Thats good welcome home boys Quote Share this post Link to post Share on other sites