Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland and Somalia talks on the verge of collapse

Recommended Posts

Saalax   

Saturday, May 25th, 2013 |

Xukuumadda Somaliland Oo La Filayo Inay Ka Baxdo Wada Hadalada Ay La Bilowday Somaliya Iyo Sababaha Loo Aanaynayo

 

PaFM7Yc.jpg

 

May 25, 2013 Hargeysa(Cadceed) – Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay qorshaynayso sidii ay uga bixi lahayd wada hadalka

ay la bilowday dawladda Somaliya, ka dib markii ay dawladda Somaliya jebisay qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, haddana warar uu Geeska Afrika ka helayo ilo xogogaal ah ayaa tibaaxaya, suurtogalnimada inay Somaliland dhawaan ku dhawaaqdo inay ka baxday wada hadaladii ay la lahayd dawladda Somaliya, iyadoo daba socota hadal uu Madaxweynaha Somaliya ku beegay 22 guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland oo uu qadiyadda Somaliland ku sifeeyay dareen caadifadeed. Dhawaaqan Madaxweynaha Somaliya, wuxuu toos uga hor imanayaa mid ka mid ah qodobadii ay labada dawladood ku kala saxeexdeen Turkiga oo dhigayay in laga dheeraado luuqad kasta oo dhaawacaysa wada halada Somaliland iyo Somaliya.

Sidaas darteed, waxa la sheegay inay dawladda Somaliland xidhiidho la samaysay qaar ka mid ah dawladaha sida weyn ugu lug lahaa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu mawduucan wax ka weydiiyo ayaanay u suurtogelin.Dad badan ayaa aaminsan in Madaxweynaha Somaliya, uu qaaday olole diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Somaliland tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii Turkiga oo natiijadii ka soo baxday ay dood ka dhex abuurtay Baarlamaanka dalkiisa. Xasan Sheekh Maxamuud, arrimaha uu ku talaabsaday wixii ka dambeeyay shirkii Turkiga waxa ka mid ah qorshaha uu ku doonayo inuu kula wareego hawada, taas oo ay Somaliland kaga jawaabtay inay duulimaadyada qaramada midoobay ka mamnuucday garoomadeeda.

Cadceednews Hargeysa

Source:Geeska Afrika

 

 

http://www.cadceed.com/2013/05/xukuumadda-somaliland-oo-la-filayo-inay-ka-baxdo-wada-hadalada-ay-la-bilowday-somaliya-iyo-sababaha-loo-aanaynayo-2.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Madaxweynaha Somaliland Oo La Sheegay In Uu Saluugay Kana Tashanayo Ka Qaybgalka Shirka Turkiga Ee Bisha Soosocota U Bilamaya Somaliland Iyo Somalia

 

 

Hargeisa(DNS)_Warar hoose oo Durdurnews ka soo gaadhaya Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxayan in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu ka fiirsanayo in xukuumadiisu ka qaybgasho shirka badhtamaha bisha soosocota dhexmari doona maamulka Madaxweyne Xasan Maxamudka Somaliya.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in uu Saluugay habdhaqanka ugu dambeeyay iyo ereyada kasoo burqanaya Madaxweynaha Somaliya oo si wayn u weeraray Somaliland isla markaana jabiyay qodob ka mida qodobadii lagu kala saxeexday Dalka Turkiga oo ahayd in dhinacna ku dhaqaaqin wax xagal daacinaya kalsoonida iyo wadahadalka labada dhinac isla markaana laga fogaado afxumo iyo xaal abuur,Siilaanyo ayaa la sheegayaa in uu si wayn uga cadhooday hadalada Madaxweynaha Somaliya isla markaana uu hayo cadaymo dhaqdhaqaaq lagu go,doominayo Somaliland,sida la wareegida hawada Somaliya iyo cadaadis diplamaasiyadeed oo Somaliya ku hayso Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliya oo cadaadis sii kordhayi ka haystaan golaha wakiilada Dawladiisa ayaa waxa aad moodaa in uu go,aansaday si uu u dabciyo mucaaradada gudaha in uu Somaliland si wayn u weeraro si uu mucaaridkiisa uga dhaadhiciyo inuusan dalka kala goynaynin.

 

ilo warar dheerad aha aanu helayno ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ku jiro wada tashi balaadhan oo uu lalaeeyahay hawlwadeenadiisa lama oga xaqiiqda dhabta ah in Madaxweyne Siilaanyo go,aan rasmiya ka qaatay shirka Turkiga iyo inkale.

May 26, 2013

DurdurNews

 

http://durdurnews.com/Detail.php?id=763

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

This is not true but I am sure the talks will sooner rather than later hit a brick wall and come to an abrupt end. Everyone knows neither Somaliland nor Somalia is ready to compromise on the issue of sovereignty so this whole affair is a way of convincing the international community that "we tried" from Somaliland's point of view.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

I don't think Qoslaaye and gang have what it takes to bring united Somalia it will be better that way until we have a competent president and cabinet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegtay Inay Turkiga Ka Wada Hadleen In La Soo Horumariyo Wada Hadaladii Ay Somaliland Iyo Somaliya U Balansanaayeen

(Hadhwanaagnews) Monday, May 27, 2013

Kampala-(HWN)-Wasiirka wasaaradda ariemaha dibada Somaliland, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay

 

Kampala-(HWN)-Wasiirka Wasaarada arrimaha dibaddaa Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shalay hor tagay Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa sheegay inay dawladda Turkiga ka wada hadleen hindise ah in wareega labaad ee wada hadallada Somaliya iyo Somaliland ee Turkiga la qabto badhtamaha bisha June ee fooda inagu soo haysta, taasi oo muujinaysa in xukuumaddu danaynayso in wakhtigoodii laga soo hor-mariyo.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay inay wadahadallada la sii wado dawladda Somaliya inkasta oo Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiinta dawladiisu ay jabiyeen qodobkii dhigayey in la iska ilaaliyo hadallada xanafta leh.

 

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi ?Waxaanu aqbalsanahay inaanu muddo sagaashan Maalmood

 

gudahood ah aanu isugu nimaadno (dawladda Somaliya) oo aanu ku wadahadalno, waxa kale oo laba maalmood ka hor Hargeysa noogu yimid safiirka dalka Turkiga, waxaanu ka waramay mashaariicda Turkigu halkan ka wado, waxa kale oo uu xukuumadda uga waramayey mashaariic cusub oo xukuumadda Somaliland hore uga dalbatay Turkiga halka ay marayaan, waxa kale oo u gudbinay codsiyo cusub oo xagga horumarka ah in lanaga taageero oo aanu dawladda Turkiga ka dalbanay, markaa hawlaha Turkiga uu halkan ka wado waa kuwo aanu ku faraxsanahay oo waa sidiimeelo dalka ka mid ah biyo loo galin lahaa, xagga Tacliinta ee ay inaga caawinayaan iyo dhanka caafimaadka oo aanu ka dalbanay?

 

Wasiirka khaarajiga Somaliland waxa uu sheegay in safiirka dalka Turkiga ah ay ka wada hadleen in shirka Somaliya iyo Somaliland la qabto bisha June, iskuna raaceen in laga wadahadlo ?Marka taa laga yimaado, waxa uu noo sheegay in dawladiisu ay diyaar u tahay marti-galinta wareegii labaad ee wada hadalada labada geesood, waxaanuna isku raacnay in laga tashado in bisha june badhtankeeda ama dhamaadkeeda ay wada hadalladu mar labaad dib u bilaabmaan oo aanu anaga iyo Somaliya ku kulano Turkiga, arintaasi waa arin u baahan in labada dal iyo Turkiguba ku heshiiyaan, laakiin arrintan hindise ahaanbaa looga hadlay, aniguna waxaan halkan ka caddaynayaa inaanu danaynayno in wadahadalkaasi sii socdo oo aanu la sii wadno, dawladda Turkiguna waxay soo jeedisay in bisha June badhtankeeda iyo dhamaadkeeda ay ku haboon tahay (wadahadalka labada dhinac) oo wixii iyaga dhankooda ku xidhnaa xaggooda diyaar ka yahay?ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya shir qaramada midoobay iyo xukuumadda Somaliland shalay ahaan uga furmi lahaa Hargeysa oo baaqday ?Qaramada midoobay waxaanu ka dalbanay sidii wadahadal looga gali lahaa maamulka hawada oo ay ku fashilantay masuuliyadii ka saarnayd, maanta oo ay bisha May tahay 25 (shalay) waxaanu ku balansanayn in saraakiil qaramada midoobay ka socdaoo ka imanayey New-york iyo kuwa Nairobi ee arimahan khuseeyaan, way kala habsaameen oo qof ka mid ah ayaa diyaaradihii ka yimaadeen, markaa shirkii dib ayuu u dhacay, laakiin waxaanu rejaynaynaa in toddobaadkan gudihiisa uu shirkaasi qabsoomo si arintaasi xal loogu heli lahaa.?Xigasho/Geeska Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Miyir;955379 wrote:
I don't think Qoslaaye and gang have what it takes to bring united Somalia it will be better that way until we have a competent president and cabinet.

President Hasan has done well so far. He might even go down in history as the man who has united Somalia. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;955420 wrote:
President Hasan has done well so far. He might even go down in history as the man who has united Somalia.
:D

:D :D kkkkkkkkkkkkkkkkk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this