Daqane Posted May 25, 2013 Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir socday illaa xalay ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raaceen in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir maamul KMG ah loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka. Go’aanka madaxda IGAD ayaa ka dhashay warbixin ay u gudbiyeen wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo kulan ka horreeyay midka madaxda ururka ku yeeshay Addis Ababa, waxaana tallaabaan ay meesha ka saarysaa dhismaha maamulka Jubaland oo madaxweynaha loogu doortay Sheekh Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna ismagacaabay. “Waxaan isku raacnay in dowladda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir Qaran oo dib u heshiisiin ah oo ay kasoo qeybgalaan dadka ku nool Jubbooyinka si loo sameeyo maamul KMG ah oo ka shaqeeya sidii loo dhisi lahaa dowlad-goboleed waafaqsan dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay shirkii madaxda IGAD ee Addis Ababa. Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ug qaybglay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo khudbad uu shirka ka jeediyay ku sheegay in guddigii IGAD ee loo dirtay xal u helidda Kismaayo ay wax badan uga qabsoomeen howshii loo xilsaaray. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted May 25, 2013 Why in Mog and not Kismaayo? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted May 25, 2013 Because it is the capital of the republic and far away from the emotions and insecurity of kismayu. Quote Share this post Link to post Share on other sites