Sign in to follow this  
Haatu

Norway, Kenya, Somali oceans and Xasan Sheekh is smiling like the fool he is...

Recommended Posts

Haatu   

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."

 

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Heikki Eidsvoll Holmås oo ka jawaabayey qoraal ku soo baxay jariidadda Financial Times ayaa sheegay in isku dayga xasilinta iyo nabadda Soomaaliya danta ay Norway ka leedahay uusan ahayn arrin la xiriirta shirkadaha Batroolka baara.

 

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa ka hor yimid fikradaha lagu tibaaxay qoraalkii May 13, 2013 ku soo baxay Financial Times ee cinwaankiisu ahaa (Somalia: Oil thrown on the fire --- Energy companies scrambling for reserves risk opening up dangerous faultlines), waxana uu ugu jawaabay qoraal uu cinwaan uga dhigay (Somali stability motivates Norway) oo uu qoray May 21, 2013.

 

Waxana wasiirku qoraalkiisa ku sheegay in caawinaada Norway ay ku salaysan tahay in ay Soomaaliya iyo dalalka kale ka caawiso sidii ay Qaramada Midoobay ugu gudbisan lahaayeen cadaymaha la xiriira cabirka Qalfoofka Qaaradda wixii ka durugsan 200 nautical miles oo ay sida caadiga u leeyihiin.

 

Norway waxay Dawladdii Kumeel gaarka ahayd ka caawisay gudbintii ay 2009 akhbaarta hordhac ah u gudbisay Guddiga Caalamiga ah ee Xadaynta Qalfoofka Qaaradda ee xaruntoodu tahay New York.

 

"Soomaaliya waxay si waadix ah u tiri..."

 

Mr. Heikki E. Holmås waxa uu intaas sii raaciyey "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay, ayadoo warka sii marinaysa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, in xuduudka qalfoofka qaaradda ee ay la wadaagto Kenya in aan la isla meel dhigin oo weli la sugayo ama la hakiyey."

 

read more:

http://somalitalk.com/2011/badda/difaac89.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Madaxweynaha Dawladda Federaalka (DFS) oo Kooxda Contact Group u sheegay in Dhul-badeedka Soomaaliya yahay 12 mayl

 

Madaxda DFS oo u muuqda in ay si diktatooriyad amar-ku-taaglayn ah isugu deyayaan in dib loo qoro taariikhda Dhul-badeedka Soomaaliya, oo la suuliyo xeerkii badda Soomaaliya Law No. 37 ee dhigayey Somalia Terrtorial Waters in uu yahay 200 mayl-badeed, laguna soo koobo 12 mayl ayadoo aan la marsiin Baarlamaanka, golaha wasiiraduna ay khabaar-moog maqaar-saar ah ka yihiin arrinta. Waxana Madaxweynaha DFS qorshaynayaa in uu si degdeg ah ayadoo aan baarlamaan la tusin uu Qarammada Midoobey ka diiwaan geliyo markii ugu horeysey taariikhda in dhul-badeedka Soomaaliya Territorial Waters yahay 12 mayl.

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Xasan ayaa Arbacadii (May 1, 2013) qoraal iyo hadal Video ahaan u jeedeyey Kooxda Contact Group ee qaabilsan Burcad-badeeda ee ku sugan New York, waxana uu markii ugu horesey taariikhda Soomaaliya ku andacoodey in dhul-badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) yahay 12 mayl, isagoo jajuubaya ama meesha ka saaraya xeerkii badda Soomaaliyeed ee dhigaya in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 200 mayl-badeed.

 

Arrintan waxaa degdeg ka sii dhigaya in khudbadiisa Shiikh Xasan uu u jeedey Contact Group uu ku xusay in arrintaas uu dhawaan u gudbinayo Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobey, isagoo sheegay in uu sii marsiinayo Safiirka u fadhiya New York. Mana uu xusin in uu marsiinayo barlamaanka (Qaybta sharciga u qaabilsan Dawladda) amaba ay arrinta ku baraarugsan yihiin baarlamaanka (sharci dejinta) iyo golaha fulinta (wasiirada).

 

Waxa kale oo Madaxweynaha DFS uu ku celceliyey in arrinta badda lagu xaqiijiyey waxa uu ugu yeeray Kampala Process, laakiin waxa uusan xusin in Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii KMG ahayd ay arrinta Badda gaar ahaan Economic Zone (EEZ) ay gebi ahaanba ka saareen Roadmapkii Kampala.

 

Arrintaas in dhul-badeedka Soomaaliya la soo koobo waxaa hore uga dhiidhiyey baarlamaankii hore ee Kumeel-gaarka ahaa oo garabsanayey shacabka Soomaaliya. Waxaana arrintan soo cusboonaatay ama lasoo rogaal celiyey looga fadhiyaa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya in ay si wadaniyad iyo geesinimo uga hortagaan, xukuumaddana arrintan kula xisaabtamaan maadaama ayaga sharcigu ka fulo.

 

Waa Maxay Degdegu:

 

Burburkii Soomaaliya kaddib, xilligii dagaalada sokeeye ka socdeen Koonfurta Soomaaliya ayaa Kenya waxay la xiriirtay mid kamid ah Qabqablayaashii dagaalka ee xilligaas ku sugnaa magaalada Kismaayo, waxayna u soo bandhigtay qorshe ay ku dooneysey in ay heshiis kula gasho badda ku aadan Raas Kambooni. Qabqalahii dagaalku arrintaas waa diidey.

 

Kenya ma samrin. Xilligii uu socdey shirkii Eldoret iyo Mpagathi ee lagu soo dhisay Dawladda Federaalka ah ayaa markii la doortay Cabdullaahi Yuusuf, intii uusan ka soo tegin Nairobi waxaa Kenya usoo bandhigtay in uu heshiis kula galo aagga badda ee ku aadan Raas-kambooni. Maamulkii Cabdullaahi Yuusuf waxay ugu jawaabeen "arrintaas ma geli karno." (Waxaase hore u jirey arrintii Hafza* iyo isku daygii kirayntii Xaafuun ee 100-ka sano).

 

Kenya ma quusan. Markii Jabuuti lagu soo dhisay Dawladdii uu madaxda ka ahaa Shiikh Shariif ayaa durbadiiba waxa Kenya oo garab ka heleysa Norway iyo Walad Cabdalla, Ergeyga Qaramada Midoobey, waxay dawladdaas u soo bandhigeen heshiis loogu magac daray is-faham. Kaas oo markii ugu horeysey taariikhda muran lagu geliyey badda Soomaaliya.

 

Baarlamaankii Soomaaliya ayaa arrintaas ka hortegey, una wajahay si geesinimo leh o taariikhdu xusi donto - waxayna heshiiskaas ka dhigeen waxba kama jiraan. Taas oo sababtay in baarlamaankaas si bareer ah looga dhigay hawl-gab. Waxaana ku xigey in Kenya gashay gudaha Soomaaliya taas oo ilaa hadda ay ciidaamdeedu ku sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo aan dawladda Federaalka Soomaaliya si rasmi uga talin ama xukunkeedu gaarsiisnayn ilaa hadda.

 

Baarlamaankii cusbaa ee la soo dhisay waxay madaxweyne u doorteen Shiikh Xasan, oo asaguna ra'iisul wasaare u magacaabay Shirdoon.

 

Durbadiiba, markii la dhisay dawladda cusub oo rasmi ah 21 sano kaddib, waxaa soo shaac baxay in dawladda loo dhoodhoobay sharci macmal ah oo laga dhaadhiciyey madaxda ugu saraysa Dawladda Federaalka Soomaaliya oo u muuqdey in aysan hore xilligii ay shacabka ahaayeen aysan waxba kala socon doodda badda iyo muranka la geliyey - Ayadoo laga faa'iideysanayo intaa ay curdinka-layliga yihiin ee xukunka u hamuuman - Waxaana soo shaac baxayay in madaxda DFS ay u muuqdeen in aysan kala fahamsanayn farqiga u dhaxeeya Dhul-badeed (Territorial Waters) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ).

 

Waxaa kale oo madaxda DFS lagu jaah wareeriyey muran gelinta dhul-badeedka ayagoo laga weeciyey in ay ku doodaan in laga soo bilaabo 2009 in dalalka xeebaha leh loo ogolyahay in cabbirka badda loo kordhiyo oo la gaarsiiyo 350 mayl-badeed meel xeebta ka durugsan.

 

Waxa la isku deyey in la bedelo Sharcigii badda Soomaaliya ee Law No. 37 ayadoo Norway ay sharci cusub usoo dhiibtey Guddoomiyaha Baarlamaanka. Laakiin waxaa soo shaac baxay in aan sharcigaas lagula dhiiran karin in la horgeeyo golaha baarlamaanka.

 

Markaas ayaa si degdeg ah qorshahii waxaa loogu bedeley in madaxweynuhu si bareer ah ugu dhawaaqo in dhul-badeedka Soomaaliya Territorial Waters yahay 12 mayl - taas oo Arbacadii May 1, 2013 mar uu la hadlayey Kooxda Contact Group uu sheegay in dhul-badeedka Soomaaliya territorial waters yahay 12 mayl, halkii uu ka ahaa 200 mayl, isla markaasna sheegay in uu arrintaas u gudbinayo Qarammada Midoobey.

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa arrintan jawaabta ay ka bixin doonaan iyo waxa ay sharci ahaan ka samaynayaan haddii guddoonka baarlamaanku arrinta kula xisaabtami waayo xukuumadda.

 

 

Read the fool's letter the Contact Group at the bottom of this page: http://somalitalk.com/2011/badda/difaac82.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ee caasumadda Gumeysiga Itoobiya lagu qabtay kulan lagu gorfaynayey in Badda Soomaaliya xuduudkeeda lagu soo koobo 12 mayl.

 

Kulankaas Addis Abab oo la sheegay in ay soo qaban qaabilsay hay'adda Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya (ee loo soo gaabiyo UNPOS) iyo Midowga Yurub, waxaa ka qaybgalay Dawladda Federalka Somaaliya, maamullada Puntland, Somaliland, iyo Galmudug. (Xafiiska UN u qaabilsan Soomaaliya, Xilligii Axmed Walad Cabdalla waa laga dheregsan yahay in uu qayb ka ahaa muran gelintii badda Soomaaliya. Dhanka kale barwaaqa sooranka Yurub Commonwealth waa kuwii Kenya ka caawinayey sidii xuduuda badda loogu kordhin lahaa).

 

Waxaa arrin laga xishoodo ahayd in rag sheeganaya masuuiyiin Soomaaliyeed ee 12-14 Maarso 2013 lagu shiriyey Addis Ababa in laga hir gashado in ay yiraahdaan sidan:

 

"Waxaan u maleynaynaa in uu mugdi ka jiro sharciga Namberkiisa yahay 37, ee khuseeya arimaha Badda Soomaaliyeed ee soo baxay 1972 lana xiriira heshiiskii sharciga badaha caalamiga ah ee soo baxay 1982. Waxaana garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha. Waxaan rajaynaynaa in caqabadahan laga gudbo waxaana waydiisaynaa Bulshada Caalamka sidii loogu gudbi lahaa arintan." Sidaas waxay ku qoran tahay warsaxaafadeedkii 14-kii Maarso 2013 ka soo baxay UNPOS. (Eeg UNPOS ama halkan).

 

Markale dhegeyso waraysiga Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga Puntland kana qaybgalay shirkaas wuxuuna 31-dii Maarso 2013 u waramay wariyaha BBC Axmed Maxamed Cali (DHEGEYSI - BBC).

Waxaa haboonaan lahayd in Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo hadalkaas 12 mayl ah yiri in la xusuusiyo: in 200 mayl oo Territorial waters ah marka dalku leeyahay in ay soo hoos geleyso labada boqol ee EEZ (waayo 200 territorial ah waxay kuu tahay sida dhulkaaga oo EEZ-na waa kuugu dhex jirtaa, cidi kulama leh). Marka adigoo labadiiba haysta maxaa kugu jirabay in aad aqbashid 12 mayl, mase ogtahay adduunka aad ka hadleysid in uusan wada aqbalin xeerka badaha ee aad cuskatay, qaarna leeyihiin xeer u gaar ah oo dastuurkooda ku qoran oo u dhigma kii Soomaaliya ee 1972 sida Peru.

 

Shacabka Soomaaliyeed waxay aad isu weydiiyeen, layaabna ah, sababta keentay in kulan sidaas u miisaan weyn oo lagu go'aaminayey mustaqbalka xuduuda badda Soomaaliya sababta loogu qabtay Addis Ababa oo xitaa aan bad lahayn, ahna dal cadow soo jireen ah u ah Soomaaliya, welina gumeysi ku haysta dhul baaxad weyn oo ay leedahay Soomaali.

 

FG: Dalka Itoobiya waxa uu ka mid yahay dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha adduunka, sidee marka Soomaaliya oo bad leh, xeer badeedna leh, wax ugu yeerinayaan (hoos ka eeg dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha**)

Waxaa kale oo jira warar tibaaxaya qorshaha in badda Soomaaliya xuduudeeda la soo koobo, oo Kenya wadato, in beryahan dambe uu markale qayb ka yahay Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, Ra'iisul Wasaarahii hore ee Dawladdii Kumeelgaarka ahayd, oo ayad xukumaddii bilwoday in taariikhda Soomaaliya markii ugu horeysey ay muran geliso badda Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis loogu yeeray is-faham la gashay Kenya - heshiiskaas oo ay ganafka ku dhufteen baarlamaankii Soomaaliyeed ee hore, oo ah kuwo taariikhdu xusi doonto.

 

Dhanka kale Dawladda Federaalka ayaa beryahan wadey siminaaro ay madaxda kala duwan ee dawladda kaga dhaadhicinayso in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 12 mayl iyo in 200 miles ay tahay EEZ, si markaas loo garab mariyo 200 miles oo Territorial Waters ah.

 

Barnaamijyadaas xukuumadda waxaa ka mid ah barnaamij kharidado watay oo uu Corneyl Xasan Riiraash oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Soomaaliya dhawaan ka jeediyey Muqdisho goob ay ku dhammmaayeen wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaadiidka badda iyo dekedaha, Wasiirka garsoorka, wasiiro ku xigeenno, xildhibaanadda Baarlmaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka badda Soomaaliya.

 

Col. Riiraash waxa hadalkiisii ka mid ahaa, mar uu sharaxayey xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya "Waan ogahay in sanadahan dambe muran ka taagan yahay xadka badda ee u dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo Kenya waan ogahay, hase yeeshee wixii xaqiiqo ah haddaan si kooban halkan uga sheego, Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa, isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa."

 

Hadalkaas qayb ka mid ah ayaa markii hore intii maqshay u riyaaqday, maadaama uu xusay in xadku ku suntan yahay xagal 90 derejo ah oo ka bilaabanaysa xeebta, hoosna ka maraysa jasiiradaha Lamashaaqa.

 

Laakiin, Riiraash wuxuu dadkii madasha fadhiyey u hoos geliyey isagoo dhahaya sidan: "(12 mayl) oo loo yaqaan biyaha dalka waxaa lagu dabakhaa sharciga dalka Soomaaliyeed oo si buuxda loogu dabakhaa. Qaybta kale waa 200 mayl EEZ oo ah qaybta aan ku leenahay dhaqaalaha, ayuu hadalka ku xoojiyey Col Riiraash.

 

Ugu horayn shacabka Soomaaliyeed xilligan waaa ku baraarugsan yihiin in xeerka qaybta 12-ka mayl ee uu Riiraash ka hadlayo uusan ahan xeer Soomaaliyeed, dalalka qaarkoodna aysana ilaa hadda aqbalin xeerka badaha amaba dhaqan gelin.

 

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalka xuduudda badoodu tahay 200 mayl badeed oo Terrirorial waters ah, arrintaas Soomaaliay keli kuma ah. Tan kale muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliyana taariikhda kuma jirin wixii ka horeeyey dawladdii Shariifka. Arrinta muranka ah waa dhulka NFD ee ka mqan Soomaalida. Haddaba Riiraash sidaas in uu madaxda jamaahirada ah ka dhaadhicin lahaa ayaa wanaagsanaan lahayd.

 

riiraash.jpg

 

Sawirkan waa Col. Riiraash oo sharaxa xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaan ka qaadnay Video uu duubay Muuse Jiisow

(Video tayadiisa ayaan wanaagsanayn, hadduu hagaagona waa soo daaabci doonaa, insha Allah.)

 

Tan uu ku ammaanan yahay Riiraash waa xusidda uu sheegay xagasha 90-ka degree ee lagu socodsiinayo xarriiqda xadaynta badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, arrintaas oo dhabar jab ku ah heshiiskii la dhoodhoobay ee Kenya aysan weli ka samrin.

 

somalia_waters.jpg

 

Dhulbadeedka Soomaalia Territorial Sea (200 mayl-badeed)

Wixii ka dambeeyey 2009 waxaa loo ogol yahay in ay ku darsato 150 nautical mile oo dheeraad ah (350 nm)

 

Arrimaahas xiriirka ah waxaa ka sii yaab badnaa, hordhacna u ahaa, kaddib markii qodob ay golahii wasiiradii KMG ahaa ka saareen waxa loogu yeero Roadmapka uu cuskaday madaxweynaha hadda ee DFS, Shiikh Xasan.

 

11-kii October 2011 ayaa wareegto ay soo saareen Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii Kumeel gaarka ahayd ay ku go'aamiyeen in arrimaha badda ee EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada Roadmapka. Taas oo jirtey ayaa Cusmaan Macallim Mukhtaar oo ah khabiir Soomaaliyeed ee Oil-ka waxa uu bsihii Febraayo 2013 magaalada London su'aal ku saabsan badda oo uu weydiiyey Madaxweynaha DFS waxa uu kaga jawaabey sidan:

 

"Arrinta Oil-ka, annaga iyo Kenya waa run in beri dhaweyd ay dood badani ka dhacday. Haddaad xasuusataan barnaamijkii Roadmap-ka ee lasameeyey waxaa ku jirtey in EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya) la xadeeyo. " Sidaas waxaa yiri Shiikh Xasan, isagoo aan xusin in qodobkaas uu cuskanayo gebi ahaanba laga saaray Roadmapkii.

 

Waxana madaxweynaha DFS uu hadalkiisa raaciyey sidan "Dawladii Soomaaliya waxay burburtay ayadoo processkii ugu jirta sidii ay u register-garayn lahayd ee ay u sharciyayn lahayd EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya), oo processkii bilowday oo dhex marayo ayaa burburkii yimidey, intii ka damabseyna lagama shaqaynin, annagu hadda markii aan nimid shaqadaas waa bilownay, nin khabiir ah oo Soomaali ah ayaan dibadda ka keenay oo shaqadaas yaqaanno, softwares iyo charts (shaxanno), iyo adduunyo wuxuu ubaahnaa ayaan samaynay, markaas dawladda Soomaaliya mardhow waa register-garaynaysaa EEZ-ka. Kenya iyo anaga hadii uu khilaaf naga dhexeeyeno caalamka sida uu ku kala baxo ayaan ku kala bixi doonaa. Qawaaniin ayaa caalamku waxaas ka leeyahay. Qawaaniintaas ayaan isticmaali doonaa." Waxana madaxweyanaha DFS ka boodey oo uusan xusin in Soomaaliya lahayd xeer badeed Law No. 37. (Farqi aad u weyn ayaa u dhaxeeya EEZ iyo Territorial Waters).

 

Arrimahaas oo dhan marka la dhuuxo waxaa ka soo ifbaxaya nidaam qorshaysan oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxdii Dawladdi hore ee Kumeel garka ahayd oo garabsanaya Kenya iyo Itoobiya in ay qorshaynayaan sidii loo dhaxal wareejin lahaa baaxad aad u ballaaran oo badda Soomaaliyeed, laguna soo koobo 12 mayl, shacabkana laga dhaadhicinayo "Adduunka ayaa 12 mayl leh", ayadoo aan marna la xusayn in dalal badan oo adduunka qaarkood aysan xeerka badda gebi ahaantiisba saxiixin ama dhaqan gelin, qaarna ay leeyihiin xeer u dhigma kan Soomaaliya lahayd in ka badan 40 sano ka hor intii aysan muranka gelin xukuumadii hore.

 

Finish here: http://somalitalk.com/2011/badda/difaac77.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this