Dr_Osman Posted May 22, 2013 Barakacayaal duleedka Bosaaso looga dhisay guryo Published on May 20, 2013 by Canab · No Comments · 993 views qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka magaalada Bossaaso ee gobolka Barri ayaa loo dhisay 500 boqol oo guri oo ay dhistay hay’adda UN-habitat. Munaasabad lagu wareejinayay guryaha loo dhisay qoysaska barakacayaasha ah ee ka soo barakacay gobollada dalka ayaa waxaa ka qeyb galay duqa magaalada Bosaaso, saraakiil ka socotay qaramada midoobay qeybta gargaarka iyo xubno ka socday hay’ada Un-habitat oo dhistay guryahan. Sargaal ka socday hay’adda Un-habitat oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in guryahan ay uga talagaleen dadka barakacayaasha ah ee aan awoodin in ay dagaan guriyo ka celiyo dhaxanta iyo qoraxda, kuwaas oo horay u daganaa aqalo ka sameysan cooshado. Duqa dagmada Bosaaso Xasan Cabdale Xasan oo sidoo ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyay hay’adda isku xilqaantay dhismaha Guryahan waxa uuna intaasi raaciyay in wax weyn ay ka badali doonto xaalada dadka barakacayaasha ah kuwaas oo mararka qaar guryahooda ay gubtaan xiliyadda dabeylaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 22, 2013 1700 homes built for IDPS in Puntland. Thats somalinimo thats wadani thats gob Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted May 23, 2013 That is Good Ma Sha Allah. Quote Share this post Link to post Share on other sites