Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bossaso - Puntland Government Builds 500 Homes For IDPS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Barakacayaal duleedka Bosaaso looga dhisay guryo

 

Published on May 20, 2013 by Canab · No Comments · 993 views

 

qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka magaalada Bossaaso ee gobolka Barri ayaa loo dhisay 500 boqol oo guri oo ay dhistay hay’adda UN-habitat.

 

Munaasabad lagu wareejinayay guryaha loo dhisay qoysaska barakacayaasha ah ee ka soo barakacay gobollada dalka ayaa waxaa ka qeyb galay duqa magaalada Bosaaso, saraakiil ka socotay qaramada midoobay qeybta gargaarka iyo xubno ka socday hay’ada Un-habitat oo dhistay guryahan.

 

Sargaal ka socday hay’adda Un-habitat oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in guryahan ay uga talagaleen dadka barakacayaasha ah ee aan awoodin in ay dagaan guriyo ka celiyo dhaxanta iyo qoraxda, kuwaas oo horay u daganaa aqalo ka sameysan cooshado.

 

Duqa dagmada Bosaaso Xasan Cabdale Xasan oo sidoo ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyay hay’adda isku xilqaantay dhismaha Guryahan waxa uuna intaasi raaciyay in wax weyn ay ka badali doonto xaalada dadka barakacayaasha ah kuwaas oo mararka qaar guryahooda ay gubtaan xiliyadda dabeylaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this