Xaaji Xunjuf Posted May 21, 2013 Sudan Oo Somalia Ku Caawisay Saanad Milatari Khartuum, May 21, 2013 (W.Wararka) - Waarka ka imanaya dalka Suudan ayaa sheegaya in dawlada kumeel garka ah eeSsoomaliya ay ugu deeqday hub iyo rasaas noocyo kala duwan leh, kuwaas oo ay ku jiraan qoryaha Ak47 nooca dabajeexa loo yaqaano, kuwa dhexe iyo rasasta qoryaha kala duwan ee hubka. Waraka ayaa waxaa uu intaa ku daryaa in wasiirka gashandhiga soomaliya uu haatan joogo khartuum isagoo ka gudoomay hubkaas iyo rasaastaa ay dawlada suudan ugu deeqday dawlada Soomaliya. Wafdigan oo ay ka mid yihiim Mas’uuliyiin Dhanka Ciidanka Qalabka sida ah oo kala ah, Ganaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, Ganaraal C/qaadir Macalin Nuur Abaanduulaha Saadka iyo Taakulaynta, iyo Madax kale oo dhanka Amaanka ah. Wasiirka gaashaandhiga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo warbahinta u waramayay ayaa sheegay in Safarkooda uu ka dambeeyay kadib Markii ay Marti Qaad rasmi ah uu ka helay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Sudan. Sidoo kale Wasiirka ayaa Carabka ku dhuftay in Dowladda Sudan uu kala Hadli Doono sidii iskaashi Dhanka Milatariga ah u dhex mari lahaa labada Dowladood. Dhanka Kale Kulan ay yeesheen Safiirka Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Madane Maxamed C/laahi Ugaas Faarax iyo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu ugu warbixiyay Safiirka Xaalada Siyaasadeed ee Dowladda Sudan inta Badan kula dhaqanto Soomaaliya kaasoo aan ku dhisnayn Dano gaar ah oo ay Soomaaliya ka leedahay hasayeeshee uu ku dhisan Walaaltinimo iyo Jacayl ay u qabaan Umadda Soomaaliyeed. Safiirka ayaa Xusay in Dowladda Sudan ay tahay Dowladii inta Badan garab istaagtay Shacabka Soomaaliyeed markii dhibaatadii Gaajada ku habsatay Qaar ka mid ah Gobolada Koofureed ee Soomaaliya Taasoo aan Abaalkooda loo gudi karin. Safiirka ayaa Sidoo kale uga warbixiyay Xaalada Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan kuwaasoo ah Ardayda ugu Badan ee Wadan Soomaaliya ka baxsan ay wax ka bartaan. Waxaa lagu wadaa Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiin Fiqi in ay Sudan kusii sugnaan Doonaan ilaa maalinta Khamiista ah ee nagu soo fooda leh. Waa markii ugu horeyey ee dawlada suudan ay ugu deeqdo sanad meletari, waxana dhawaan ay sheegtay dawlada suudan in ay soomaliya ku caawinayso aduun dhaqaale kaas oo la sadalinayo in shixnadan hubka ah ee haatan la siiyey dawlada soomaliya ay ka mid tahay macawinadii ay ugu deeqday dawlda soomaliya,waxana la filayaa in dayaarado lagu gayn doono sanadan todobadka soo socda magalada muqdisho Hore ayuu wasiiirka gashandhiga soomaliya sheegay in dawladiisu anay haysan wax sanad meletari oo ay isku difacaan iyo wax rasaasaba. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted May 21, 2013 is this a case of the blind leading the blind? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 21, 2013 ^^ What do you mean Sudan has a fine army? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted May 21, 2013 ^ not really. Sudanese engineering is not up to internationals standards......but then again nor is Somalia likely to ever be a strong military power, again. so its really a case of the blind leading the blind, ma istidhi? Quote Share this post Link to post Share on other sites