Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Faroole Ahmed madoobes jubbaland must be respected only way to reconcalation and a united Somalia.

Recommended Posts

Dr.Farole oo ka hadlay Jubaland

20 May 20, 2013 - 2:42:40 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa sheegay in wadada keliya ee Somali dib iskugu soo noqon karto ay tahay in la qaato nidaamka Federaalka ah.

 

Maamulka Jubaland ee dhowaan laga dhisay Kismayo ayuu ka hadlay madaxweynuhu xili uu furayay guryo barakacayaasha Garowe loogu talogalay maanta.

 

''Wadada keliya ee u furan dib u heshiisiinta waatan Federaalka ah Cidii wax kale ku riyoonaysa iyadaa cirka biyo ku og'' ayuu yiri Dr.Farole oo rajo wanaagsan ka muujiyey inay soo dhamaystirmaan dhismaha maamulada kale ee dalka sida Bay ,Bakool ,Shabeelooyinka iyo weliba gobollada dhexe.

 

Dhanka kale waxa uu ka hadlay dastuurka Federaalka oo horey June,2012 saxiixayaashu ugu heshiiyeen ka dibna ergo 825 gaaraysa ay ku ansixiysay Muqdisho August2012 ,waxana la sheegay in 13 wax laga badalay lana horgeeyay Barlamanka.

 

Jubaland tan iyo doorashadii Axmed Madoobe ayaa waxa xaflado kala duwan ay ka dhaceen dalka gudihiisa iyo dibadda taasi oo lagu soo dhoweynayo doorashadan iyo dhismaha maamul goboleedka ay ku mideysanyihiin Jubooyinka iyo Gedo.

 

Halkan ka dhageyso codka Madaxweynaha Puntland oo ka hadalaya Jubaland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this