Dr_Osman Posted May 21, 2013 Xiriirka Federaalka & Somaliland oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland Waxaa Todobaadkan Magaalada Geneva ee Dalkan Switzerland soo wada gaaray laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen Wasiirada Adeega Bulshada Dowlada Federaalka ee Somaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud (Xoog). | on May 20, 2013 Ujeedada Mas’uuliiyntan ay u yimaadeen Dalkan Switzerland ayaa waxa ay aheyd in ay si Wadajir ah ugu qeyb galaan kulan sanadle ah oo ay soo qaban qaabiso Hay’ada WHO ee Qarmada Midoobey u qaablisan Caafidmaadka oo looga hadlo Caafimadka Adduunka kaasi oo ka dhaca Magaalada Geneve. Qorshaha dhabta ah ayaa ahaa in Wafuuda ka socota Somaliland iyo Puntland ay ka mid noqdaan wafdiga Wasiirada Adeega Bulshada ee Dowlada Federaalka ee Somaliya ayna wada fadhiistaan miiska loogu tala galay Dalka Soomaaliya. Balse Maanta oo uu shirka furmay oo lagu waday in ay wafdiga ay Hogamineyso Wasiirkada Adeega Bulshada ay shirka ka soo qeyb galaan waxaa aan ka soo qeyb galin furitaanka shirka Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud (Xoog) ka cudurdaartay ka qeyb galka Shirka isagoo sheegay in ay jiraan xaalado shaqsiyeed. Balse ilo lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijiyay in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud uu ka qeyb galka shirka loogu hadlayo Caafimaadka Aduunka uu kaga baaqday kadib markii Maamulka Somaliland ee Hargeysa ay sidaasi ku amreen. Arintaan ayaa la xiriirtay xiriirka aan wanaagsaneyn ee xiligaan u dhaxeeya Beesha Caalamka, Dowlada Federaalka iyo Somaliland. Somaliland ayaa dhowaan sidoo kale waxa ay diiday in ay ka qeyb gasho shirkii London ee looga hadlayey taageera caalamka ee wadanka Soomaaliya. Goor dhow Naga filo Wareysiyo arintaan la xiriira. Cabdiqani Cali Dalmar Horseed Media Geneva-Switzerland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 21, 2013 Show-down Sharif vs Siilanyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted May 21, 2013 Osman, the current president is called Hassan! Quote Share this post Link to post Share on other sites