Sign in to follow this  
malistar2012

Xildhibaano 130 ku dhow oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayey waxqabadka Xukuumada RW Saacid

Recommended Posts

Hotelka Naasa-hablood (2) ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo ay ka qeyb galeen in ka badan 120 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka federaalka Somalia kaasoo lagu taageerayey waxbaqadka xukuumada RW Saacid, isla markaana looga soo horjeeday mowshinka laga gudbiyey ee la doonayo in lagu rido.

 

 

Kulankan oo xitaa xildhibaanada ka qeyb galay ay ku jireen qaar ka mid ah xildhibaanadii mowshinka gudbiyey oo mowqifkoodii bedelay ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano fara badan oo ku dheeraaday waxqabadka xukuumada RW Saacid.

 

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin iney mowshin ka keenaan xukuumada laakiin loo baahan yahay in wax walba ay ku saleeyaan rabitaanka shacabka Soomaliyed ee ay wakiilka ka yihiin ayna dhinac iska dhigaan danaha shaqsiga ah.

 

Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shiikh Aadan Madoobe oo isna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin iney dhaliilaan, qaladaadka jira farta ku fiiqaan, mowshina ka keenaan xukuumada haddii ay gudan weyso waajibaadkeeda hase ahaatee loo baahan yahay ineysan deg degin si aan loogu arkin iney yihiin kuwo qaran dumis ah.

 

“Xukuumada RW Saacid waxay jirtaa todoba bilood waa muddo aad u yar wax badana oo aan la is lahaa mudadaas kuma qaban kartana wey qabatay runtii, dalka 22 sano ayuu burbur ku socday, bilo kooban iyo sanado yar wax loogama qaban karo, dowladana dhaliil waa yeelan kartaa laakiin ma gaarin ayaan isleeyahay heer laga keeno mowshin lagu rido” ayuu intaa ku daray Aadan Madoobe oo xildhibaanada ka tanaasulay mowshinkaas uga mahad celiyey talaabada ay qaadeen.

 

Gudoomiyaha guddiga xuquuqul Insaanka ee Baarlamanka xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid aheyd xubnihii kulankaas ka hadlay ayaa iyana sheegtay in xukuumada raisul wasaare Saacid ay wax badan ka qabatay mudadii ay jirtay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin soo celinta xiriirkii caalamiga ahaa, amaanka maamulada gobolada iyo xoojinta xiriirka dadaweynaha.

 

“Shacabka Soomaaliyed dal iyo dibed wey ka naxeen markii ay maqleen mowshin ayaa laga keenay xukuumada, Waayo? Waxay aaminsanayeen in dowlada RW Saacid ay tahay midii ugu wanaagsaneyd dowlidihii dalka soo maray xiliga burburka, waxayna diidanayeen in muran iyo isqabqabsi kale uu ka dhasho arintan kaasoo muddo dheer sii jiitami kara” ayey tiri xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

 

Xildhibaanadii mowshinka ka keenay xukuumada RW Saacid ayaa awoodoodii la daciifiyey ka dib markii la kala furfuray wadahadalo iyo kulamo badan oo lala yeeshay ka dib, waxaana arintaas ay neef weyn ka soo fujisay RW Saacid iyo xukuumadiisa oo mowshinkaas u arkayey mid khatar gelin kara jiritaankooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar kamid ah xildhibaanadii xukuumada Soomaaliya mooshinka ka keenay oo arinkaa dib uga laabtay.

May 20, 2013 - Waxaa Qorey : Balcad Muqdisho -

 

 

Qaar kamid ah xildhibaanadii Mooshinka ka keenay xukuumada Ra’iisu wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa arinkaasi dib uga laabtay kadib markii ay arkeen in hadda aanu habooneen mooshinkaas.

Xildhibaanadaan iyo kuwo kale oo baarlamaanka ee taageersanaa xukuumada ayaa kulan ay maanta yeesheen waxaa ka hadlay xildhibaan Dalxa oo xubnihii mooshinkaan keenay ka mid ahaa wuxuuna sheegay in isaga iyo xubno kale ay dib uga laabteen.

“Aniga iyo qaar badan oo kamid ah xildhibaanadii Mooshinka keenay dib ayaan uga laabanay waayo danta Soomaaliyeed ayaan eegnay, waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada kale inay iyaga dib uga laabtaan”

Xukuumada Saacid ayaa u muuqanyesa mid hadda heleysa taageero qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Somaaliya, laakiinse maalinta Arbacada ayaa wax walba la ogaan doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this