Sign in to follow this  
malistar2012

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in la taageero horumarka iyo guulaha ay gaartay dowlada Federaalka

Recommended Posts

Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in la taageero horumarka iyo guusha siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya gaartey iyagoo kadigey in la abuuro wax kasta oo caqabad ku keeni kara guulaha la gaarey.

 

Wasiirka warfaafinta ahna afhayeenka maamulka Galmudug Axmed Maxamed Xasan Baasto oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xiligan aan loo baahneyn in la abuurio caqabado hor leh oo ka hor imaankara horumarka ay dowladu ku talaabsatay.

 

‘’Dowladu Federaalku waxeey meteshaa ummadda Soomaalyeed iyadoo heysata aqoonsi caalami ah ayeey gaartay guulo wax ku ool ah waxaana xaqiiqdii dhab ah in golaha xukuumadu ay abuureen horumar la taaban karo oo ay ka mid tahay qaadistii cunaqabateynta, abuuritaanka xiriir caalami ah oo Soomalaiya la yeelatay caalamka intiisa kale’’ Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Baasto ayaa sidaasi yiri.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi ku daray in dowladu ku guuleysatay wax ka qabashada dhinaca amniga wuxuuna xusay in madaxda qaranku ay kormeer ku tageen 12 gobol oo ka mid ah dalka, taasina waxuu ku tilmaamay iney tahay talaabo hore loo qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi ku daray in dowladu ku guuleysatay wax ka qabashada dhinaca amniga wuxuuna xusay in madaxda qaranku ay kormeer ku tageen 12 gobol oo ka mid ah dalka, taasina waxuu ku tilmaamay iney tahay talaabo hore loo qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka “sawirro”

 

kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan iyo taliyaha ciidamada AMISOM waxaana looga hadlay sidii mamulka cusub ee gobolka ay ula shaqeyn lahayeen Odayaasha dhaqanka.

 

Intii uu socday kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Odoyaasha waxyna balan qaadeen in dhankooda mamulka ay garabtaagan yihiin, waxeyna intaasi ku dareen in ay diyaar u yihiin in maamulka Gobolka Hiraan ay ku warejinayaan hubka ay haystaan qabiilada.

 

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa si weyn usoo dhaweyey sida wanaagsan oo u aqbaleen kulanka isla markaane ay ugu yabobeen hubka ay haystaan qabiilada si ciidanka qalabka sida uu ugu howlgalo.

 

Ugu dambeyntii waxaa goobta ka hadlay taliyaha ciidanka Jabuuti ee ka mid ka ah ciidamada AMISOM waxa uuna tilmaamay in lagama maarman ay tahay in laga wada shaqeeyo amaanka gobolka iyo horumarkiisa si uu u noqday mid kasoo kabtay dib u dhacii ay ku keneen maleeshiyaadkii ka tirsanaa shabaab ee ku sugnaa.

 

DSC01391.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Has the Somalia Federal Government did anything for Galmudug?

 

Ask not what your country can do for you, but what you can do for it.

 

SFG is gaining control over south Somalia , there are works to replace militias in those regions with SAF .

Share this post


Link to post
Share on other sites

USC allies are strengthening thier alliance---this is all this piece of news conforms :D

 

Jubbaland is a model state, perhaps our Galmudug brothers should pay a visit and see if they can compose after this political genius

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowladdii KMG ahayd Xildhibaan C.rixmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Waftigii dowladdu u dirtay Magaalada Kismaayo oo Waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Saadaal Media ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii ay Kismaayo ku sugnaayeen.

 

C/rixmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay inay kulamo la qaateen dadka dagan Kismaayo isla markaana ay is waydaarsadeen Fikradihii ay dowladda ka wadeen iyo sidoo kale aragtida dadka reer Kismaayo ee ku aadan Maamulada faraha badan ee looga dhawaaqay Magaalada.

 

C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inay Magaalada Kismaayo kula kulmeyn Odayaasha Dhaqanka, wax garadka, dhalinyarada iyo weliba haweenka ku

dhaqan, sida uu yiri.

 

Waxaan soo ogaanay buu yiri inay dadku doonayaan Maamul buuxo oo ay dadka ku wada mideysan yihiin, isagoo xusay inaysan dadka reer Kismaayo dooneyn, Maamulka hal garab uun ka socda.

 

Maamulada kala duwan ee looga kala dhawaaqay Magaalada Kismaayo, ayuu wuxuu cadeeyay inuu si xoog leh uga horimaanaayo Dastuurka dalka, wax walba oo Sharuucda dalka u degsan kahor imaanaaya, ayuu sheegay inay yihiin waxaan soconeyn.

 

Mr Xoosh ayaa wuxuu tibaaxay in waxa ay doonayaan dadka reer Kismaayo, la heli karo oo kaliya sida uu yiri, kolka loo ogaansamo Dastuurka dalka, haddii aan sidaasi la yeelin ayuu sheegay inuu fashil ku soo idlaan doono, rabitaan kasta oo la doono.

 

Wasiirkii hore ee Dastuurka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay dadkii ay la kulmeen inay ka codsadee in dowladdu ka howlgasho Kismaayo, sida Xarumaha Booliska iyo dhaqaalaha si dadka deegaanku ay Cadaalad ugu qayb sadaan Khayraadka deegaankooda.

 

Waxaa uu sheegay inay la kulmeen Wakiilo ka kala socday Raga sheegtay Madaxwaynayaasha Jubbaland isla markaana ay kala hadleen sida ugu haboon ee arinta la iskugu keeno karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this