Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Job Expo Opens. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland oo soo bandhigtay Carwo shaqo(Job Fair)

| on May 19, 2013

 

Waxaa hoolka shirarka ee Jaamacadda Muqdisho faraceeda Bosaso lagu qabtay bandhig, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland(Puntland Chamber of Comerce and Industry) oo gacan ka helaysa Hay'adda UNDP.

 

Kulanka ayaa ahaa mid lagu soo bandhigayey carwo shaqo, waxaana ka soo qeybgalay maamuulka rugta ganacsiga, Ganacsato,dhalinyaro, culm’udiin qaar ka mid ah Hay’adaha ka hawlgala Puntland iyo marti sharaf kale.

 

Arday gaareysay 300 ayaa ka soo qeybgalay munaasabadda, kuwaasi oo wax ka bartay jamaacadaha ku yalaa Bosaso iyo 40 shirkadood oo goobta ku soo bandhigay boosas shaqo oo ka banaan shirkadahooda, waxaana ka mid ahaa shirkadahaasi Dahabshiil Bank iyo Salaam Bank.

 

Ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga Maxamad Caydiid Jaamac oo sheegay in kulankaani ay ugu talagaleen in ay ku soo bandhigaan carwo shaqo, taasi oo lagu talagay in ay ka faa’ideystaan ardayda dhammeysatay jamaacadaha ku yaala deegaanada Puntland.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiye ku xigeenka Rugta in arday ay u fureen tobabarka ku saabsan sidii ay ardayda loogu saameyn lahaa sganacsi iyo shaqo abuuris.

 

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay Prof. Cali Sheekh oo ah hormuudka Jamaamcadda Muqdisho ee magaalada Bosaaso oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin haddii ay yihiin maamulka jamacadda in ay marti galiyaan kulan sidaan oo kale oo muhiimad weyn u leh arday reer Puntland.

 

Faarax Xaaji Mire oo ah madaxa xirir bulshada ee shirkadda isgaasiinta Golis Bosaso ayaa isna goobta ka hadlay, waxa uuna sheegay in shirkadda Golis ay qeyb libaax leh ka qaadatay barnaamijkan, waxa ayna maalgalisay barnaamij loogu magacdaray XILWA FAST FOOD oo ah kambani sameenaya cuntada fudud.

 

Waxa ay sameeyeen cuntadii ay cunayeen marti sharaftaan ka soo qeybgashay xafladadan waana shaqo abuur loo sameeye ardayda dhameysatay jaamacadaha Puntland qaarkood ayuu hadalkiisa ku daray mudane faarax

 

Gabagabadii waxaa kulanka ka hadashay Xamdi Cumar Cali oo ka mid ahayd ardaydii kasoo qeybgashay kulanka oo u mahad celisay Rugta ganacsiga iyo Hayadda Tadamun oo ay shaqo ka heshay kadib markii ay u gudbisay siifigayda intii ay soctay xafladda.

 

Waa bandhigii ugu horeeyey ee Rugta ganacsiga Puntland ay soo bandhigaan, kaasi oo loogo magacdaray [Carwo Shaqo],waxa ayna maamulka Rugta ay balan qaadeen in ay sii wadayaan bandhiga noocaan oo kale, kaasi oo faa’ido weyn u leh ardayda reer Puntland, isla markaana fududeyn kara ALLE ka sakay in ay ardaya ay helaan shaqoooyin.

 

Horseed Media

Bosaso-Puntland

Somaliya

 

DSC01191.jpg

DSC01097.jpg

DSC01099.jpg

DSC01101.jpg

DSC01118.jpg

DSC01129.jpg

DSC01185.jpg

DSC01107.jpg

DSC01108.jpg

DSC01110.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this