Sign in to follow this  
Dr_Osman

Qardho Embeeye Hotel Officially Opens. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Hotel Casri ah oo Qardho laga furay [sawiro]

Waxaa magaalada Qardho laga furay Hoteel Embeeyey oo si weyn ugu duwan hoteelada ku yaalo Puntland.

| on May 19, 2013

 

Xafladii lagu furaayey Hoteelkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi,Maamulka Degmada,kan Gobolka,Ganacsato iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan.

 

Xafladda furitaanka Hoteelkaan ayaa waxaa laga soo jeediyey Hadalo kala duwan,waxaana la isku raacay in Hoteelkaan oo ka duwanyahay hoteelada ku yaalo Puntland marka loo eego qalabeynta casriga ee lagu sameeyey,waxaana la keenay Jiif aan noociisa laga helay Puntland,qolwalbo waxa uu leeyahay Suuli ugaarah, Dhalo aad kala soconkartid wararka caalamka, Internet iyo adegyo kale oo nafta si weyn ay ugu qanceyso hadii aad mar uun soo gaarto oo aad seexato.

 

Madaxweynihii Hore Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi oo ka hadalay xafladaani ayaa sheegay in dhismaha Hoteelkaan waxa weyn ka badalay bilicda magaalada Qardho,waxa uuna ganacsatada ka soo jeeda Qardho ugu baaqay in ay maalgashi ku sameeyaan magaalada.

 

Axmed Xirsi Embeeyey Milkiilaha Hoteelkaan ayaa waxa uu sheegay in ay ku faraxsanyihiin in dhismo sidaan oo kale ah ay ka dhisaan magaalada Qardho,waxa uu sheegay in dad badan ay la yaabanaayeen markii dhismahaan labilaabayey laakiin maanta waxaa hubaal ah in uu ka mid noqday hoteelada ugu casrisan ee ku yaalo Puntland,qalabka la keenay ayaa waxa uu sheegay in uu yahay mid noociisa ku cusub Puntland,waxa uuna ugu danbeyntii xusay in qofwalbo ka qeybgalo hormarinta magaalada Qardo

 

Hoteelkaan ayaa waxa uu ka koobanyahay qeybo kala duwan,Qeybta Supermarketka, Restauranti aad ka heleyso rashiin aad u macaan,Isbitaal ay joogaan dhaqaatiir kala duwan, Farmashiye aad ka heleysid daawooyin casri ah iyo hotel aad la dhaceyso hurdasiia macaan hadii aad marun seexato.

 

Furitaanka dhismaha Embeeye ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli magalada Qardho ay soo gaarayaa xagaabaxayaasha ka imaanaya magaalada Bosaso,waxaana la filayaa in ay ku qanci doonaan marka ay soo gaaraan Qardho,waxana shaki ku jirin sanadkaan ganacsiga Qardho oo si weyn isku badalay,hadii aad inmuudo ah ka maqneyd magaalada Qardho waxaad daremeysaa in magaaladii ay isbadashay dhanka dhismaha,hormarka,amaanka.

 

Cabdiraxman Maxamed Cali (Black)

Qardho-Karkaar-Puntland-Somalia.

 

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-1.jpg

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-2.jpg

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-3.jpg

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-4.jpg

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-5.jpg

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-7.jpg

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-8.jpg

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-9.jpg

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-10.jp

Embeeye_Hotel_oo_Qardho_lagafuray.-11.jp

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this