Sign in to follow this  
Carafaat

President Hassan Sheicks first official statement on the Jubba issue

Recommended Posts

Carafaat   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo markii u horeysay ka hadlay arrimaha Jubooyinka

 

agoonta.jpg

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay arrimaha ka taagan Jubooyinka iyo Somaliland oo maanta ay u dabaal degeyso sanad-guuradii 22aad ee ka soo wareegatay markii ay ku dhawaaqeen in gooni isaga taageen Soomaaliya inteeda kale.

 

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu ka jeediyay Munaasabad uu xariga kaga jarayay Xarun Agoonta lagu xanaaneeyo oo ay hirgelisay Hey'ad ka tirsan dowladda Turkiga oo ku taal duleedka degmada Wadajir ayaa waxaa uu sheegay in arrimaha Kismaayo ka jira ay yihiin wixii ay in muddo ah ka digayeen.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sharci daro ku tilmaamay maamuladii halkaas laga magacaabay, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay mar kale wixii dadaalo ah gacan ka geysato.

 

Waxaa uu sheegay in dadka ku nool Jubooyinka ay yihiin dad nabadeed, isagoo ku baaqay in aan wax colaad ah la gelin, sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda wafdi ay ku jiraan saraakiil u dirtay si ay aanay wax colaad ah uga dhigin.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM ay kala hadleen in aanay wax lug ah ku yeelan arrimaha xiisadaha ee ka taagan Kismaayo.

 

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday arrimaha federaalka ayuu waxaa uu meel isaga riixay in dowladda aanay dooneyn federaalismka, hadalkaas uu yahay mid war xumo tashiil ah, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in aan lagu deg degin arrimaha federaalka, hadii kale ay fashil keeni doonto.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii cadiifad laga tago, waxaana uu ku tilmaamay shacabka reer Somaliland inay yihiin shacab aad u wanaagsan, isla markaana dowladda waxba ka hagran doonin, waxaa uu xusay in qiimo kasta ha ugu kacdee inay ka shaqeyn doonaan sidii dadka Soomaaliyed midnimadooda loo soo celin lahaa.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this