Sign in to follow this  
malistar2012

ildhibaanadii mowshinka gudbiyey oo laga hor joogsaday kulan ay maanta ku yeelan rabeen Muqdisho

Recommended Posts

Xildhibaanadii Baarlaamanka hor keenay mowshinka ka dhanka ah xukuumada Somalia ayaa maanta shaaca qaaday in ciidamo ka tirsan nabad sugida ay ka hor joogsadeen kulan qado ah oo ay ku lahaayeen Hotel ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaanadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa arintaas cambaareeyey iyagoo ku tilmaamay mid sharci daro ah oo ka dhan ah galaangalka ay u leeyihiin iney yeeshaan kulamo iyaga u gaar ah.

 

 

T“Hotelka City Plaza ayaan ka dalbanay inuu noo diyaariyo qado ay ka qeyb galayaan 110 xildhibaan oo halkaas ku yeelan lahaa kulan ay uga hadlayaan danaha ummada, markii duhurkii la gaaray intaanan gaarin hotelka ka hor ayaa mamulka hotelka waxaa uu nagu soo wargeliyey in ciidamo ka tirsan nabad sugida ay yimaadeen ayna amar ku bixiyeen inaan kulankaas la qaban Karin” sidaa waxa yiri xildhibaan Cali khaliif Galeyr oo ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb geli lahaa kulankaas qadada ah horeyna RW uga soo noqday xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

 

Xildhibaan Cumar Islow oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in talaabadan ay qaadeen ciidamada nabad sugida ay ka hor imaneyso dastuurka dalka oo dhigaya in xildhibaanadu ay ku kulmi karaan meeshii ay doonaan aysana jirin cid is hor taagi karta wuxuuna ugu baaqay madaxda dowlada iney arintan jawaab deg deg ah ka bixiyaan haddii kale u arki doonaan iney iyagu ka dambeeyaan waxa lagu sameeyey.

 

Ma jiro illaa hadda war jawaab u ah eedeeymahan oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo saraakiisha dowlada Somalia, iyadoo wasiirka arrimaha gudaha oo wax laga weydiiyeyna uu ka gaabsaday inuu ka hadlo.

 

.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali khaliif Galey should be expelled from the parliament , zero tolerance for dawladiid elements in the FG. We need united Government in these difficult time's . Cali khaliif Galey is promoting a clan agenda that's not acceptable .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doesn't calling for an elected parliamentarian to be "expelled" from the capital enforce the argument some had about Mogadishu not being equal for all? and isn't the job of every parliamentarians to represent their constituent however flawed?

 

FYI, 110 is not a small number marka waxbaa khaldan meesha - laakiin Insha Allah kheyr.

 

All that I know is some of the irresponsible comments people make on this forum (which is nothing more than a digital fadhi-ku dirir joint similar to the one they have in every Somali maqaaxi which, ironically, most of you would disassociate yourself from because waxaad tahay "nin/gabadh wax bartay") just to score silly "political" point (and I use the term political very loosely) simply makes a difficult situation even worse than it should be.

 

Remember that ever comment you make on SOL or any other forum for that matter only makes you more enemies as an individual and not thing more. Cid lacag kugu siinaysa ma jirto defending some hocus-pocus qabiil ee if you must waste your time, waste on something useful.

 

I hope in aanan laygu sifayn the proverbial wisdom dhahda - "Better to remain silent and be thought a fool than to speak out and remove all doubt". Abraham Lincoln

Share this post


Link to post
Share on other sites

. Cali khaliif Galey is becoming a obstacle , at time when Somalia is in a fragile state ,. Cali khaliif Galey is promoting division and is playing with clan card to gain his interest , as on elder man who was part of the Kacaanka he should demonstrate dawladnimo and Somalinimo with his talent.

 

 

. Cali khaliif Galey should frame from anything that can jeopardize the FG or Cause Division

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this