Sign in to follow this  
malistar2012

HOME ARIMAHA BULSHADA CAYAARAHA MAQAALO WARARKA Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka hadlay arimaha mideynt

Recommended Posts

Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb oo ka mida maamul Goboleedyada Soomaaliyeed ee ka howlgala Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay arimaha maamu usameeynta Gobolada Dhexe ee dalka.

 

Afayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale (Ganiileey) oo la hadlay bahweynta saxaafada ayaa sheegay in Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya ay laf dhabar u yihiin dowlada Soomaaliya hadii ay israacaana ay fududaha in dhamaan dowladu ay hanato hogaaminta guud ahaan dalka soomaaliya.

 

Maxamed Cumar waxaa uu sheegay inay iminka ay socdaan kulamo ay la yeelanayaan maamulada kala duwan ee ka jira Gobolada dhexe ee dalka kaasi oo ay kaga hadlayaan sidii gobolada dhexe loo midey lahaa isagoo sheegay in arintaasina ay meel wanaagsan mareyso.

 

Afayeenka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale waxaa uu timaamay inay la kulmeen maamulka Cusub ee gobolka Hiiraan kaasi oo ay kala hadleen sidii gobolada dhexe loogu samey lahaa hal maamul isla markaana ay wax isla meel dhigeen sida uu sheegay.

 

Sidoo kale Afayeenka ayaa tilmaaya inay dhawaan gogol nabadeed ay u dhigi doonaan maamulka Galmudug taasi oo lagu dhex dhexaadinaayo labada madaxweyne ee isku heysta qabashada xilka madaxweyne ayna maal maha soo aadan ay ku balansayihiin inay Cadaado gogol ugu dhigaan.

 

Afayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale (Ganooleey) mar la weydiiyay su’aal aheyd halka saldhig u noqo karta maamulkada gobolada dhexe xiliga laga arinsanaayo mideynta goboladaasi ayaa waxaa uu ku jabaaya inay Ximan iyo Xeeb ay ku habootahay maadaamad sida uu sheegay inay tahay meesha ugu nabdoon marka la eego gobolada dalka Soomaaliya ayna tahay sidoo kale bartamaha Gobolada dhexe.

 

Dhinaca kale Mr ganooleey ayaa ka hadlay arimaha magaalada Kismaayo oo mudooyinkii danbe ay ka taagnaayeen xaaladu adag oo dhanka maamul u sameeynta ah waxaana uu sheegay in maamulkaasu uu tahay mid lagu marin habaabinaayo umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Waxaa uu tibaaxay in dadka majaraha u haya shirkaasi Kismaayo aysan aheyd kuwo dan u ah shacabkaasi ku dhaqan Jubooyinka balse ay yihiin kuwa dano gaar ah kuwata.

 

Isku soo wada duuboo hadalkan kasoo baxay Afayeenka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa uu kusoo adayaa xili dhawaanahaanba Ximan iyo xeeb ay hadal haysay inay u istaageyso sidii loo midey lahaa Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.X/Gololadaradio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa hore arrimahaan ina la galo ayee ahayd! But it's never too late...

 

Jubaland has paved the way and hopefully has proved to these guys that compromise and progress is possible.

 

I wish the Bartamaha all the best!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this